New South Wales
Premier-ka New South Wales Dominic Perrottet, ayaa dib usoo celiyey xayiraaddii face-maska xidhashadiisa, isagoo sheegay in ay hadda amar tahay in face-maska laguu xidho goobaha kor ka dedan laga bilaabo saq-badhka 23-ka December 20201.
Isbeddelkan ayaa yimid ka dib markii khubarada caafimaadka iyo mucaaradka New South Wales ay ugu baaqeen dowladda inay dib u soo celiso amarkii face-maksa gudaha lagu xidhanayey, maadaama ay Omicron sababtay sare u kaca tirada kiisaska COVID-19 ee gobolka.
Isbeddellada kale ee la sameeyey waxaa ka mid ah taabsiinta QR code-ka oo dib loogu soo celiyay goobaha khatarta sare leh, iyo xaddidaadda tirada macaamiisha ee goobaha martigelinta, oo la yaraynayo laga bilaabo 27-ka ilaa Diseembar ilaa 27-ka Janaayo, iyo sidoo kale in la eego in sannadka soo socda si bilaash ah loo bixiyo qalabka sida dhakhsaha ah la isugu baadho (Rapid Antigen Tests).
Mr Perrottet, in isbeddellanada loogu baahan yahay si caafimaadka dadka loo ilaaliyo
Hadalkiisiina waxaa ka mid ahaa:
"Waxaan rumaysannahay in isbeddellada maanta ay yihiin kuwo dhexdhexaad ah, taxaddar leh, loonga abbaarayo si feejigan, inta aynu ku jirno fasaxa illaa dhammaadka Janaayo. Nidaamku waa xooggan yahay. Tirada ICU ku jirtaana waa mid hoose oo ah45. Taasi waa wax aad loogu farxo. Sida cad waxaa jira walaac la xiriira shaqaalaheena caafimaadka. Waxaan aaminsanahay in isbedelada aan sameyneyno maanta ay xaqiijin doonaan in nidaamkayaga caafimaadku shaqaale ku filan haysan doonao xilliga fasaxa."
New South Wales has again set a national record for a daily increase in infections with 5,715 new cases, and another virus-related death.
New South Wales ayaa mar kale laga helay tiradii ugu sarreysey Australia ee maalinlaha keysaska COVID-19 ah - 5,715 iyo hal dhimasho COVID-19 ah
Victoria
Victoria ayaa amar ku bixisay in face-mask loo xidho meelaha kor ka dedan (gudaha) iyadoo uu maanta gobolku diiwaangeliyay 2,005 oo keysas COVID-19 ah.
Amarka xidhashada face-maska ayaa ku dhaqan geli doona saqda dhexe ee caawa ,Dec 23, dadka da'doodu tahay siddeed sannadood iyo wixii ka weyn ee dhammaan goobaha gudaha iyo munaasabadaha waaweyn ee ay joogaan in ka badan 30,000 oo qof. Guryaha loogama baahna in lagu xirto.
Gobolka ayaa sidoo kale dar-dar gelinaya mashruuciisa tallaalka, isaga oo in ka badan $31 milyan oo doollar ku maal gelinaya barnaamijka tallaal-xoojiyaha Dawlada Dhexe.
Ku simaha Premier Fiktooriya, James Merlino, ayaa sheegay in face-maska oo la xirtaa ay yihiin hab raqiis ah oo wax ku ool ah oo lagu ilaaliyo caafimaadka bulshada, wuxuuna yidhi:
"Mar labaad, si ay u caddaato, face-maska ayaa looga baahan doonaa gudaha iyo marka debedda loo baxoba, in kasta oo face-maska la iska saari karo marka bannaanka la fadhiyo. Mar labaad, waa wax caqli ku jiro. Tani waa tallaabo macquul ah oo ganacsiyada u oggolaan doonta inay furnaadaan, iyo baararka iyo makhaayadaha inay si furnaadaan ooo dhacdooyinka waaweyn u qabsoomaan."
Queensland
Queensland ayaa laga helay 369 keys oo cusub oo COVID-19 ah- taasoo ah tiradii hal maalin ah ee ugu badanayd gobolka.
In ka badan 33,000 oo baaritaanno ah ayaa la sameeyay ayay kasoo baxday tiradaasi iyadoo hal qof oo arrimo caafimaad hore u qabeyna uu cisbitaal ugu jiro COVID-19
Premier, Annastacia Palaszczuk [[PAL-uh-shay]], ayaa sheegtay inay ka walaacsan tahay Gold Coast oo heerarka tallaalkeedu hooseeyaan ayna filayso in kesasku kor uu kacaan ayaamaha sannadka cusub
Tan ayaa timid iyadoo ay Queensland 5-tii subaxnimo ee 23 December shaneemooyinka, tiyaatarrada iyo shaqaalaha marti-qaadka ku soo rogtay in face-maska.
Tallaal-xoojiyaha
Hogaamiyaha mucaaradka federaalka Anthony Albanese ayaa taageeraya baaqyada ku aaddan in dadka Australiyaanka ah muddo tii hore ka gaaban loogu oggolaado tallaal-xoojiyaha (booster shot).
Sida ay hadda tahay, dadka da'doodu tahay 18 iyo wixii ka weyn ee Australiya ayaa heli kara xoojiyaha tallaalka COVID-19 shan bilood ka dib markay qaateen duritaankii labaad.
Laakiin dhowr gobol, oo ay ku jiraan Victoria iyo New South Wales, ayaa dabad ka riixaya in muddadaas horey loo soo dhigo oo laga dhigo illaa afar bilood si ay loo xaddido faafitaanka Omricon.
Mr Albanese waxa uu sheegay in dawladda federaalka bolowgeedii hore ee tallaalkii koowaad iyo labaad ee gaabiska ahaa uu la macno yahay inay ay hadda dadku u dayacan yihiin fayrasta.
Wuxuu yidhi Mr Albanese:
"Tani waxay ahayd guul darro uu bilaabay Scott Morrison isagoo u malaynayey in aan tallaalka loogu jirin tartan. Taas cawaaqibteedii, waxay guul-darraysi ku noqotay bilowgii tallaalka iyo innaga oo ka dib dhacnay adduunka intiisa kale. Waxaana si toos ah looga dhaxlay inaanay dadku weli sharci u lahayn xoojiyehoodii."
Ra'iisal wasaare Scott Morrison, ayaa sheegay shalayto inaan la beddeli doonin muddada u dhexaysa tallaalka iyo xoojiyaha illaa khubarada tallaalada ee ATAGI taladii hore cusboonaysiiyaan
Booliiska Victoria iyo hubka Taser-ka
Hubka Taserska la yidhaado ayaa la siin doonaa dhammaan booliiska Victoria ee safka hore ka dib markii ay dawladda gobolku ballan-qaadday $214 milyan oo maalgelin ah.
Lix kun oo hubkaas ah ayaa la bixin doonaa laga bilaabo horraanta sanadka 2022 iyadoo in ka badan 300 oo saldhigyo booliis ah oo magaaloyinka iyo gobollada ah lagu samayn doono qalabkii lagu xafidi lahaa hubka.
Tababar takhasus leh ayaa la siin doonaa booliiska, waxaana tasers-yada lagu xidhi doonaa kamaradaha ay booliisku korkooda ku xirtaan, si loo hubiyo in si habboon loo isticmaalo hubka.
Tasers-ka ayay booliiska Victoria isticmaalayeen illaa 2004-tii, iyadoo 2018-kii la geeyey hubka 37 saldhig oo kuwa habeen iyo maalinba shaqeeya ah, gobol-hoosaadyadana ku kala yaalla.
Saadaasha Hawada - Jimce, 24 December 2021
Perth Qorrax aad u kulul, 39 degrees
Adelaide Qorrax, 31
Melbourne Qorrax, 26
Sydney Shuux ama labo, 27 degrees
Brisbane Shuuxyo, 29
Darwin Shuuxyo iyo duufaan suurto gal ah, 33
Sarrifka Lacagaha
Maanta halkii doollar ee Australian ah waxaa lagu sarrifayey 72 senti oo doollarka Maraykanka ah.