New South Wales
New South Wales ayaa la filayaa inay ka baxdo xannibaadda COVID-19 Oktoobar 11-keeda, marka la gaadho boqokiiba 70 labada tallaalba
Isu-socodka gobolladana lama fasixi doono illaa la gaadho boqolkiiba 80 labada tallaalba ah, qiyaastii labo toddobaad ka dib.
Gobolka ayaa diiwaangeliyay 787 keys iyo 12 dhimasho ah maanta oo Isniin ah.
Ms Berejiklian waxay sheegtay inay filayso in gobolka loogu yeero 'COVID-Normal' marka la gaaro 1-da Diseembar laakiin waxay ka digaysaa in tirooyinka keysasku kor u kici doonaan.
Hadalladeedii waxaa ka mid ahaa:
"Marka la gaadho boqolkiiba 80, si xor ah ayaad u mari kartaa New South Wales, waxaad kuu suurtobi doonta inaad baarka tagto oo sara-jooga wax ku cabto. Waxaanu tixgelin doonaa safarrada caalamig ah. Waynu ognahay marka 70% ah labada tallaalba la gaadho, ee aynu xannibaadaha qaadno, in keysasku kor u kici doonaan. Laakiin waxa in difaaci doonaa waa in dad badani qaateen ugu yaraan duritaankii koowaad ee tallaalka, dadkaas oo lahaan doona xayndaab dheer ah oo difaac"
Victoira
Dhakhaatiirta gaarka ah iyo farmashiyeyaasha bulshada ee Victoria ayaa hadda codsan kara deeqo si loo si loo dar-dar geliyo barnaamijka tallaalka.
In ka badan 100 deeqood oo gaaraya ilaa min $ 4000 iyo 10 deeqood oo ah min $ 10,000 ayaa la siin doonaa cidaha ka hawlgala goobaha COVID-ku ku badan yahay.
Gobolku wuxuu maanta diiwaangeliyay 705 keys oo cusub oo COVID-19 ah iyo hal dhimasho .Premier Daniel Andrews ayaa sheegay in deeqdu ay u oggolaan doonto farmashiyeyaasha inay shaqeeyaan saacado dheereed ama ay kiraystaan boosas dheeraad ah, maaddaama ay tallaalo badani imaanayaan.
Hadalladiisiina waxaa ka mid ahaa:
"Labo farmasiiste ayaa ii sheegay in aanay haysin goob wada qaadda dadka tallaalka raba, oo haddii ay taageero heli lahaayeen ay kiraysan lahaayeen guri dhinacooda ah si ay ugu tallaalaan dadka. Haddii aynu caawinno dhakhaatiirteena iyo farmashiilayaasheena hawsha wacan inoo haya, iyadoo ay galeyaan howshii uguu adkayd, tallaaka Moderna oo imaanaya awgeed, dad badan baa la durayaa"
Queensland
Saraakiisha caafimaadka ee Queensland ayaa sheegaya in gaarsiinta boqolkiiba 80 ee tallaalku aysan damaanad qaadi doonin dib u furidda xuduudaha, kahor Ciidda Masiixiga.
Xuduudaha QLD badankooda ayaa ka xidhnaa i New South Wales iyo Victoria ilaa bishii Luuliyo.
Boqolaal ka mid ah dadka deggan Queensland iyo dad rabey inu usoo guuraan ayaa bilo badan ku xannibnaa gobollada kale.
Premier Annastacia Palaszczuk, ayaa sheegtay inay sugayso najiitada dib-u -eegis lagu sameeyay qiyaastii Doherty, oo shacab-wenahay loo soo bandhigi doono, ka dib shirkii golaha wasiirrada ee Jimcaha.
Naafada iyo Tallaalka
Guddiga baadhidda ee naafada (Disability Royal Commission) wuxuu ka digayaa in nafo badan ay halis geli doonaan haddii gobolladu dib u furmaan ka hor intaan qof walba oo naafo ah si buuxda loo tallaalin.
Guddigu wuxuu dhaleeceeyay tallaalka gaabiska ah ee COVID-19 ee dadka naafada ah, isagoo ku tilmaamay mid aad u liita.
Guddoomiyaha Catholic Social Services Australia, Francis Sullivan, ayaa sheegay in qaar badan oo ka mid ah ay weli yihiin kuwo aan la tallaalin oo ay wajahayaan halis caafimaad oo aad u weyn.
Germany
Hogaamiyaha Jarmalka Angela Merkel ayaa guuldaro kala kulantay doorashadii qaran ee dalkaasi, iyadoo Social Democrats-ku ay ku guuleysateen cod aad u yar.
Tirinta dhammaan 299-da degmo ayaa muujisay in SPD-da bidix-dhexe ay ku guuleysteen doorashada, iyadoo heleen codad ah boqolkiiba 25.9
Codayntan ayaa noqotay mid taarkiikh noqotay oo degjin doonta mustaqbalka waddanka Yurub ugu dhaqaalo badan, ka dib markii ay Ms Merkel ka degtey xukunkii ay haysey 16 sannadood.
Safarrada caalamiga
Ra'iisal wasaare, Scott Morrison, ayaa sheegay in laga yaabo in xuduudaha caalamiga ahi dib uu furmi doonaan ka hore ciidda kirismaska.
Ra'iisal wasaaruhu wuxuu kale oo sheegay in tallaabooyinka ugu horreeyaa noqod doonaan inay dadka Australiyaanka ahi dhoofi karaan, kuwa debedda ku xanniban ee permanent residents ah, isla markaana labadii tallaalba qaatayna kusoo noqdaan waddanka.
Saadaasha Hawada - Talaado
Perth Qayb ahaan daruur, 23
Adelaide Shuux ama labo, 22
Melbourne Shuux ama labo gelinka dambe, 23
Sydney Inta badan qorrax, 22
Brisbane Qayb ahaan daruur, 23
Sarrifka Lacagaha
Maanta halkii doollar ee Australian ah waxaa lagu sarrifayey 73 senti oo doollarka maraykanka ah