Warka Talaado - 08 June 2021

Nin siddeeddii May Sirilaanka ka soo galay waddanka, ayaa la caddeeyey inuu yahay isha ay kasoo baxday nooca virusta delta ee West Melbouren ka dillaacday. In kasta oo 2 keys oo cusub laga helay Melbourne, ayaa haddana madaxda caafimaadku rajo ka muujiyeen in la khafiifin doono xannibaadaha Victoria.

Labo keys oo COVID-19 ayaa 24kii saacadood ee tegey laga xaqiijiyey Victoria. Labada keys ayaa kala ah cunug yar iyo qof lala xidhiidhiyey guriga xannaanada dadka da’da weyn ee Arcare Aged care home – Maidstone.

Madaxda caafimaadkaa Victoria ayaa maanta warsaxaafadeedkoodii maalinlaha ahaa ku sheegay inay heleen isha ay kasoo baxday virustan xuub siibatey ee Delta ee ka dillaacday west Melbourne. 

Genomic sequencing oo ah hab-cilmiyeeka lagu xaqiijo nooca virusta ayaa lagu ogaaday inay kasoo baxday nin waddanka kasoo galay Sri Lanka 8dii bishii ina dhaaftay ee May, isagoo isla maalinkaaba laga helay Virusta.

Ku xigeenka madaxa caafimaadkaa Victoria Prof Allen Cheng, ayaa sheegey in weli la baadhayo sida virustaasi ninka uga gudubtey oo ugu fidda bulshada.

Professor Allen Cheng wuxuu yidh:

Hadda waxaanu haynaa  bar-bilow aanu wax kasoo bilowno, markaa waxaanu raadraac iyo baadhitaanoba ku bilaabi karnaa, meeshii ay virustu kasoo gashay qoysask waqooyiga Melbourne, iyo sidii ay tani hoos ugu dhaadhacday. Waxayna hadda u egtahay xaaladdii NSW ku jirtey markii kayskii Woollahra iyo xaaskiisu joogeen. Mar labaadka, tan macneheedu waa inayanu hayno watigii uu dib-u-qaraxu soo bilaabmay, sidaa awgeed waynu ognahay inaanay virustu joogin Victoria, ka hor 8dii May”

Sii hayaha xilka primiyeerka Victoria, James Merlino, ayaa sheegay in labada keysba dhex-galkooda bulshada yaraa, wuxuuna yidhi:

Hadda waxaanu ku taagannahay tubt, sida aanu horeba u sheegnay inaanu qorshaynay, inaanu khafiiino xannibaadaha gobol-hoosaadyada Vitoria iyo inaanu si taxadder ku jiro u khafiino xannibaadaha Melbourne. Dib-u-qaraxan wuxuu bilaabmay intii xannibaadda lagu jiray, maantana ma jirto wax beddelaya qorshayagii”

Dowladda federaalka ayaa sheegtay inay eegayso fursado dib-u-dejin loogu sameeyo qoyska Tamil-ka ah ee lagu hayo xerada tarxiil-sugayaasha Chrismas Island. Qoyskan ayaa xeradaa jasiiradda ku jirey lagasoo bilaabo 2019kii ka dib markii ay maxakamadi ka baajisay tarxiil ay dowladdu ku samayn lahayd. 

Gabadha ugu yar qoyska, Tharnicaa [[tah-nik-uh]] ayaa7dii Juun oo shalay ahayd loolasoo cararay cisbitaal ku yaalla magaalada Perth oo hadda lagu daweynayo, ka dib markii ay xanuusanayd muddo 10 maalmood ah. 

Wasiiradda Home Affairs, Karen Andrews, ayaa sheegtay in laga yaabo is-beddellada guud ee siyaasadda arrimaha qaxoontiga iyo magan-gelyo doonka laga filayaa, saameyn ku yeelan doonaan qoyskan, Taasoo laga dareemey in dowladdu usoo dabacday baahida qoyskan.

