Vicotoria
Victoria ayaa laga diiwaangelisay tiraii labaad ee ugu badnayd oo keysas cusub oo isku maalin ah iyo laba dhimasho oo kale.
1,638 ka keys ee cusub ee maanta la diiwaan geliyey, ku dhowaad saddex- meelood meel waxay ka soo bexeen xaafadaha waqooyiga Melbourne.
Ku -simaha Madaxa Sarkaalka Caafimaadka ee gobolka, Ben Cowie, ayaa sheegay in toban kun oo kiis la xaqiijieye toddobaad gudihiisa.
Hadalladiisiina waxaa ka mid ahaa:
"Boqolkiiba 7 ka mid ah keysaskan ayaa si buuxda u tallaallaa, 15%-na qayb ahaan bay tallaallaayeen, halaka 79% aanay tallaalnayn. Tani waa nasiib darro, waayo 87% ayaa xaq u lahaa oo heli karayey tallaalka marka caabuqa laga helay"
Madaxda ayaa sheegay inaanay Victoria weli gaadhin caabuqyadii ugu sarreeyey, kuwaasoo la filayo bishan dabayaaqadeeda.
New South Wales

Macallimiinta NSW
Wasiirka cusub ee waxbarashada New South Wales ayaa ka jawaabtay sheegashooyinka macallimiin-yarad sarraysa oo ka jirta gobolka NSW..
Dukumiintiyo-hoosaad ay waaxda waxbarashadu leedahay ayaa shaaca ka qaaday in New South Wales ay halis ugu jirto in shaqaalaha dugsiyadu yaraadaan, shanta sano ee soo socota.
Sida laga soo xigtay islaxisaabtan qarsoodiga ah, waaxdu waxay la tacaalaysaa tirada macallimiinta jaamiciyiinta ah oo hoos u dhacaysa, qoritaanka iskuullada oo sii kordhaya, iyo shaqaalaha guud oo da'doodu weyn tahay..
Najiitada isla xisaabtakaa aya sheegtay in haddii aan wax laga qaban hoos- udhacaa uu gobolku waayi doono macallimiin.
Xiriirka Macallimiinta ee New South Wales ayaa ku eedeeyay Dowladda inay maqlii weydey calaamadihii digniinta.
Laakiin waaxdu waxbarashada ayaa dhinaceeda ka sheegtay in saadaalintaasi tahay mid waqtigeedii dhacay, wasiirka waxbarashada, Sarah Mitchell-na waxay eedayntaa ku tilmaantatay mid marin-habaabin ah oo danaysi looga jeedo.
Tallaalka Kaneecada
Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa ku dhawaaqay in lan soo saaray tallaalki duumada ee ugu horreeya adduunka , iyagoo ku taliyay in la siiyo carruurta Afrika oo dhan.
Agaasimaha Guud Dr Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa sheegay in saraakiishu rajaynayaan in tallaalkani ugu dambayn gacan ka geysan doono xakamaynta faafitaanka cudurka dulin-ka
Tallaalkan oo loo yaqaano Moquirix ayaa waxaa soo saaray kambani magaciisa la yidhaahdo GlaxoSmithKline sannadkii 1987-kii. In kasta oo uu yahay tallaakii ugu horreeyey ee la oggolaado, wuxuunbuu waxtary yahay boqolkiiba 30 keliya, isagoo u baahan in laga qaato illaa afar duritaan. Dhowr bilood gudohood buu ku dhammaadaa difaaciisu.
Sidaas oo ay thay ayaa haddan khubarada saynisku waxay sheegayaan in tallaalkan aad wax uga tari doono African oo sannad walba duumadu ku dhacdo in ka badan 200 oo malyan oo qof, ayna ui dhintaa 400,000 oo qofi.
Baasaboorrada Taallibaan
Maamulka cusub ee Taalibaan ee Kabul ayaa go’aansaday inay dib u bilaabaan bixinta baasaboorada muwaadiniinta.
Hanaanka baasaboorada iyo kaararka aqoonsiga labadaba waa la joojiyay ka dib markii Taliban ay la wareegtay bishii Ogosto, markaas oo kumanaan qof ay yimaaddeen albaabka waaxda baasaboorka iyagoo rajaynayey inay debedda u dhoofaan.
Qari, Sayeed Khosti, afhayeenka wasaaradda, ayaa xaqiijiyay dib u bilaabista.
"Iyadoo la tixgelinayo baahiyaha hadda jira ee dadka, maadaama ay wajahayaan arrimo aad u daran, sidaas darteed, markii ay soo jeedisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Imaarada Islaamiga ah, Ra'iisul Wasaaraha iyo Hoggaanka Imaarada Islaamku waxay go'aansadeen in isla baasabooradii xukuumaddii hore la siiyo dadka'
Saadaah Hawada - Jimce 08 Sep 2021
Perth Shuux ama labo gelinka hore ah, 20
Adelaide Inta badan qorrax, 22
Melbourne Qayb ahaan daruur, 21
Sydney Qayb ahaan daruur, 22 degrees
Brisbane Inta badan qorrax, 30
Darwin Inta badan qorrax, 35 degrees
Maanta halkii doollar ee Australian ah waxaa lagu sarrifayey 73 senti oo doollarka Maraykanka ah.