Warka Khamiis - 30 September 2021

Victoria ayaa manta 1438 keys oo cusub oo COVID-19 laga diiwaan geliyey iyadoo isla markaana lasoo gaabiyey muddada sugitaanka ee u dhexaysa labada duritaan ee tallaalka Pfizer-ka. NSW-na waxaa laga diiwaan geliyey 941kyes oo cusub. Iskuullada NSW waxaa lagu laaban doona 18k October. Dowladda Federaaliga ahina waxay kuy adkaysatay inay joojin doonto lacagta masiibada COVID-19 marka la gaadho 70% tallaal buuxa ah.

SBS Somali News

Warka Khamiis - 10 Maarso 2022 Source: SBS

Victoria

Victoria ayaa kala badhi doonta muddada sugitaanka ee u dhexaysa labada duritaan ee tallaalka Pfizer-ka

Muddadan la beddelay ayaa dhaqan galaysa laga bilaabo Isniinta - waxayna imaanayssaa iyadoo gobolku diiwaan galiyay 1438  oo keys oo gudaha laga helay iyo shan dhimasho ah.


Taliyaha baadhidda COVID-19 ee Victoria, Jeroen Weimar, ayaa sheegay in seddex meelood meel boqolkiiba 50 ka tirooyinka maalinlaha ah ee kordhay, loo aanayn karo dadkii is dhexgalay toddobaadkii ugu dambeeya ee AFL-ka.
Birimiyeer, Daniel Andrews, ayaa reer Victoria ku boorriyey inay racaan amarrad guri-joogga illa inta xannibaadda la qaaday bisha soo socota.


Dowladda Federaaliga ah iyo Victoria ayaa iska kaashanay inay lixda toddobaad ee soo socda taageero dhaqaale siiyaan, ganacsatada xinnibaaddu sida xun uu saamaysay.
 
 
Tirada dhacdooyinka rabshadaha qoyska ayaa kordhay ku dhawaad boqolkiiba lix sannad-cashuureedkii tegey, halka dambiyada guud ay hoos u dheceen..
Booliisk ayaa sheegay in korodhka  rabashada qoysaska si weyn loo dareemay markii xannibaadahii COVID-19 la khafiifiye sannadkii hore.
 
Marka loo eego tirakoobkii ugu dambeeyay ee dambiyada, kororka dembiga ugu weyn wuxuu ahaa, tirada dadka jebiya amarrada sarkaalka caafimaadka, waxayna kor u keceen boqolkiiba 457.
 Guud ahaan, tirada dhacdooyinka dembiyada ayaa hoos u dhacay 6.6 boqolkiiba intii lagu jiray safmareenka

New South Wales
New South Wales waxay diiwaangelisay 941 keys oo ah coronavirus -ka gudaha laga helay ah maalintii la soo dhaafay iyo lix kale oo dhimasho ah.

Dawladda NSW ayaa xaqiijisay in ardaydu ku soo laaban doonaan  dugsiga toddobaad ka hor sidii markii hore loo qorsheeyay.
Premier Gladys Berejiklian ayaa sheegtay in NSW si degdeg ah uga gaadhay heerka tallaalka buuxa boqolkiiba 70, taasoo iskuullada u oggalaatay in hore loogu laabto - 18ka October.
 
Queensland
Queensland ayaa dib u soo rogtay xannibaadihii COVID-19 kadib markii la helay lix caabuq oo cusub oo COVID-19 ah. Afar ka mid ah keysaska ayaa lala xidhiidhiyey hay'adaha duullimaadyada.
 
In kasta oo gobolku hadda ka badbaadey xannibaad buuxda,  ayaa haddana Sarkaalka Caafimaadku, Jeanette Young, sheegtay inxayiraadda stage 2  dhaqan geli doonto si loo joojiyo faafitaanka.
Birimiyeeradda QLD, Annastacia Palaszczuk ayaa iyagna sheegtay in la kordhiyo baadhidda iyo tallaalkaba si loo joojiyo in coronavirustu faafto.
 
Joojinta Lacagta masiibada COVID-19

Qasnajiga Dowladda Dhexe, Josh Frydenberg, ayaa difaacay go'aanka lagu dhimayo taageerada dowladda, marka la gaaro bartilmaameedyada tallaalka qaran ee COVID-19.


Lacagaha musiibada ah ee la siiyo shaqaalaha shaqadoodii waayay iyo ganacsatada, ayaa joogsan doona marka la gaadho boqolkiiba 80 tallaal buuxa ah.
Mr Frydenberg wuxuu sheegay in go'aanku ku saleysan yahay talo dhaqaale iyo caafimaad, wuxuuna ku booriyay dowlad-goboleedyada inay soo afjaraan xannibaadaha COVID-19.
 
