Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE

Warka Talaado - 05 Oct 2021

Dominic Perrottet oo noqday birimiyeerkii 46aad ee New South Wales. Victoria-na waxaa laga helay keysaskii ugu badnaa ee isku-maalin laga helo Australia intii safmareenku socdey. Qasnajig Josh Frydenberg ayaa iskii isu xannibay coronavirusna iska baadhay ka dib markii qof u shaqeeyo laga helay COVID-19

SBS Somali News

Warka Khamiis - 10 Maarso 2022 Source: SBS

Birmiyeerka cusub -NSW

 

Mucaaradka New South Wales ayaa sheegay inay doonayaan in dowladda gobolku xasisho iyadoo hogaamiyaha cusub, Dominic Perrottet, maanta xisbigiisu u doorteen xilka, kadib is casiliddii Gladys Berejiklian.

 

Hoggaamiyaha mucaaradka Labour-ka, Chris Minns, ayaa sheegay hadda  dib -u -dhiska dhaqaalahu muhiim yahay, ka dib magacaabidii birimiyeerka cusub oo hore u ahah qasnajija NSW.

 

Mr Perottet ayaa noqday birimiyeerkii ugu da'da yaraa ee  NSW soo mara soo-yaalka NSW. Chiris Minns, hoggamiyuhuna wuxuu kaloo sheegay inay isaga iyo Mr Perrotet isku wacan yihiin.   Wuxuuna yiri:

 

"Waxaan la hadlay birimiyeerka la doortay, Dominic Perrottet, horaantii maanta, waxaanan u rajeeyay guul iyo nasiib wacan, waxaanan ugu hambalyeeyay inuu noqdo birimiyeerkii 46aad ee NSW. In kastoo aannu qof ahaan iyo siyaasad ahaanba u kala duwannahay, haddana muddo dheer baan aqaanney, maalin wacan bayna u tahay maanta"

 

Ku-xigeenkii birimiyeerka NSW John Barilaro ayaa isna ruqsaystay, waxayna xisbiga Nationals-ku Arbacada dooran doonaan hoggaamiye cusub.

 

Victoira

Dad badan oo ka mid ah maxaabiista iyo shaqaalaha xabsiyada Melbourne ayaa ka mid ahin ka badan 14 000 oo keysas  coronavirus ah.

 

Laanta Asluubta ee xabsiyada ayaa sheegay in 36 qabaan coronavirus iyagoo ku kala fidsan Metroplitan remand centre,, Ravenhall, Port Phillip Prison iyo xarumo kale.

 

Victoria ayaa maanta laga xaqiijiey 1763 keys oo cusub oo COVID-19 ah. Birimiyeerka Victoria, Daniel andrews-na wuxuu sheegay tirada keysasku meel xun marayso laakiin ay dhowr toddobaad uun innaga xigto markii xannibaadaha la khafiifin lahaa.

 

Tallaalka Australia.

Australia waxay gaartay 28.95 milyan oo qof oo tallaallada COVID-19 ka qaatay hal ama labo. 185,000 ayaa waddanka Ausralia laga bixiyey maalinkii Isniinta, iyadoo aya hadda boqolkiiba 80 dadka da'doodu ka sarrayso 16 ay qaateen tallaalka koowaad.

 

Wasiirka Caafimaadka Greg Hunt ayaa sidoo kale xaqiijiyay 300,000 koorso oo daawo afka laga qaato ah, loo xaqiijiyey Ausralia.

 

Qasnajiga Australia oo isxannibey

Qasnaji Josh Frydenberg ayaa si taxaddar isu xannibey, ka dib markuu ogaadey in  xubin ka mid ah shaqaalihiisa oo laga helay COVID-19.

 

Mr Frydenberg ayaa sheegay in xafiiskiisii doorasho-deegaanka, loo xidhay nadiifin, isla markaana uu iska baadhay coronavirus..

 

Xubno kale oo shaqaale ah oo xiriir la sameeyay qofka coronavirstu ku dhacday ayaa iyagana la baarayaa.

 

 

 

 

Soo galootida xirfadda leh iyo Ardayda caalamiga ah

Raiisel wasaare Scott Morrison ayaa sheegay inuu mudnaanta siinayo soo-galootida xirfadda leh iyo ardayda iyo ardayda caalamiga ah ee waddanka soo gelaya.

 

Dowladda federaalku waxay sheegtay in dalxiisayaasha caalamiga aan loo oggolaan doonin inay Austaralia usoo dalxiis tagaa ka hor sannadka dambe, halka dadka muwaadaniinta Australia ee labadii tallaalba qaatay ay  ay u duuli karaan dibedda laga bilaabo Noofembar.

 

Laakiin xildhibaan ka tirsan xisbiga Labour-ka , Jim Chalmers , ayaa sheegay inay tahay in qaranka si nabad ah dib loogu furo, marka isku-kalsooni la gaadho, isagoo dowladda federaalka ah u sheegay inay qabsato shaqadeeda.

 

Saadaasha Hawada - Arbaco 06 Sep 2021

 

Perth                  Qorrax, 19 degrees

 

Adelaide             Shuuxyo soo curanaya, 23

 

Melbourne          Daruuro, 22

 

Sydney                Qorrax24

       

Brisbane             Qorrax, 28

 

Darwin               Qorrax, 34 degrees

 

[[http://www.bom.gov.au/australia/majorcities

 

Sarrifka Lacagaha

Halkii doollar ee Australian ah waxaa maanta lagu sarrifayey  73  oo doollarka maraykanka ah.

 

 

 


3 min read

Published

Updated

Presented by Abdinur Ismail


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Watch now