New South Wales
Gebi ahaanba gobol-weynaha New South Wales, ayaa xannibaadda ku jiri doona illaa28-ka August, ka dib markii laga helay 681 keys oo cusub oo COVID-19 ah. Waxaana Southeast Sydney, ku dhintay nin jirey 80-maad sannadood, taasoo tirada illaa hadda dib-u-qaraxan dambe, ka dhigtay 61.
Illaa 463 kaysaskaa ka mid ah ayaa kasoo baxay South West iyo Western Sydnye, halka 25 ka mid ahi, ay kasoo baxee Western New South Wales.
Birimiyeerka NSW, Gladdys Berejicklian, ayaa sheegtay, in fiditaanka ka dhacay galbeedka New South Wales, iyo keysaska kale gobolka qaybihiisa kale, macneheedu yahay, in xannibaaddii lagu kordhiyey toddobaad kale.
Vitoria
Madaxda caafimaadka ee Victoria ayaa walaac ka muujiyey tirada keysaska cusub ee COVID-19-ka ah, ee kor u kacay, sheegayna, inay tahay mid dadku ku cibro qaataan.
57 keys, oo cusub oo COVID-19 ah ayaa laga helay Victoria, iyadoo ay tahay maalinkii 200aad ee Melbourne xannibaad gasho.
13 ka mid ah, ayaa bulshada ku dhex jirey iyagoo caabuqa qaba, ugu yaraan qayb ka mid ah muddadii ay caabuqa qabeen. 3 ka mid ahna weli baadhitaann baa lagu hayaa, kuwaasoo laga kala helay, Ascot Vale, Doncaster iyo Glenroy.
Primier, Daniel Andrews, ayaa sheegay, inay jeclaan lahaayeen inaanay keysasku kordhin, laakiin tani tahay war xun. Wuxuuna yidhi:
Qodobka muhiimka ahi, waa in dadka badankoodu ay xannibnaayeey 100% muddadii ay caabuqa qabeen. Had iyo jeer, maalinka 13aad/14aad/15aad, keysasku kor bay u kacaan, sababtuna waa iyadoo aannu maalinka 13aad mar kale baadhno dadkii hore u qabey, waayo dadka marmarbuu ayaamaha dambe caabuqu kusoo baxaa.
Afar qof ayaa illaa hadda midkiiba lagu ganaaxey in ka badan $5000.00 oo doollar, kuwaas oo ka mid ahaa , dadkii ka qayb galay xafladdii sharciga xannibaadda baal marsanayd ee ka dhacday Melbourne.
Queensland
Queensland ayaa bilaabaysa olole dadka soo galootida ah, luqadahooda loogu fasirayt wacyi-gelina COVID-19, iyadoo laga cabsi qabo, in COVID-19--ku dhakhso ugu fido.
Queensland ayaa ah meesha labaad ee shakiga tallaalka COVID-19 ugu badan yahay, marka laga reebo South Australia, isla markaana waa meesha labaad ee xaddiga tallaaliddu ugu hooseeyo.
Dowladda ayaa in-dhowaaleba lagu canaananayey inay bixiyeen farriimo isku murugsan oo ku saabsan tallaalka AstraZeneca, iyo gaabiskii bilowga tallaalada bilihii hore.
Birimiyeerka Queensland, Annastacia Palaszczuk [[PAL-uh-shay]] ayaa sheegtay, mid ka mid ah meelaha wax ka daaheen, waa iyadoo aanay farriintu sidii la rabey u gaadhan dadka xagga luqadda awgeed. Waxayna tidhi:
Waxaynu ka aragnay qaybo ka mid ah Melbourne iyo Sydney, in qaadashada tallaalku ku hooseeysey bulshooyinka kala dhaqanka duwan. Waxaanu sameyn doonaan, inaanay taasoo kale nagu dhicin.
Tallaalada
Qof kasta oo Australian ah, da'diisuna u dhexeyso 16 illaa 39 sannadood, ayaa laga bilaabo 30-ka August sharci u yeelan dooana tallaalka COVID-19.
Laakiin waqtigan la joogo ma sii carbuunan karaan. Tan ayaa lagu dhawaaqay, iyadoo ay kala badh, dadka Australianka ah xaq u lahaa, qaateen ugu yaraan hal duritaan.