Wuxuuna yidhi:
 
"Rajadeennu waa marka ay dhammaato bixinta lacagta musiibada COVID oo ay dhammaato bixinta  lacagta taageerada ganacsatadu, inuu kharash guud ee ku baxay gaadhi doono, in ka badan 20 bilyan oo doollar. Taasi waa waxa aan filayno. Sidaa awgeed, marka xagga dhaqaalaha laga eego, qiimaha ay cashuur-bixiyaha ku kacaysaa kor buu usii kici doona"
 
Adeegga Boostada Australia
Adeegga boostada ee Australia oo awelba tamartu ku yarayd ayaa la sii kulmay cadaadis dheeraad ah, ka dib markii kumanaan shaqaale ah oo ka tirsan adeegga qaadista baakadaha muhiimka ah ay shaqada ka dareereen.
Qiyaastii 2500 oo shaqaale FedEx ah ayaa mudaharaad shaqo-joojin ah sameeyey, isku hallaynta shaqadooda oo ay cabsi ka qabaan awgeed.


Muddaharaadkani wuxuu dabo socdaa mid hore oo ay toddobaaadkii tegey illqaa 2000 oo shaqaalaha StarTrack ahi shaqada ka bexeen, iyagoo ka cadhaysan shaqadii ay qaban jireen oo la siiyey qandaraaslayaal iyo kambaniyo kale, sida Amazon.
Ururka Shaqaalaha Gaadiidka ayaa sheegay shaqadan qadaraaslayaasha la siiey ay abuurayso xaalad ah, inaan la isku hallayn karin shaqada, iyadoo durbaba qaar ka mid ah dareewaliinta baabuurtooda ku shaqeeya la siiyo mushahar ka yara boqoliiba 25 mushaharka ay qaataan kuwa iyaga la mid ah ee ka shaqeeya meelo kale.



Pfizer iyo Moderna
Dadka Australiyaanka ah ee ka weyn 60 jir ayaa la siin doonaa noocyada tallaallada COVID-19 ee  Pfizer iyo Moderna taas oo looga jeedo in lagu yareeyo shakiga dadka qaar ka qabaan tallaalka COVID-19.
 
Illaa 300,000 oo ah dadka da'ahaas ah ayaa sugaya nooc tallaal oo aan ahayn AstraZeneca.
Wasiirka caafimaadka Greg Hunt ayaa sheegay in Dowladda Federaalku ay hadda ku kalsoon tahay inay haysato tallaallo ku filan in la kala doorto.
 
Wuxuun yihdi wasiirku:
 
"Tani waa fursadda qof kasta oo ka weyn 60 sano inuu is tallaalo, shakigay doonaan ba hore ha qabeene.  Tallaalladani - ha ahaato AstraZeneca, Pfizer, Moderna - mid kasta oo  ka mid ahi  wuu badbaadin karaa noloshaada. Waxayna badbaadin karaan oo difaaci karaan nolosha kuwa kugu xeeran. Min-fadlak ha sugina, hana shakiyina, is-tallaala"
 
Boqolkiiba 54.2 dadka Australia ee ka weyn 16 sannadood ayaa qaatay tallaal buuxa, halka boqolkiiba 77.8 qaateen hal tallaal
 


Cayaaraha

Madaxda cayaaraha Rugby League-ga dhibaato kala kulmaya maamulidda dadweynaha daawan doona cayaarta koobka, ka dib markii tirada daawadayaasha lagu xaddiday boqolkiiba 75 mugga garoonka, faafidda COVID-19-kan dambe ee QLD awgeed.


Rubuc ahaan dadkii hore u iibsadey cayaarta dhex mari doonta labad kooxood ee Penrith iyo South Sydney ayaa lacagtoodii loo celin doonaa.


Birimiyeerka QLD, Annastaca Palaszczuk, ayaa sheegtay inay weyden wax kale oo ay ku dhaqaaqdo, oo aan ka ahayn inay tirada daawadayaasha yarayso.
 
Waxayna tidhi:
 
"Waxay ku noqon doontaa niyad jab dadka, laakiin waa inaan qaadanaa talada caafimaadka. Talada caafimaadkuna waa in loo gudbo marxaladda labaad (stage 2). Stage 2-a waa boqolkiiba 75 mugga garoonka. Sidaas ayayna ahaanaysaa"
 
Saadaasha Hawada
Saadaasha howada ayaa berrito oo jimce ah la filayaa inay noqoto sidan:
 
Perth                Shuuxyo, 20
Adelaide           Shuuxyo sii yaraanaya, 18
Melbourne        Woxoogaa shuuxyo ah, 20
 
Sydney             Shuux ama labo, 24
      
Brisbane           Shuuxyo iyo duufaan suurto-gal ah, 26
 
 
Sarrifka Lacagaha
Halkii doollar ee Australiyan ah maanta waxaa lagu sarrifayey 72 senti oo dollarka maraykanka ah.
 


 






Share

Published

Presented by Abdinur Ismail

Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand