Victoria
Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Vicotiria ayaa la qabtay isagoo baabuur wada ka dib markii uu maandooriye cabbey habeenkii sabtidii ina dhaaftay.
Xildhibaankaa oo magaciisa la yidhaahdo Tim Smith, kana tirsan xisbiga Liberalka ayaa raalli gelin ka bixiyey waxa uu ku sheegay talo-xumo isagoo islamarkaa ka ruqsaystay golihiisii wasiirrada ee mucaaradka.
"Ma aha xaalad qofna u wanaagsan, ha ahaado saaxiib, rafiiq ama qofkuu doonaba'e. Aan ogaado xaaladdiisa caafimaad, ka dibna xaaladihii ku sababay dhacdodani dhacdo. Intaa ka dibna, waxaan si fool-ka-fool ah ugula hadli doonaa meesha halkaa laga sii aadi doono"
Laysanka gaadhiga lagu wado ayaa laga hakiyey ka dib markii uu gaadhigiisu ku dhacay guri, lamana sheegin cid wax ku noqotay shilkaa.
Victoria maanga waxaa laga diiwaan geliyey 1,471 keys oo cusub oo COVID-19 ah, kuwaas oo kasoo baxay 46, 000 baadhitaan, iyo afar dhimasho ah.
Haddla Victoria waxaa ka jira ku dhowaad 22,000 oo caabuq.
New South Wales
Dadka reer Sydney, ayaa hadda loo oggol yahay inay u safraan meelaha gobollada ah iyo meelaha miyigaba,ka dib in ka badan saddex bilood oo xannibaad ah oo aan dadka reer Sydney loo oggalayn inay u socdaalaan gobollo-hoosaadka NSW.
Premier, Dominic Perrottet, ayaa ka safray Sydney ilaa Dubbo si uu u dhiirrigeliyo socdaalka gobolka iyo tallaal-xoojiyaha COVID-19.
Wuxuuna yidhi:
"Waan jeclahay beerta xannaanada xayawaanka ee Dubbo (Dubbo Zoo). Waa Zoo-ga ugu wacan adduunka.Waxa aan rajaynaya in aan la kulmo dad badan, oo aan la hadlo ganacsatadii soo dhibtootay, laakiin weli howl badan baa dhiman. Hayaankani weli muu dhammaanin. Waa in aan isha ku hayno. Tallaal-xoojiyaha tallaalad COVID-19 maanta wuxuu yaallaa gobolka oo dhan"
New South Wales ayaa maanta laga diiwaan geliyey 135 keys oo cusub oo COVID-19, ka dib ku-dhowaad 63 kun oo baadhitaan oo la sameeyey.
Waxaana sidoo kale la xaqiijiyey afar dhimasho. 349 bukaan jiif ahaa hadda COVID-19 u jiifa cisbitaallada NSW iyadoo ay 77-na ku jiraan qabtab gargaarka dheeraadka ah.
NSW - ICAC
Pirimiyeerkii hore ee New South Wales, Gladys Berejiklina, qiratay in ay ku kalsoonayd inuu xildhibaankii hore ee Wagga Wagga, Daryl Maguire, saxsanaa markii laanta ilaalinta musuqmaasuqa NSW u yeedhay.
Guddiga Madaxa Banaan ee La-dagaalanka Musuqmaasuqa ee NSW ayaa baaraya xiriirkii qarsoodiga ahaa ee Gladys Berejiklian la lahayd Mr Mguire iyo in xidhiidhkaasi saamayn ku lahaa mashaariicdii uu Maguire maal-gelinta u raadinayey.
Intii lagu guda jiray maalintii labaad guddiga ICAC su'aalaha waydiinayeen, Ms Berejiklian waxay u sheegtay guddiga inaysan jirin sabab ay ugu qaadato in Mr Maguire uu sameeyay wax khalad ah.
Wasiirrada dowlad-goboleedka NSW ayaa sharci ahaan looga baahan yahay inay guddiga musuqmaasuqa u gubiyaa ay uga shakiyaan inuu yahay musuqmaasuq, laakiin Ms Berejickian waxay sheegtay inaanay iyadu haninba waxa ay Mr Maguire uga gudbiso guddiga.
