Victoria
Victoria ayaa maanta laga diiwaan geliyey 1377 keys oo cusub oo COVID-19 ah iyo afar qof oo dhimasho ah.
Melbourne ayaa sidoo kale noqotay magaalada ugu xannimbaad badan adduunka, iyadoo 246 maalmood ku jirtay guri-joogga ammarada caafimaadka ku yimid.
Ku xigeenka Premierka, James Merlino, ayaa sheegay in dadka Aboriginalka iyo kuw aTorres Strait Islanders-ka loo geynay tallaal lagu wadan baabuur guud xidhan, si loo badiyo tallaalka bulshadaa.
"Shepparton ayay joogaan dadka ugu badan ee Aboriginalka ee ka baxsan Melbourne, haddanan xannibaad bay ku jirtaa iyadoo la dagaalamaysa dib-u-dillaaca virusta. Xaddiga qaadashada tallaalka ee qoqmiyadaha koowaad Victoria, wuu sarreeyaa marka la barbar dhigo ka dowlad-gobolleedyada kale, laakiin weli wuu ka hooseeyaa tallaalka dadweynaha"
Victoria - Shaqaalaha Dhismaha
Madaxa caafimaadka Victoria, ayaan weli hubin inta shaqaale ee waaxda dhismaha ee gobolka laga tallaalay COVID-19.
Waaxda ayaa isku diyaarineysa inay dib u furto maalinta Talaadada, kadib laba toddobaad oo fasax ah taasoo dhalisay magaalada mudaaharaadyo ka looga soo horjeedo shuruudaha tallaalka.
Madaxa Caafimaadka, Brett Sutton, ayaa sheegaya in kumanaan ka mid ah shaqaalaha dhismaha ay tallaalka u muujiyeen xiiso, laakiin aanay caddayn inta dhab ahaan loo tallaalay.
"Kumanyaal shaqaalaha dhismaha ah ayaa is tallaalay. Dabcan kuwa goobaha shaqada waxaa looga baahan yahay inay is tallaalaan"
New South Wales Virus
New South Wales ayaa sheegtay inay hoos u dheceen tirada keysaska cusub ee COVID-19, iyadoo maanta laga diiwaan gliyey 623 keys iyo 6 qof oo dhimasho ah.
Lix qof ayaa ku dhimatay gobolka, oo ay ku jiraan bukaan da'diisu tahay 40 -meeyo afar ka mid ah kiisaskana aan laga tallaalin cudurka coronavirus.
Queensland Virus
Queensland ayaa laga diiwaan geliey hal keys oo keliya oo COVID-19 ah oo aan illaa hadda la xidhiidhinin caabuqyaduu hore u jirey. Heeneyda oo 50-meeyo jir ah ayaa bulshada ku dhex jirtay iyadoo caabuqa qabta illaa 23kii Septembe.
Madaxa caafimaadka QLD, Dr Jeanette Young ayaa sheegtay inay u muuqato inaanay jirin silsilado kale oo caabuq. 100,000 oo baadhitaan ayaa laga sameeyey south-east QLD.
Daaweynta Virusta - Kaniini cusub
Wasiirka Caafimaadka Federaalka, Greg Hun,t ayaa sheegay in weli loo baahan yahay in la diiwaangeliyo kiniinka ka hortagga fayraska ka hor inta aan lagu qaybinin Australia.
Kiniinigan oo marka la liqo, shaqo geliya nidaamka difaaca jirka ayaa la tijaabinayaa, iyada oo uu qayb ka yahay cilmi baarista coronavirusta, iyadoo natiijaduna muujineysa inay yareyneyso fursadda cisbitaal-jiifsiga iyo geerida labadaba.
Mr Hunt, wuxuu sheegay inuu ku dhiirri -galinayo shirkadda dawooyinka inay codsato daawadan molnupiravir lagu isticmaalo Australia.
Waraaqaqah Pandora
Xafiiska cashuuraha ee Australia ayaa sheegay inay sannad walba baaraan cashuuraha oola dhuunto waddanka debeddiisa isla markaana aysan isku hallaynahaynin xogaha sida qarsoodiga ah loo sii daayey ee baaritaanka caalamiga ah ee lagu sameeyay saraakiisha dowladda iyo siyaasiyiinta.
