Victoria oo laga helay kaysaskii ugu badnaa iyo rajo ay qabto
Lix iyo labaatan kays oo cusub iyo 2 karantiil hotel ku jira ayaa Victoria laga xaqiijiey. Sagaal boqol oo qofna waxa lagu amray inay is baadhaan oo guriga isku xayiraan, ka dib markii qof COVID-19 qabaa tegey Prahran Market Sabtidii hore - 17 July.
Wasiirka caafimaadka Victoria, Martin Foley, ayaa sheegay in kaysaskan maanta oo dhammi la xidhiidhaan dib-u-qaraxan dambe ee coronavirus-ta, wixii aan labo keliya ka ahayna ay karantillnaayeen muddadii ay caabuqa qabeen oo dhan.
Hadalladiisiina waxaa ka mid ahaa:
"Saddex maalmood ka hore illaa 6% oo kaysas maalmeedka ahi, waxay ku jiree is-xayir muddadii ay caabuqa qabeen oo dhan. Shalaygo saamigaasi wuxuu ahaa 73%, maantana 92%. Taasi waxay ku tusaysaa in tallaabooyinkii la qaaday ay hadda midho-dhalayaan oo u socdaan jihada aan rabno"
New South Wales oo weli la tacaalaysa fiditaanka Delta
124 kays oo cusub oo COVID-19 ayaa maanta laga diiwaan geliyey New South Wales, taasoo ah tirradii ugu badnayd intii mawjadddan nooca Delta ee corornavirus bilaabantay. Sidoo kale, waxaa hal maalin oo keliya coronavirus-ta laga baadhay 85 kun oo qof , taasoo iyana noqotay tiradii ugu badnayd ee hal maalin is baadhay.
Waxaase laga walaacsan yahay 48 kays oo tiradaa la helay ka mid ah, oo bulshada ku dhex jiray iyagoo caabuqa COVID-19-ka qaba.
Birimiyeeradda New South Wales, Gladdys Berejiclian, ayaa sheegtay in kuwo badan oo kaysaskaa ka mid ahi, ahaayeen dad ku howlan baahida daruuriga ah, sida inay shaqo aadayeen ama cunto soo gadanayeen.
Lacag la siinayo ururrad bulshooyink dhaqammada badan
Dowladda federaalka ayaa ururrada bulshooyinka dhaqammada badan ee Australia u qoondeysey $5000.00 oo loo siiyo inay howlohooda bulsho u isticmaalan.
Federation Ethnic Communities' Council of Australia (FECCA) ayaa ururrada ku marti qaaday inay dalbadaan lacagtaa si ay ugu isticmaalaan, wacyi-gelinta iyo adeegyada kale ee bulshadooda, si ay bulshadu ammaan u ahaato.
Ra'iisal-wasaare, Scott Morrison, oo raalli-gelin bixiyey
Ra'iisal-wasaare, Scott Morrison, ayaa raalli gelin ka bixiyey dhibaatooyinka ku yimid barnaamijka tallaalka COVID-19 ee Australia.
Tanina waxay timid maalin ka dib uun, markii uu ra'iisal-wasaruhu shalayto diiday inuu raalli gelin bixiyo, mar uu ka hadlayey idaacad gaar loo leeyahay.
Mr Morrison, ayaa shaaciyey inay farmashiyo kumanyaal ahi bixin doonaan tallaallada AstraZeneca iyo Moderna, ka hor, muddadii la filayey. Wuxuu kaloo intaa ku daray in illaa intii xeerka tallaalka AstraZeneca wax laga beddelay bishii Juun, ay, in ka badan 76 kun qof, oo 40-jir ka yari, qaateen AstraZeneca ka dib markii ay ka talo qaateen dhakhtarradooda.
Ra'iisal-wasaaruhu wuxuu sheegay inuu isagu mas'uuliyadda barnaamimka tallaalka qaadayo, isla markaana uu mas'uuliyaddeeda qaadanayo khaladaadkii dhacay. Waan ka xumahay buu yidhi, in aannaan gaadhin meelihii aannu higsanayney bilowgii sannadkan. Waxaase, intaasoo dhan ka muhiimsan, buu ku daray, inaynu diirradda saarno, sidii aynu safmareenka u joojin lahayn.
Saadaasha hawada - Jimce 23 July 2021
Perth Roobab yaryar, 18 degrees
Adelaide Roob yar ama labo, 14
Melbourne Roobab yaryar oo suurto gal ah, 11
Sydney Roobab yaryar oo suurto gal ah, 17
Brisbane Roob yar ama labo, 21
Darwin Huur badan iyo qorrax, 31 degrees.
Halkii doollar ee Australian ah maanta waxaa lagu sarrifyayey 74 senti oo doollarka Maryakanka ah.