Victoria
Madaxda Victoria ayaa dhaleeceeyey haddallo ka dhan ah bulshada Jewish-ka Victoria, ka dib markii la arkay qaar buriyey xeerarkii xannibaaadda Victoria, iyagoo ka qayb galay xalfad ku saabsanayd arrimo guur.
24 keys oo cusub oo COVID-19 ah ayaa laga xaqiijieyey Victoria, kuwaasoo 3 ka mid ah, aan la ogeyn meelay salka ku hayaan. 4 keys oo kalena waxaa lala xidhiidhiyey xafladdii aan sharciga ahayn ee lagu qabtay xaafadda North Caulfield, taaso tirada keysaska xaafaddaa ka dhigtay 6.
Dadkii xafladdaa ka qayb galay ayaa online-ka loogu geystey eedeyn iyo aflagaaddo xad-dhaaf ah, taasoo uu birmiyeerka Victoria dhaleeceeyey.
Wuxuuna yidhi:
Waa mid aan la aqbali karin oo belaayo ah, in qofna sii daayo aflagaaddooyinka anti-semitic-ka iyo hadallada kale ee aynu aragnay. Dadkaas waxaa la macaamilay booliiska Vicotoria. Caqli ma aha in qofna qof kale dhibaateeyo, Victoria-na ma aha, weligeedna ma noqon doonto, meel laga isticmaalo luqadd anti-samitic ah. Waa wax belaayo ah
Qof ka mid shaqaalaha cisbitaalka Royal Melboure Hospital, ayaa shaqada laga caydhiey ka dib markii uu facebuuggiisa ku qoray erayo anti-semitic ah.
New South Wales
Madaxda New South Wales (NSW), ayaa sheegay inay joojiyeen, baahinta goob kasta oo 'exposure site' ah, oo ah goobaha ay tageen dadka coronavirus-ta qabaa.
Baahintan ayaa ka dambeysey, markii la diiwaan geliyey 452 keys oo kale oo cusub oo COVID-19 ah, iyo hal dhimasho. Ugu yaraan 54 keys ayaa bulshada ku dhex jirey, qaby ka mida ah, ama dhammaanba muddadii ay COVID-19-ka qabeen.
Dr Jeremy McAnulty, oo ka tirsan caafimaqada NSW, ayaa sheegay in madaxdu qorshaynayaan inay baahiyaan oo keliya goobaha khatarka COVID-19-koodu sarreeyo, si aan dadka loo dhego-barjaynin
Wuxuuna yidhi:
Hadda waxaanu si badheedh ah mudnaanta u siinaynaa magoolo-weynta, meelaha kale ee qoysasku tageen ee, goobaha shaqada, iyo meelaha halistoodu sarrayso sida cisbitaallada, rugaha daryeelaka dadka waaweyn, rugaha waxbarashada oo ay ku jiraan xannaanooyinka carruurtu.
Tirada guud ee dhimashada COVID-19 ee New South Wales ayaa laban-laabantay dib-u-qraxan dambe awgii, iyadoo gaadhay 113 dhimasho.
Queensland
Bandhiggii Ekka, ee hore Queensland looga joojiey, ayaa hadda la baahiyey in la dhigi doono 29-ka October, iyadoo dowladdu rajeynayso, inay kor u qaadi doonto dalxiiska oo dhaawac ka gaadhay xannibaadaha safmareenka.
Bandhiggan oo loo yaqaanno "people's day" ayay fasax daweyne u noqon doonta, Brisbane, Moreton Bay iyo Scenic Rim, iyadoo labo sannadood oo isku xiga loo joojiyey safmareenka awgii.
Queensland ayaa laga helay hal keys oo keliya oo COVID-19 ah oo cusub, taasoo lala xidhiidhiyey kuwii Indooroopilly, isla markaana xannibaad-guri ku jirtey muddada oo dhan.
Afghanistan
Dowladda federaaliga ee Australia ayaa si ku-meel-gaadh ah u joojisay dadkii reer Afghanistan ee laga tarixiili jirey Australia, marka fiisuhu ka dhaco.
Wasiirka Socdaalka, Alex Hawke, ayaa sheegay inaan dadka Afghan-ka ah ee hadda Australia fiisaha ku jooga, dib loogu celinahayn Afghanistan, inta xaaladda nabad gelyadu sidaa u xuntahay.
Wuxuu kale oo intaa ku daray in dowladdu caawin doonto, dadka reer Afghanistan ee fiisayaasha ku-melel-gaadhka ah ku jooga.
Ras'iisal-wasaare Scott Morrison, ayaa dhiniciisa, ka diidey in inuu wax ka yidhaahdo, in Australia kordhin doonto koontada soo gelitaanka ee bani'aadniimo, si boos loogu sameeyo qaxoontiga Afghanistan.
Wuxuuna yidhi:
Hadda waxaan ku mashquulsannahay xaaladda liidata ee Kabul, iyo inaan hubiyo in howl-gallada aannu ka fulinaynaa guuleystaan, dadka Australianka ah ee howshaa fulinayaana waxay u fulinayaan si ay iyaguna u nabad galaan, howshana u dhammays tiraan. Dowladdu taasay hadda ku jeeddaa. Waana howl-galka mudnaanta leh, xilligan.
Dowladda federaaliga ahi, waxay laga soo bilaabo 2013-kii dadka Afghanistaan siisay 8,500 oo ah fiisayaasha nooca bani'aadninimada ah.
Airportka Hamid Karzi, Kabul
Dad badan ayaa dhinacyada qabsaday, qaarna dhinac ordeen diyaarad ciidanka Maraykanku leeyahay oo isu diyaarinaysey inay ka duusho garoonka caalimiga ah ee Hamid Karzai, ee Kabul, iyagoo si caalwaa ah u rabey inay uga cararaan xukunka Taliban.
Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhintay halkaa. Ciidanka Maraykanka ayaa iyaguna rasaas digniin ah kor u riday, si ay joojiyaan dadka rabey inay diyaaradaha xoog ku galaan.
Af-hayeenka Pentagon, John Kirby, ayaa sheegay in Maraykanku 1000 askari oo kale u dirayaan Airport-ka Kabul si ay u sugaan ammaankiisa, isagoo intaa ku daray inay si ku-meel-gaadh ah u hakiyeen duullimaadayada, inta xaaladda Airport-ka gacanta lagu qabanayo.
Wuxuuna yidhi:
Waqtiga, taxadder ahaan, ma jiraan diyaarado imaanaya ama baxayaa, kuwo ciidan iyo kuwo shacab-ba, dadka badan ee weli garoonka dhex jooga awgeed. Ciidanka Maraykanka oo la shaqaynaya kuwa Turkiga iyo kuwa kale ee caalamiga ah, ayaa halkaa jooga si ay dadka uga saaraan meesha. Ma ogin muddada ay qaadan doonto. Runtii, ma rabno in cid kale wax ku noqoto. Sidaa awgeed saacadaha soo socda, waxaanu u shaqayn doonaa, si tallaabo-tallaabo ah si loo sugu ammaanka.
Saadaasha Hawada - Arbaco, 18/08/2021
Perth Shuux ama labo, 20
Adelaide Qayb ahaan daruur, 17
Melbourne Daruuro, 16
Sydney Qayb ahaan daruuro, 19
Brisbane Shuuxyo suurto gal ah, 21
Sarrifka Lacagaha(*)
Halkii doollar ee Australian ah waxaa maanta lagu sarrifayey 73 senti oo doollarka Maraykanka ah.
(*) Sarrifka lacagaha ee bankiga dhexe ee Australai.