Warka Khamiis - 14 Oct 2021

SBS Somali News

Warka Khamiis - 10 Maarso 2022 Source: SBS

Victoria

Birimiyeerka Victoria, Daniel Andrews, ayaa sheegay dowladdu sidii loo qorsheeyey usii wadi doonto qorshihii qaadidda xannibaadda, in kasta oo maanta la diiwaan geliyey 2,297 keyso oo cusub iyo 11 dhimasho ah.

Tiradaas ayaa noqotay tii ugu badnayd ee hal maalin kor u kacda Australia oo dhan, tan iyo intii safmareenku bilaabmay, iyadoo tirada guud ee caabuqa Victoria ka dhigtay 20,505.
 
Celceliska keysask ee Victoria ayaa hadda taagan 1,871 iyadoo ay madaxdu sheegeen inay weli degdeg tahay in la garto in la gaadhey halkii ugu sarreysey.
 
Mr Andrews, ayaa sheegay in tirada keysasku aanay miisaan badan yeelan doonin marka la gaadho boqolkiiba 70 tallaal buuxa ah.
 
Illaa hadda, ku dhowaad boqolkiiba 86.7 dadka 16 jir iyo ka weyn ah ayaa qaatay hal tallaal, halka boqolkiba 61.5-na ay labadiiba qaateen.
 
New South Wales
New South Wales ayaa maanta laga diiwaan geliyey 406 keys oo cusub oo COVID-19 ah iyo lix dhimasho ah.
Tan ayaa timid iyadoo gobolka NSW uu tallaalka COVID-19 ka gaadhi doono boqolkiiba 80 dhammaadka toddobaadkan, taasoo hal toddobaad kasoo hor martay muddadii loo qiyaasay.


In ka badan, boqolkiiba 91 oo ah dadka reer NSN ee 16 jir iyo ka weyn ah ayaa qaatay hal tallaal, halka boqolkiiba 76.5-na qaateen labadii tallaalba.


Birimiyeer, Dominic Perrottet, ayaa maanta la shiray madax sare si ay u go'aamiyaan nooca xannibaadaha ee la khafiifin doono Isniinta 18-ka October.
 
Islamic Forum
Australian Federation of Islamic Councils, ayaa joojiyey qorshe ay ugu martigalin lahaayeen labo xubnood oo ka tirsan Taalibaan hab online ah, taasoo oo ay ugu talo galeen bulshada muslimiinta ah ee Australia, ka dib markii ay la kulmeen cadho dadweyne iyo booliiska oo soo faro-geliyey qorshehooda.


Dhacdadan online-ka ah oo dhici lahayd Sabtida , 16ka October, ayaa lagu xayaysiiyey calan lagu qoray "guddii aad u meeqaam sarreeya" ayaa ka hadli doona 'Islamic Emirate of Afghanistan' oo ah magaca cusub ee Talibaan la baxday.
Ururka Afghanistan-Australian Advocacey Network, iyo xubno muhiim ah oo ka socda bulshada muslimka ah, ayaa cambaareeyey kooxda shirka qabanqaabisay, kuna adkeeyey inay raalli-gelin buuxda siiyaan dadka reer Australiyaanka ah ee Afghanistan kasoo jeeda.
 
 
Channel Swim
Gabadh la yidhaahdo, Chloe McCardel, oo Australian ah, kuna tartanta marthonka dabbaasha ayaa loo caleemo saaray “Boqoradda Kanaalka Ingiriiska”, Iyadoo kanaalkaas dabbaal kaga gudubtey marar badan.


Gabadhan oo 36 jir ah ayaa markii 44-aad dabbaal kaga gudubtey English Channel-ka iyada oo baro dheeraysay gabadh Igriis ah oo koobka hore u haysatey, lana yidhaahdo Aslison Streeter.


Saq dhexe ayay dabbaasha ka bilowday xeebta Shakespeare, Dover oo ku taalla Ingriiska, waxayna xeebta Wissant ee Faransiiska gaadhey 10 saacadood ka dib.

{{ Farxad iyo tamar baa igu jirta hadda, waxaan dareemayaa inaan haddana berrito ka gudbi karo Kannalka, inkasta oo aanay feker wacan ahayn. Xaaladda baddu waa wacnayd. Sidii aan u daali jirey markaan kalaanlka kusoo dabbaasho umaan daalin. Waana waxa wacan. Daqiiqad kasta waan ku raaxaysanayey waay mawajado iguma dhacaynin. Tamar aan qabaa. Si aad u heer sarraysa ayaan dareemayaa]]
 
Weather

Berrito oo Jimce waxaa la saadaalinyaa in hawado noqoto sidah:
 
Perth               Daruur soo kordhaysa, 32 degrees
Adelaide          Shuuxyo, 18
Melbourne       Shuuxyo, 16
Sydney            Shuux ama labo, 23 degrees
Brisbane          Shuuxyo iyo duufaan suurto gal ah, 29  
Darwin            Shuux ama labo iyo duufaan suurto gal ah, 34
 
Maanta halkii doollar ee Ausralian ah waxaa lagu sarrifayey 74 senti oo doolarka Maraykanka ah.
 


 


 

Share

Published

Presented by Abdinur Ismail

Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand
Warka Khamiis - 14 Oct 2021 | SBS Somali