Warka Khamiista - 05 August 2021

Xayiraad toddobaad degdeg ah oo bilaabmaysa siddeedda fiidnimo ee caawa ayaa lagu soo rogay Victoria. New Sout Wales-na waxay gashay maalinkii ugu xumayd intii safmareenku socday. Australiana waxay, sidii 2004tii oo kale, cayaaraha Olympic-ga ee Tokyo kasoo hoysay billado-dahabkii ugu badnaa ee ay isku mar ka helaan cayaaro Olympic.

Somali news image

Warka Arbaco -20 April 2022 Source: SBS Somali

Victoria
 
Victoria ayaa dib loogu celiyey toddobaad kale oo xayiraad ah, iyadoo hal toddobaad oo keliya laga joogo xayiraaddii hore ee la qaaday. Madaxda gobolka ayaa aad uga walaacsan saddex keys oo cusub oo COVID-19 oo bulshada ku dhex jirey tiro maalmo ah, kuwaas oo aan la ogeyn meel ay kasoo baxeen.
 
Mid ka mid ah keysaskaa cusub ayaa ah qof macallim ka ah kolleejada Al-Taqwa oo ku taalla xaafadda Truganina ee Melbourne, taasoo sababtay in karantiil la geliyo dhammaad shaqaaliihii kulleejada, ardaydii iyo qoysaskoodiiba.
 
Birimiyeerka Victoria, Daniel Andrews, ayaa sheegay in xayiraaddan cusubi socon doonto ugu yaraan hal toddobaad, iyadoo xeerarku la mid yihiin, kuwii xayiraaddii hore. Hadalkiisiina waxaa ka mid ahaa:
 
"Ma qiyaasi kartid sida aan uga xumahay inaan halkan isasoo taago oo xayiraaddii soo celiyo, laakiin, maaddaama ay aad u yaryihiin dadka hal duritaan qaatay, labo iskaba dhaafe, waxaan ku qasbanaaday inaan aqbalo talada la isiiyey oo aynu si wada jir ah qaadano go'aankan ah in Victoria ammaan ahaato. Taan cakiskeedu waa inay virus-ta u oggolaano inay faraha ka baxdo, cisbitaalladeennuna buux-dhaafaan."
 
 
New South Wales
 

New South Wales-na waxay u ahayd maalinkii ugu xumayd ee lasoo derista intii safmareenku socday, ka dib markii laga helay 262 keys oo cusub oo COVID-19 ah iyo 5 dhimasho ah. Dadka dhintay ayay dhamaantood da'doodu ka sarreysey 60 jir, iyadoo 4 ka mid ahi aanay tallaal qaadanin, halka midka shanaad qaatay hal duritaan oo keliya.
 

Queensland

Queeensland waxaa maanta laga diiwaan geliyey 16 keys oo cusub oo COVID-19 ah, iyadoo 4 ka mid ahi bulshada ku dhex jireen iyagoo caabuqa qaba.
 
Madaxda ayaa ka codsatay dadka deggan inta u dhexaysa Gold Coast iyo Noosa, inay guriga uga baxaan oo keliya daruuriga, oo xataa ay online wax kusoo iibsadaan.
 
Sarkaaladda caafimaadka ee Queenslannd, Jeannette Young, ayaa sheegtay in 4 qof bulshada ku dhex jireen shan maalmood iyaga oo caabuqa qaba, isla markaana dadka ka codsatay inay la socdaan website-ka dowladda ee laga dheehdo goobaha halista virus-tu ku badnn tahay ee loo yaqaanno exposure sites-ka.
 
 
Tallaallada Australia

Tallaallo dheeraad ah ayaa loo soo  hor-marin doonaa New South Wales iyo Queensland oo labaduba la daalaa-dhacaya coronavirus-ta xuub-siibatey ee Delta.

In ka badan 180,000 oo duritaan nooca Pfizer ah ayaa loo dedejinayaa New South Wales, halka Queensland-na la siin doono 112,000 labada toddobaad ee soo socda.
 
Austrlia ayaa hadda dadkeeda ka da' weyn 16 jir si buuxda u wada tallaashay in kasta oo ay weli ka dambeyso adduunka kale.
 
Ra'iisal wasaare, Scott Morrison, ayaa sheegay in duritaannada loo soo hor mariyey baahida degedegga ah ee taagan awgeed, wuxuuna yidhi:
 
"Duritaanno kamaanu soo qaadan gobollada kale. Kumana aanu helin hab barnaamijka tallaalada gaabis ka dhigi kara qaybaha kale ee waddanka. Taasi halis bay ahaan lahayd, waayo waxaa la rabaa in barnaamijka oo dhammi wada socdo. Ma aannaan rabin in ballamihii hore looga dhigtay gobollada, la joojiyo"

 
 
Virus - Adduunka

Hay'adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa ku baaqday in la hakiyo duritaanka xoojinta ee 3aad iyo/ama 4aad ee tallaalada COVID-19 illaa bisha Septermber, waayo bay yidhaahdeen, waxaa sii kordhaya kala fogaanta xaddiga tallaalada ee waddamada qaniga ah iyo kuwa saboolka ah.
 
Waddamada qaniga ah ayaa saami ahaan 100kii qofba lagu duray 50 tallaal bishii May, iyadoo ay intii ka dambeysey tiradaasi laban-laabantay.
 
Dr Bruce Aylward, oo la taliye sare uu ah, Dirctor General-ka WHO ayaa sheegay inay tahay, in dadka oo dhan laga badbaadiyo coronavirus-ta xuub siibatey ee Delta, ee aanay ku koobnaanin oo keliya dadka qaniga ah. 
 
Wuxuuna yidhi:
 
"Haddii aynu sii wadno in meelaha durba la iska tallaalay, haddana laga bixiyo  duritaan 3aad ama 4aad, oo sidaa cidhiidhi kusiii gelinno tallaallada, guul kama gaadhi doonno. Markaa, tani waa baaq loo dirayo adduunka oo dhan, in la isu garbasado sidii tallaallada loo ballaadhin lahaa oo loo gaadhsiin lahaa heer adduunku uga baxo xaaladdan adag, sida ugu dhakhso badan"
 
 
Cayaaraha Olympic-ga
 
Australia ayaa markii labaad ku guulayatey billado-dahabkii ugu badnaa ee ay ka helaan hal Olympic, ka dib markii ay laba goorood oo isku dhow ku guuleysteen, labo billadood oo dahab ah.

Gabadh 18 jir ah, oo reer Gold Coast ah, ayaa noqotay qofkii ugu horreeyey ee Australian ah ee cayaarta skateboarding-ka ku guuleysta dahab. Waana doorkii ugu horreeyey ee cayaartan skateboarding-ka lagu daray cayaaraha Oympic-ga.
 
Waxaa kale oo billad dahab ku guuleystay labo nin oo labaduba 22 jir yihiin, kalana ah Tom Green iyo Jean van der Westhuyzen [[VEST-hay-zuhn]], iyagoo ku tartamay fogaanta 1000ka meter ee huudhiga (Kayak), taasoo wadarta billadaha dahabka Australia ka dhigtay 17 oo ah in le'eg kuwii 2004tii.

 
Cayaar-yahanad-dii magan-gelyada dalbatay

 
Krystsina Tsmanouskaya, oo ah gabadh cayaaraha Olypic-ga ugu tartamaysay waddanka Belarus, ayaa ka baxday safaaraddii Poland ee ay magan-gelyada u gashay.
 
Waxaa la sheegay inay u dhooftay waddanka isla waddanka Poland, halkaas oo laga siiyey joogitaan magan-gelyo.
 
Gabadhan ayaa saraakiisha cayaaraha ee Belarus ku eedaysay inay ka afduubeen hotel-kii ay ka degganayd Tokyo, iyagoo rabey inay khasab dib ugu celiyaan Belarus.
 
Guddiga caalamiga ah ee Olympic-ga ayaa sheegay inay su'aalo weydiin doonaan labo sarkaal oo ka mid ah kuwa lagu eedeeyey inay gabadha ka saarayeen cayaaraha Olympic-ga.
 
 
Saadaasha Hawada - Khamiis 06 August 2021
 
Perth                            Qorrax, 22
 
Adelaide                       Roob shuux ah ama labo 15

Melbourne                    Roob shuux ah ama labo, 15

Sydney                         Qorrax  20

Brisbane                       Inta badan qorrax, 21
 
 
 

 Sarrifka Lacagaha
 
Halkii doollar ee Australian ahina maanta wuxuu joogaey 74 senti doollarka Maraykanka ah
 

 
 

Share

Published

Presented by Abdinur Ismail
Source: SBS

Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand