Warka Isniin - 16 Aug 2021

Victoria ayaa oo labo toddobaad loogu daray xannibaaddii, islamarkaana bandow habeennimo lagu soo rogay. Kooxda Talian oo dhex-fadhiisatay qasriga madax-weynaha Afghanistan, ka dib markii ay gebi ahaanba gacabta ku dhigeen Afghanistan.

Somali news image

Warka Jimco - 4 Maarso 2022 Source: SBS

 Victoria

Xayiraaddii Melbourne ayaa lagu kordhiyey labo toddobaad oo kale, oo ke eg 2-da September. Waxaa kaloo oo lagusoo rogay bandow habeenkii ah, iyo iyadoo la xidhi doono meelaha carruurtu ku cayaarto.
 
Tan ayaa timid iyadoo 22 keys oo cusub oo COVID-19 ah laga helay Victoria, kuwaasoo aan 5 ka mid ah la ogeyn meesha ay kasoo bexeen.
 
Marka bandowgo hirgalo, dadka reer Melbourne looma oggolaan doono inay guryaha ka baxaan, haddii aanay ahayn shaqaalaha lagama maarmaanka ah oo haysta fasax. Jimicsigana waxaa lagu xaddidey ugu badnaan labo qof oo keliya iyo inta ku xidhan (dependents).
 
Birimiyeer-ka, Daniel Andrews, ayaa shacabka Victoria ku boorriyey inay u hoggansamaan sharciyada, si aanay u dhicin, dib-u-qaraxyada New South Wales oo kale, wuxuuna yidhi:
 
[["Waxaynu aragnaa keysas aad u badan iyo kuwo meel ay ka yimaaddeen aan la ogeyn. Hadda waxaa jira 12 illaa 13 ilood oo kala duwan oo virus-tu ka fidday. Qaar baan la ogeyn meel laga keenay markii hore. Taas macneheedu waxaa weeye, inay bulshada ku dhex fidayso iyadoon la ogeyn. Meel khatar ah baynu maraynaa. Maanta ma jiro, ikhtiyaar kale oo inoo furan, oo aan ka ahay, sida uu sarkaalka caafimaadku ku taliyey, inaynu xannibaadda ku kordhino labo toddobaad oo kale."]]
 
Sarkaalka ugu sareeeya booliiska Victoria, Shane Patton, ayaa sheegay in qof kasta oo ka qayb galay xafladdii sharciga baal marsanayd,ee koonfur bari-da Melbourne ka dhacday, lagu ganaaxi doono inay jebiyeen xannibaaddii. Wuxuuna yidhi:
 
[["Waa in abaalkooda la mariyo. Dab badan baa yeelay sida wacan oo xalfadohoodii guurka dib u dhigtay. Waanu muquuninaynaa xeerka. Qof kasta waa la ganaaxayaa. Markaan xisaabayo ganaaxayda kooxdaa la sii doono isku-garkooda oo midkiiba $5,500 yahay, waxay isku noqotay $350,000"]]
 
 
New South Wales
 
Garoonka cayaaraha, Qudos Bank Arena, ayaa lagu wadaa inuu noqdo rugta tallaalka ee ugu ballaadhan New South Wales.

Maantana waxaa gobolka ka bilaabmaya tallaalka 100,000 oo shaqaalaha muhiimka ah, 12-ka dowlad -geegaan ee laga walaacsasan yahay.
 
Waxaa kale oo la tallaalayaa, in kasta oo laga rabo inay sii boos ceshadaan, shaqaalaha da'doodu u dhexeyso 16 ill 39 ee ka shaqeeya meelaha ay ka mid yihiin, daryeelka dadka da'da weyn, adeegyada naafada, cuntada, iyo qaadidda iyo geynta alaabta.
 
 
Queenslad
 
Laga bilaabo 20-ka August oo Jimce, shaqaalaha lagama-maarmaanka ah ee New South Wales,  ayaan loo oggolaan doonin inay soo galaan Queensland, haddii aanay caddaynin inay qaateen ugu yaraan hal duritaan oo ah tallaalka COVID-19.
 