Malaayiin dokumentiyo ayaa muujinaya in hoggamiyaal hore ay hanti ku dhigteen account-yo waddanka debeddiisa ku yaalla, kuwaas oo inta badan loo isticmaalo in lagu maareeyo lacag aad u badan, si loo qariyo hantida dhabta ah ee qofka.
Daabacaadda xogtan waxaa loo yaqaanaa, Waraaqaha Pandora ,xafiiska cashuuruhuna wuxuu sheegay inay qorsheynayaan inay kala shaandhaynayaan macluumaadka si loo aqoonsado haddii in dad Australian ahi qayb ka yihiin.
Waxay intaas ku daraysaa inay jiri karaan sababo sharci ah oo qof lacatiisa dhigan karo waddanka debeddiisa.
Warbixintan Daladda Caalamiga ah ee Saxafiyiinta Baadhayaasha ah, ayaa ah tii ugu weyneyd ee ilaa hadda ka dillaacda hadda soo if-bixisa macluumaadka meelaha lagu qarsada lagacagah lagala dhuunto cashuuraha.
Taiwan iyo Shiinaha
Machadka Siyaasadda Istiraatiijiyadeed ee Australia ayaa uga digaya Beijing inay isku dayeyso inay dunida inteeda kale ka jarto dadka ku nool dimuqraadiyadda Taiwan.
Taiwan ayaa ka cawday hawlgallo soo noqnoqday oo wasaaraddeeda difaacu sheegtay in dhammaadkii toddobaadka ay ciidanka cirka ee Shiinahu diyaarado u direen difaaca.
Agaasimaha Difaaca, Istaraatijiyadda iyo Amniga Qaranka Machadka, Michael Shoebridge, ayaa sheegay inay Taiwan leedahay awoodda siyaasadeed oo ku wajahdo faro-gelinta Shiinaha.
[["Siyaasadda dawladda Australia waa inay diid in Taiwan lagu beddelo jujuub. Huabaal waxay la shaqayn doonta saaxiibbada waaweyn sida Japan, Maraynka iyo South Korea si oo la isu hor taago in xoog lagu beddelo xaaladda Taiwan, taana waa mid u baahan in Shiinaha loo caddeeyoo"
Cayaaraha
Kooobkii kubadda Rugby League ayaa waxaa qaaday Penrith Panthers ka dib markii ay 14-12 kaga badiyeen koocda South Sydney Rabbitohs habeenkii Axadda 3 Oct.
Kabtanka kooxda Panther, Cleary, ayaa ku guuleystay billadda Clive Churchill ee ciyaaryahanka ugu wanaagsan garoonka.
"Marka hore aad iyo aad baad u mahadsan tihiin dhammaan taageerayaasha QLD. Mahadnaq ballaadhan ayaa u jeedinaysa wiilasha reer koonfureed sidoo kale. Had iyo jeerna ciyaar adaga baad soo bandhigtaan, idinka oo aan caawana waxba ka duwanayn. Kooxdaydana waxaan leeyahay wayu usoo dadaalley inay halkan soo gaadhno, waynu guuleysaney. Buurta Everest baynu fuulnay. Qof kasta oo Penrith ku dambeeyan, waanu idin jecelnahay oo sugi la'nahay inaanu soo noqonno oo idinla dabbaal degno"
Penrith's third premiership is sweet redemption after last year's Grand Final loss to the Melbourne Storm.
Saadaasha Hawada
Perth Shuux ama Labo, 18 degrees
Adelaide Inta badan qorrax, 19
Melbourne Shuuxyo sii qaaday iyo dabaylo, 17
Wollongong Becoming windy, partly cloudy 21
Sydney Inta badan qorrax, 23
Brisbane Qorrax, 30
Darwin Qorrax, 33
Sarrifka Lacagaha
Halkii doollar ee Australian ah maanta waxaa lagu sarrifayey 73 senti oo doollarka Maraykanka ah.