Waxayna tidhi:
"Waan sheegay inaan ku dhowaa isaga. Xidhiidh googoos ah ayuu ahaa. Waxaan isku deyey inay sheego inta ugu badan ee aan awoodo, intaasina inta aan ka xasuusto Commissioner"
Queensland
Maamulka caafimaadka Queensland ayaa sheegay in uu gobolka ku socdo wadadii uu ku gaari lahaa 80 boqolkiiba tallaalka COVID-19 marka la gaaro Disembar.
Hal keys oo cusub oo COVID-19 oo waddanka debeddiisa lagasoo qaaday ayaa laga helay QLD maanta, halka aan gobolka gudihiisa lag helin keysas cusub.
In ka badan 77 boqolkiiba dadka reer Queensland ayaa qaatay hal tallaal, halka boqolkiiba 63na si buuxda si buuxda isaga tallaaleen COVID-19ka
Socdaalka caalamiga
Madaxa Madasha Dalxiiska iyo Gaadiidka Australia ayaa ku rajo weyn in ardayda caalamiga ah iyo shaqaalaha xirfadlaha ahi, ku soo laaban doonaan ka dib marka dakda waddanka deggani soo laabtaan.
Dadka Australian-ka ah ee si buuxda loo tallaalay ayaa soo laabanaya iyaga oo aan marka ay yimaaddaan la karantiili doonin, iyaga oo kasoo degi doona New South Wales iyo Victoria.
Madaxa fulinta ee madasha dalxiiska, Margie Osmond, ayaa sheegtay in afar bilyan ay bil kasta baaqan jirtey afar billion oo doollar, bil kasta oo aanay socdaalayaasha caalamiga ahi imaanin.
Waxaa sidoo kale dib u bilaabmi doona isu-socod-ka Austalia iyo New Zealand karantiil la'aan.
Faransiiska iyo Australia
Mucaaradka siyaasadeedda kaga soo hor jeeda ra'iisul-wasaare Scott Morrison, ayaa cod dheer ku sheegaya, niyad-jabka madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ee ka dhashay heshiiskii maraakiibta gujisyada ee la joojiyay.
Mr Macron oo ka mid ah hoggaamiyaasha isugu tegey G-20 ee magaalada Rome, ayaa Ra'iisul Wasaaraha ku eedeeyay inuu been sheegay ka dib markii Australia ay laashay heshiis 90 bilyan oo dollar ahaa oo ay la gashay Faransiiska , kaasoo ay beddelkiisa hashiis kula gashay Maraykanka iyo Ingiriiska
Hoggaamiyaha Greens Adam Bandt ayaa sheegay in Scott Morrison uu adduunka uga been sheegayo xaqiiqada maraakiibta badda quusta ee gujiska iyuo dhuxul-dhagaxdaba.
Wuxuuna yidhi:
"Adduunka intiisa kale way fahmeen, laakiin Scott Morrison, ayaa adduunka si firfircoon uga xagal daacinya inay tallaabo qaadaan. Dhammaanteed, caabta ka sokow waa inaan ka welwelno taas"
Dhinaca kalena, ku simaha ra'iisal-wasaraha, Barnaby Joyce, ayaa sheegay in loo baahan yahay in hore looga socdo arrintan, Australia iyo Faransiiskuna ay waxyaabo badan wadaagaan.
Wuxuuna yidhi Mr Joyce:
"Waan, waan fahmay dareenka jira. Waan fahamayaa dareenka dadk faransiiska. Waxaanan hubaan, waqti ka dib sida wayaalaha kaloo oo dhan, laga gudbi doono"
Saadaasha Hawada - Talaada 02 Nov 2021
Perth Suux ama labo, 20
Adelaide Shuux ama labo gelinka dambe ah, 32
Melbourne Qorrax, 30 degrees
Sydney Inta badan qorrax, 25
Brisbane Qayb ahaan daruur, 25
Darwin Shuux suurto gal aha ama duufaan, 35
Halkii doollar ee Australian ah maanta waxaa lagu sarrifayey 75 sentii oo dollarka Maraykanka ah.