Wasiiradda hadalkeediina waxaa ka mid aha:

Waxaannu hadda ku dhex jirnaa ka shaqaynta baadhitaanka fursado dib-u-dejin loogu samayn karo dadyow kala xaalad duwan oo Australia jooga. Hadda waxba kama sheegi karo, waayo ma rabo inaan car-qaladeeyo gorgortannadaa”

In ka badan 100 qof oo ku mid ah kooxaha dembiyada qoryshaysan, ayaa xabsiga loo taxaabay, taasoo qayb ka ahayd howl-gal qorshaysan oo si online ahaan ah loo galay..

Howl-galkan oo socday muddo saddex sannadood ah, ayay Policeka federaaliga Australia iyo FBI-da maraykanka oo is kaashanayaa, ku guuleystaan inay kooxaha dembiyada qorshyasan ku siraan inay isticmaalaan App ah,nooca aan la jabsan karin farriimaha la isugu diro. 

Kooxaha ee dembiyada qorshaysan ee adduunka oo dhan ayaa intaa baadhintaanku socday oo dhan xidhiid jiray App-kan iyago ku qorshayn jiray, dhoofinta daroogada, lacag-is-weydaarsiga iyo dilalkaba. 

Howl-galkan oo loo bixiyey ‘Ironside’ ayaa madaxa sare ee Police-a federaalka Austaralia, Rees Kershaw, sheegay inay ku kashifeen 21 dilalka qorshaysan ah, kuna soo qabteen 3000 oo kg oo daroogo ah iyo $45 malayan oo dollar oo cash ah.

 Isagoo arrintaa ka hadlayana wuxuu yidhi:

“In ka badan 4000 oo ah askarta meel-marinta sharciga, ayaa dhul-weynaha Australia oo dhan ka fuliyey in ka badan 525 baadhitaanno ruqsadaysan ah, Ironside-na waxay soo xidhay ama xukuntay, kuwo aanu ku eedaynayno inay yihiin qaar ka mid ah, debiilayaasha Australia ugu khatarta badan. Waxaanu ku eedaynaynaa inay ka mid yihiin baandooyinka  sharciga baal marsan ee mootooyinka fuula, shirkadaha demiyada ku midaysan ee Asia, iyo kooxaha abaabulan ee dembiyada qorshaysan” 

Waddanka Kanadana, qoys mulimiin ah ayaa maalinkii shalay oo Axadda ahayd, gaadhi la jiidhsiiyey gaadhi, Halkaas oo ay ku dhinteen afar qoyska ka mid ahi. Wiil yar oo Sagaal jir ah ayaa ka badbaadey kaasoo cisbitaal ugu jira dhaawacii soo gaadhay. 

Police-ka Canada ayaa ku tilmaamay falkan mid Muslim-necayb ah. Falkaana waxaa geeystey nin 20 jir ah, oo la yidhaahdo, Nathaniel Veltman, oo gaadhiguu uu watey ka soo duway waddada qoyskana ku weeraray. Ninkaas oo goobta ka cararay ayaa goor dambe police-ku gacanta kusoo dhigeen.

Ku xigeenka madaxweynaha maraykanka, Kamala Harris, ayaa iyadoo booqasho ku joogta waddanka Guatemella, digniin u dirtay dadka Central America ee qorshaynaya, bay tidhi, inay xuduudda Mexico sharci-darro uga soo galaan maraykanka. Hadal ay la qaadatay madaxweynaha Guatemella ayay iskulasoo qaadeen sidii dadka waddankaas noloshooda kor loogu qaadi lahaa, si loo yareeyo safarka khatar badan ee ay maraykanka ku aadaan bay yidhaasdeen.

 

SAADAASHA HAWADA

Perth                              Roobab yaryar, 18

Adelaide                         Roobab yaryar oo subaxdii ah, 14

Melbourne                      Roob gelinka hore ah, iyo shuuxyo ka dambeeya, 13

Sydney                           Roobab yaryar, 16                            

Brisbane                         Roobab yaryar oo sii yaraanaya, 18

 

SARRIFKA LACAGAHA

Halkii dollar ee Australian ah maanta waxaa lagu sarrifayey 77 senti oo dollarka maraykanka ah.


Share

Published

Presented by Abdinur Ismail

Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand