New South Wales
New South Wales waxaa laga diiwaan geliyey maanta 345 keys oo cusub oo COVID-19 ah, kuwaas oo 60 ka mid ahi bulshada ku dhex jireen iyagoo COVID-19 ka qaba.
Waxaa isla markaa ku dhintay labo nin oo sagaashameeyo jir ah. Mid labada ka mid ayaa hore u qaatay labo tallaal oo Pfizer ah, kan kalena hal tallaal oo AstraZeneca ah.
Tirada dhimashada intii dib-u-qaraxu bilaabmay ayaa dhan 37. Waxaase qof 27 jir ahaa dhimashadiisa loo gudbiyey baadhaha xaaladaha dhimashada (thecoroner).
347 qof ayaa illaa hadda ku jira cisbitaal. 62 ka mid ah ayaa ku jira xaaladda gar-gaar degdeg ah, iyadoo 29-na lagu xidhay qalabka caawinta neefta.
24-kii saacadood ee tegeyna waxaa COVID-19 laga baadhay 152,000 oo qof, taasoo noqotay tiradii ugu badnayd ee hal maalin la baadho, iyadoo tallaalkana ay qaataeen 106,000 oo qof.
Keysas-ka badankooda ayaa laga diiwaan geliyey dowlad-deegaanka Canterbury-Bankstown, iyadoo ay madaxdu sheegeen in tirada keysasku woxoogaa cago-dhiganayso.
Dhinaca kalena, deegaannada Burwood, Strathfield iyo Bayside, ayaa laga bilaabo 5-ta galabnimo ee maanta (12 Aug) la saari doonaa xayiraado dheeraad ah.
Birimiyeeradda NSW-na iyadoo arrintaa ka hadlaysa, waxay tidhi:
[["Iyadoo lagu saleeyey talo caafimaad, ayaa saddex dowlad-deegaan oo kale, oo aanu shalay sii saadaallinay, lagu dari doonaa xayiraadaha, taasoo wadarta deegaannada xayiraadda ku jira ee magaalo-wenta Sydney ka dhigaysa 12. Laga bilaabo 5-ta galabnimo ee maanta, deegaannada Bayside, Strathfield iyo Burwood ayaa lagu daraya deegaannada laga walaacsan yahay. "]]
Victoria
Victoria ayaa laga diiwan geliyey 21 keys oo cusub oo COVID-19 ah, oo 5 ka mid ah, aan la ogeyn Meesha ay kasoo bexeen.
Waaxda caafimaadka ayaa saaka xaqiijisay in 17 ka mid ahi kasoo jeedaan dib-u-qaraxyadii hore loo ogaa, iyadoo 15 ka mid ahi, ay karantiil ku jireen muddadii ay COVID-19-ka qabeen oo dhan.
Wasiirka shaqooyinka, Martin Pakula, ayaa shaaciyey taageerooyin dheeraad ah oo loo fidinayo ganacsatada Victoria, isagoo sheegay inuu dowladda Commonwealth-ka uga mahad celinayo taageeradeeda ay siisaay gobolka. Wuxuuna yidhi:
[["Aad baannu uga mahad naqaynaa wada-shaqaynta wanaagsan ee noo socota Commonwealth-ke ee ay ku taageeraan ganacsatada iyo dakhliga. Waxayna noo suurto gelisaa inaanu bixino caawimada aannu shaacinayno maanta. Waa caawimo dhan $367 million oo doollar oo lagu taageerayo in ka badan 100,000 oo ganacsato, kuwaasoo u badan ganacsatada Melbourne ee dib-u-qaraxa labaad saameeyey."]]
Taageeradan ayaa suurto gelinaysa in ganacsatooyinka kala duwani helaan kaalmo lacageed. Mr Pakula, wuxuu sheegay in $1.4 billion oo doollar kaalmo ahaan loo bixiyey illaa muddadii, May illaa June, ee xayiraadda lasoo rogey.
Qoyskii Beloela
Maxakamadda sare ee Australia ayaa diiddey, rafcaan ay codsatay gabadh yar oo afar jir ah, oo qoyskeedu muddaba ka dagaallamayeen tarxiil dowladda Australia la damacsanayd.
