New South Wales
Mucaaradka New South Wales ayaa ku boorinaya dawladda NSW inay hagaajiso nidaamka karantiilka guriyah si ay si buuxda uga ilaaliso gobolka COVID-19.
Chris Minns, wuxuu ka walaacsan yahay in waaxda caafimaadku ku khilaafsan tahay Premier-ka habka karantiilka guryah, isagoo ugu baaqay Dominic Perrottet inuu si cad u qeexo xeerarka karantiilka guryaha.
Barnaamijka tijaabada ah ayaa dadka u oggolaanaya inay guryahooda isku karantiilaan, halkii markii hore dadka lagu karantiili jirey hoteel, laakiin hoggaamiyaha mucaaradka ayaa in lasii caddeeyo habka nimaadkaasi u shaqayn doono.
Mr Minns wuxuu yidhi:
"Birimiyeerku waa inuu la hadlaa waaxda caafimaadka iyo wasaaradda caafimaadka, waa inuu xaqiijiyaa inaynu fahamnay shuruucda u degsan soogalootiga caalamiga ah. Ma doonayno inay tani mar kale innaga khaldanto, waxaana jira dad badan oo isku hallaynaya inaynu tan si sax ah u samayno"
Dadka NSW kusoo laabanaya ee si buuxda isu tallaalay ayaan looga baahan doonin wax karantiil ah, halka kuwa aan is tallaalin laga gelin doono 14 maalmood oo karantiil ah.
Victoria
Wasiirka Tartanka fardaha iyo xayaaanaadka kale ee bertama ee Victoria, Martin Pakula, ayaa sheegay in dadaalkii dowladdu u gashay la dagaallanka COVID-19 ay shacab weynaha u oggolaatay inay dib ugu soo noqdaan xaalad caadi ah.
In ka yar 1000 keys oo cusub oo coronavirus ah iyo sagaal dhimasho ayaa la diiwaan geliyey maanta [989.
Wuxuuna yidhi:
"Haddii aad u fiirsato Victoria maanta, waxaan hubaa jiri doonaan makhaayado, dad guryaha isku booqanaya, hotellada wax laga cabbo, bakhtiyaa-nasiibna laga cayaarayo"
COP26 - Glasgow
Raiisel wasaaraha Australia Scott Morrison ayaa ku nuuxnuuxsaday in sayniska uu go'aamin doono xalka isbedelka cimilada, ee aanay ahayn siyaasiyiinta.
Mr Morrison wuxuu xarunta shirka COP26 ee Glasgow ka ballan qaaday in sannadka 2050 qiiqa wasakhaysan la gaadhsiin doono '0' (eber), isagoo intaa ku daray in jawaabtu ka soo baxayso isticmaalidda tiknoolojiyada qiiqa yar.
Mr Morrison wuxuu kaloo sheegay inay dar-dargelinta sida loo maareeyo is-beddelka cimiladu ay xoogaysanayso, taas oo tilmaamaysa doorka cilmi-baadhayaasha, ganacsatada, sayni-yahannada iyo maal-gashadayaasha.
Wuxuuna yidhi:
"Tiknolojiyadda ayaa lagu gaadhi doonaa dhaqaale aan Carbon lahayn iyadoo aan muwaadiniinteenna, gaar ahaan kuwa dhaqaalehoodu soo korayo, aan la iska hor taageynin noloshooda iyo fursadda ay ku ku heli karaan nolol wacan"
Faransiiska iyo Australia
Ra'iisul Wasaarihii hore, Malcolm Turnbull ayaa ku eedeeyay Scott Morrison inuu u dhaqmay si ceeb ah, wuxuuna sheegay inay tahay inuu raaligelin siiyo Faransiiska iyadoo ay sii kordhayaan xiisadaha diblomaasiyadeed ee u dhexeeya labada dal.
Mr Turnbull oo u waramayay ABC ayaa sheegay in Australia Faransiiska la lahayd xidhiid qoto dheer oo is-aamminaad leh, kaasoo uu hadda ra'iisal-wasaare Scott Morrison dhaawac weyn u geystey.
Hadalkan Mr Turnbull ayaa yimid iyadoo Emmanuel Macron uu todobaadkan ku eedeeyay Mr Morrison inuu ka been sheegay qorshahi Australia ku burburisay heshiiska dalabkii maraakiibta badda quusta ee gujiska oo ay ahayd in Faransiisku u sameeyo Australia, mashruucaas oo qiimihiisu dhamaa $90 billion oo doollar.
Koobka tartanka fardaha
Dhinaca tartanka fardahana, waxaa maanta koobkii tartanka Melbourne Cup qaaday faras lix jir ah oo la yidhaahdo Very Elleegant, kaas oo ka badiyey faraskii la saadaalinayay inuu guuleysto oo la yidhaahdo Incentivise.
Toban kun oo qof oo si buuxda u tallaalan ayaa maanta loo oggolaa inay galaan goobta tartanka fardaha.
Queensland
Dowladda Queensland ayaa kusii adkaysanaysa inay dhisto goobteeda karantiilka COVID-19 ee u dhow Toowoomba, in kasta oo ay jiraan warar sheegaya in dowladda federaalku ay rabto inay intii hore ka yaraysa mid kale oo ay Brisbane ka dhisaysey.
Queensland waxay ka dhiseysaa Wellcamp xarun qaadda 1000-sariirood, halka dowladda federaalku ay xero kale oo 1000 sariirood qaadda ka dhisayso Brisbane.
Si kastaba ha ahaatee xukuumadda Morrison ayaa hadda dib uga fekeraysa fikiraysa inay xaruntan iyo kuwa kale ee la midka ah ee Melbourne iyo Perth-ba ka yarayso siii ay markii hore u rabtey. Tan ayaa kusoo beegantay iyadoo dowlad-goboleedyadu furayaan xuduudohooda caalamiga ah.
Ku xigeenka birimiyeerka Queensland, Steven Miles, ayaa sheegay in aysan jirin wax qorshe ah oo lagu yaraynayo isla markaana loo isticmaali doono dhowr siyood oo kale oo ka baxsan socdaalayaasha waddanka dib ugu soo laabanaya.
"Waxaa jiri doona adeegyo kala duwan oo loo adeegsan doono xarunta Wellcamp, wasiirka beeraha ayaa maanta kormeer ku tagay mid ka mid ah guryaha cusub ee oo hadda ku yaalla goobta, isagoo tilmaamay sida ay faa'iido ugu yeelan doonto xaruntani shaqaalaha beeraha, iyadoo shaqaalaha iyo guryaha la degaaba yar yihiin. Ma saadaalin karo aayaah, laakiin waxay ogaan karnaa ina goob noocan oo kale ahi yeelan doonto faa'iidoyin badan"
Saadaasha hawada - Arbaco
Perth Qayb ahaan daruur, 23
Adelaide Shuuxyo sii yaraanaya, 33
Melbourne Huur iyo roobabow 25 degrees
Sydney Qayb ahaan daruur, 25
Brisbane Qayb ahaan daruur, 26
Darwin Shuux ama labo ama duufaan, 36
Sarrifka Lacagaha
Halkii doollar ee Australian ahna maanta waxqaa lagu sarrifayey 75 senti oo doollar Maraykanka ah.