Afghanistan
76 qof oo isugu jira Aghanis iyo Australian ayaa diyaarad ciidanka Ingriisku leeyahay lagaga daad gureeyey Afghanistan, iyadoo la geeyey saldhig ciidan oo Australia ku leedahay imaaraadka carabta.
Ra'iisal wasaare, Scott Morrison, ayaa sheegay in maanta gelinka dabmeba, dadkaas qaar ka mid ah, loo soo duulin doono Perth. Wuxuuna yidhi:
[[Dadka waxaa lagu daaweynayaa Dubai. Sida aad qiyaasi karto, dadkani waa kuwii u badheeday khatarta Kabul, oo ka shaqeeyey xaalad kasta oo halis ah, waxaanuna rabnaa inaanu daaweyno dhaawacyadooda, waanad qiyaasi kartaa dhibaatada niyadeed ee soo gaadhey]]
Australia ayaa hadda la kulmaysa cadaadis ku saabsan inay kordhiso fiisayaasha nooca humaniterian-ka ah, ee lagu keenayo Afghanis-ka ka cararaya Talliban oo gebi ahaanba qabsatay Afghanistan. Dowladda federaaliga ah ayay durba u qorshaysnayd inay bixiyaan 3000 oo fiisayaasha noocaas ah sannadkan gudihiisa.
Wasiirka immigration-ka, Alex Hawke, ayaa sheegay in la qorsheeyey duullimaadyo kale oo lagu soo daad-gureeynayo dadka lasoo badbaadinayo.
Dhinaca kalena, wasiirka difaaca, Peter Dutton, ayaa warbaahinta Channel Seven u sheegay, in soo daad-gurayntu tahay mid aan sahlanayn. Wuxuuna yidhi:
Sidaasi waa xaqiiqada xaaladda ka jirta meeshaas. Ma aha sida, adigoo tegaya Airport-ka Sydney ama Melbourne oo kale. Xaalad adag baa ka jirta meesha. Waxaannu ku dadaalayanaa inaanu dadka diyaaraadda saarno, laakiin Airport-ka agagaarkiisa ayaa khatar badani ka jirtaa
Mr Dutton, wuxuu kaloo sheegay in laga yaabo, in laga soo tago qaar ka mid ah turjubaannadii Afghanis-ka ahaa, ee la shaqayn jirey Australia, iyadoo la helay buu yidhi, xog ah inay la safteen Tallibaanka
Ashraf Ghani
Madaxweynihii Afghanistan ee cararay, Ashraf Ghani, ayaa sheegay inuu Kabul ka tegey, si uu uga hortago dhiig daata. Waxaa hore loogu canaantay cararkiisa, oo Talliban u sahashey inay si fudud ku qabasdaan Kabul.
Waddanka Imaaraadka Carabta, ayaa sheegay, inay Ghani iyo qoyskiida u aqbaleen bani-aadannimo ahaan.
Mr Ashraf Ghani, wuxuu beeniyey inuu la cararay baabuur ay lacagi ka buuxdo. Wuxuuna yidhi:
Waxaa la igu khasbay inaan ka cararo Afghanistan aniga oo gashan hal lebbis oo ka dhaqanka ah, oo aan koodh ka dul gashanahay iyo kabo sandhal ah. Aad baan ugu mahad celinayaa ciidanka difaaaca, waanan u qab-weynahay. Lagama badin, mana ay khasaarin. Siyaasad ahaan baannu u khasaarnay. Waxay ahayd khasaare ka yimid, dhinaca Talliban, dowladda iyo beesha caalamkaba. Tani waxay ahayd heshiisyo nabadeed oo khasaaray oo isu beddelay dagaaallo.
Saadaasha Hawada
Perth Shuuxyo, 18 degrees
Adelaide Qayb ahaan daruur, 20
Melbourne Qayb ahaan daruur, 18
Sydney Inta badan qorrax, 21 degrees
Brisbane Qayb ahaan daruur, 22
Halkii doollare ee Australian ah waxaa maanta lagu sarrifayey 72 senti oo doollar-ka Maraykanka ah.