Qofka gabadhan yar oo magaceeda la yidhaahdo Tharnicaa Murugappan [[ tah-nee-ku MOO-roo-GUH-pun]], u qaabbilsan xagga dacwadaha (special guardian) ayaa High Court of Australia ka codsaday inay gabadha ka oggolaadaan racfaan ay ka qaadato go'aan ay hore u gaadhey Federal Court.
Sannadkan horrantiisii ayaa xaakimiinta Federal Court-ku, si wadajir ah isugu raaceen, inaan dacwaddii Tharnicaa si cadaalad ah loo samaynin markii ay dalbanaysey protection visa, si ay Australia u joogto.
Laakiin, waxay isla fadhigaa maxakamadda federaalku qaadatay go'aan ah inaanay Tharnicaa dirsanin dalbasho fiise oo sax ah 2019kii, go'aankaasoo ay qoyska gabadhu la aadeen maxakamadda sare, si ay racfaan uga qaataan.
Sharci-yaqaanka qoyska ayaa hadda sheegtay, in arrintan qoysku hadda gacanta ugu jirto wasiirka immigrationka, Alex Hawke, oo leh awoodda viise-bixinta, iyo oggolaanshaha in qoysku degaan magaalada Biloela.
Priya Murugappan, oo ah hooyada Tharnicaa iyo walaasheed Kopi, ayaa bulshada Australia uga mahad celisay taageradooda, iyadoo sheegtay inay wacnaan lahayd, haddii gabdheheedu daryeelkooda caafimaad ku qaataan magaalada Beloela ee Queensland, halkaas oo ah meeshii ay hore u degganaan jireen.
[["Tharni iyo Kopi weli waxay u tagaan dhakhaatiir, laakiin intaaba way ku samayn karayeen Biloela. Beloela waa meesha ay gabdhuhu ku bogsan karaan oo ku ammaan ahaanayaan. Min-fadlak, wasiir Hawke, noo oggolow inaannu ku laabanno bulshadayadii Biloela."]]
New Zealand
Isu-socodkii aan karantiilka lahayn ee u dhexeeyey Australia iyo New Zealand, ayaa xidhnaan doona illaa iyo inta sannadkan ka hadhay. New Zealand oo dhammaanba tirtirtay coronvirus-ta ayaa go'aankaa gaadhey, iyagoo raba inay si taxadder leh ugu furaan socdaaylaasha caalamiga ah sannadka dambe.
Birimiyeeradda, Jacinda Ardern, ayaa sheegtay inaan xuduudda caalamiga la furi doonin inta uu barnaamijka tallaalku dhammaanayo.
Hadalladeediina waxaa ka mid ahaa:
[["Weli ma joogno xaalladdii aanu dib ugu furi lahayn xuduudda. Marka aannu bilownana taxadder ula-kac ah baannu yeelan doonaa, waayo waxaannu rabnaa inaanu ku bilowno isku-kalsooni iyo hubaal, intii ay suurto gal ka tahay. Deg-deggu wuxuu innagu ridi karaa xaaladda waddamada kale ku sugan yihiin, kuwaasoo markii ay cabbaar keysasku hoos u dheceen tallaalada awgood, ay haddana dib usoo kordheen, markii ay xayiraaadihii khafiifiyeen, xuduudihiin fureen"]]
New Zealand oo tirada dadkoodu tahay 5 million oo qof ayaa hadda boqolkiiba 29 qaateen hal duritaan, halka ay boqolkiiba 17 ka qaateen labadii duritaanba.
Saadaasha Hawada - Berri, Jimce 13 Aug 2021
Perth Inta badan qorrax, 20
Adelaide Shuux ama laba, 16
Melbourne Qayb ahaan daruur, 18
Canberra Inta badan qorrax, 16
Sydney Inta badan daruur, 20
Brisbane Inta badan daruur, 24
Cairns Shuuxyo, 27
Darwin Sunny, 35
Sarrifka lacagaha*
Halkii doollar ee Australian ah waxaa maanta lagu sarrifayey 74 senti oo doollarka Maraykanka ah.
*Sarrifka lacaguhu waa ka Bankiga Kaydka ee Australia.