Tan waxaa la shaaciyey iyadoo aan maalinkii labaad, wax keys oo cusub, laga helin Queensland. 10 maalmood baa laga joogaa marku ugu dabmbeysey ee bulshada laga dhex helo quf caabuqa kula dhex jira.
 
Sarkaaladda caafimaadka Queensland, Dr Jeannette Young, ayaa sheegtay, in aad loo yareeyo isu-gudubka xaduudaha, xaaladda caafimaadka ee New South Wales awgeed.
 
[["Haddii uu qof ku khasbanaado inuu kasoo gudbo xuduudda, adeegga uu ka shaqeeyo oo isaga la'aantii istaagaya awgeed, waxaan codsanayaa hab kale oo aynu isku difaacno, oo ah, in, anigoo rajeyana in badankoodu is tallaaleen, uu qofkaasi ugu dabmeyn jimcaha, qaato ugu yaraan hal duritaan."]]
 
 
Kenya
 
Waddanka Kenya-na waxaa walaac laga muujiyey ku isku hallayntooda kaalmada dhinaca tallaalada waddamada kale ee dhinaca tallaalada COVID-19. Waddanka UK ayaa la sheegay inuu dhowaan ugu deeqay Kenya tallaallo AstraZeneca aha, kuwaaso loo kala qaybiyey goobo tallaal oo ku-meel-gaadh oo waddanka ku teedsan. In ka yar 2% oo shacabka Kenya ah, ayaa si buux-da isu tallaalay illaa hadda.
 
 
Afghanistan
 
Kooxda Taliban ayaa la wareegtey qasriga madaxweynaha ee caasimadda Afghanistan ee Kabul, ka dib markii ay gebi ahaanba qabsadeen waddanka, labaatan sannaddood ka dib markii lagu af-gemiyey weerakii uu hoggaminayey Maraykanku.
 
Af-hayeen u hadlaya Taliban ayaa sheegay inay dhowaan caddaan doonto nooca xukunka waddanka iyo dowladduba.
 
Madaxweynihii Afghanistan, ayaa ka cararay waddanka, isagoo ka mid noqday, kumanyaal kale oo Afghanistaaniyiin iyo shisheeyaba ah.
 
Ra'iisal-wasaaraha Ingriiska, Boris Johnson, aya kuu howlan sidii dadka Ingriiska iyo dadka reer Afghanistan ee u qalma, waa siday hadalka u dhigeene, looga soo daad-gureyn lahaa Afghanistan.  Af-ghanistan waa in aanay dib ug laaban xaaladdii ay ku sugnayd 2001-dii ka hore, ayuu yidh Mr Johnson.
 
[["Waxay ila tahay inay aad muhiim u tahay, inaynu reer galbeedkeennu iska garabsano, sidii aynu dowladda cusub u gaadhsiin lahayn, inaan loo baahnayn, in Afghanisan mar kale noqoto goob argagixisadu kasoo kasoo beeranto, una malayn mayno in sidaasi dan u tahay dad reer Af-ghanistan."]]
 
A Taliban official says the group will soon declare the Islamic Emirate of Afghanistan from the presidential palace in the capital, Kabul.
 
Sarkaal ka mid ah Taliban ayaa sheegay inay dhowaan guriga madaxweynaha ee Kabul, ka caddayn doonaan magaca waddanku yeelan doono oo ah "Islamic Emirates of Afghanistan', magacaas oo ah kii waddanka lagu magacaabi jirey, intii ka horreysey Septemeber 11, 2001, markii ay Taliban-ku ka talinayeyn
 
 
Saadaasha Hawada - Talaado (17/11/2021
 
And now for a look at tomorrow's [[Tue]] weather

Perth                         Inta badan qorrax, 23 degrees


Adelaide                    Shuuxyo suurto gal ah, 15
 
Melbourne                 Shuux ama labo, 14  
            
Sydney                      Qayb ahaan daruur, 19
 
Brisbane                    Qorrax, 23
 
 
Sarrifka Lacagaha
 
Halkii doollar ee Austalian ah maanta waxaa lagu sarrifayey 73 sent oo doollarka Maraykanka ah.
 
 
 
 


 
 


 

 

Share

Published

Presented by Abdinur Ismail

Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand
Warka Isniin - 16 Aug 2021 | SBS Somali