Warka Talaado - 21 December 2021

Mucaaradka Labour-ka ayaa Ra'iisal Wasaare Scott Morrison ku eedeeyey inuu wiiqayo talada caafimaadka ee bulshada. RBA oo sheegay in shaqaale badani shaqooyinkoodii uga bexeen kuwo ka lacag badan. Waddanka Denmark-na waxaa cod loo qaadayaa si baarlamaanka looga saaro, wasiiraddii hore socdaalka.

Somali news image

Warka Arbaco -20 April 2022 Source: SBS Somali

Xayiraadaha Fayrasta

Mucaaradka federaalku ayaa ku eedeynaya Raiisel wasaare Scott Morrison inuu wiiqayayo talada caafimaadka ee lagaga fal-celinayo faafitaanka COVID-19 ee kusii kordhay Australia.

Golaha Wasiirada Qaranka ayaa qabanaya shir degdeg ah berri December 22, si ay uga wada hadlaan waajibaadka face mask-ka iyo tallaal-xoojiyayaasha, iyadoo tirooyinka kiisaska ay ku sii kordhayaan dalka oo dhan.

Laakiin Mr Morrison wuxuu leeyahay Australia uma baahna inay xirto ama amar ama sharciyayso sida loola xaalayo dib-u-qarax, taa beddelkeeda wuxuu xoogga saarayaa in qofku mas'uuliyaddiisa guto.

Afhayeenka caafimaadka Labour-ka, Mark Butler, ayaa sheegay in uu Mr Morrison u muuqdo in uu dafiray sida ay xaaladdu u daran tahay.

Wuxuuna yidhi:

"Xalayto, waxaanu maqalnay in dhammaan saraakiisha caafimaadka ee dalka oo dhan oo sarkaalka federaalka ee caafimaadka Professor Paul kelly u jiro, ay ku taliyeen in la sharciyeeyo in face-mask loo xidho dhamaan xarakaat-ka meelaha xidhan, haddana ra'iisal-wasaare Scott Morrison, ayaa saaka diiday inuu talada caafimaadka bulshada taageero. Taasina waxay khatar soo kordhay ku tahay horumarka laga gaadhay saf-markeenkan"

New South Wales' daily COVID-19 case record has exceeded 3,000 [[3,057]] for the first time, while Victoria is reporting 1,245 new infections.

Tiro maalmeedka kaysaska COVID-19 ee New South Wales ayaa markii ugu horreysay kor u dhaaftay saddex kun - 3,057 iyadoo Victoria-na laga helay 1,245 keys.

Siddeed dhimasho oo kale ayaa laga diiwaan geliyey waddanka - Lix Victoria ah iyo labo New South Wales ah.

Caafimaadka Maskaxda - Victoria

Daraasiin sariirood oo caafimaadka dhimirka ah oo u gaar ah dumarka ayaa laga furi doonaa Melbourne iyo gobolka Victoria taasoo qayb ka ah $100 milyan oo maalgashi ah

Soddon ka mid ah sariiraha gaarka ah waxaa la dhigi doonaa Albert Road Clinic oo Melbourne ku yaalla iyo shan sariirood oo la dhagayo Shepparton Private Hospital, si loogu adeego haweenka la kulma dhaawacyada iyo xadgudubka galmo, cunno xumida, ama welwelka caafimaadka maskaxda ee dhalmada ka dib.

Sariiraha ayaa la filayaa inay ka faa'iideystaa sannad kasta, in ka badan 750 haween Fiktooriyaan ah, oo qaba xaaladaha caafimaadka dhimirka .

Julie Dempsey, oo galmo iyo jir dil loo geystay intii lagu daaweynayey goob caafimaadka dhimirka ah, ayaa sheegtay in adeegga haweenka ku koobani uu yahay mid aad loogu baahan yahay.

[[Listeners seeking mental health support and information can contact Lifeline on 13 11 14 or Beyond Blue on 1300 22 4636]]

Ciddii raadinaysa taageero xagga caafimaadka maskaxda ah waxay wici karaan telefoonka Lifeline oo ah 13 11 14 ama telefoonka Beyond Blue oo ah 1300 22 4636

Da'ada Dembiga

Guddi kasoo jeedda dadka waddanka loogu yimid oo loo doortay inay heshiis kala gor-gortamaan dowladda Victoria ayaa dowladda Victoria ugu baaqay in inay da'da mas'uuliyadda dembiga kor uga qaaddo 10-jir oo geyso 12-jir.

Gudoomiyaha labaad ee Golaha Shacabka Qowmiyadda Koowaad ee Victoria ayaa waraaq u diry diray Xeer Ilaaliyaha Guud ee Gobolka, Jaclyn Symes, si ay ugu nuuxnuuxsadaan, buu yihdi, baahida loo qabo isbeddel degdeg ah, isagoo u sheegay inaan heshiiska loo isticmaalin marmarsiiyo lagu joojinayo dib-u-habaynta.

Qareenka guud ee Australia ayaa bishii hore ogolaaday inay taageeraan soo jeedin ah in da'da ugu yar ee mas'uuliyadda dembiga laga dhigo 12 ka dib markii dowladda federaalka ay cadaadis kala kulantay in ka badan 30 waddan oo Qaramada Midoobay xubno ka ah.

Laakiin guddigan madaxa bannaan ee dadka waddanka loogu yimid ka kooban, ayaa ku boorrinaysaa Ms Symes inay dhageysato khubarada oo ay sharciyayso in dad'da mas'uuliyadda dembiga laga dhio 14 sano ah, taas ay hore usoo jeediyeen Victoria's Commission for Children and Youth bishii June.

A-C-T hadda waa gobolka kaliya ee ay hadda ka go'an tahay in da'da mas'uuliyadda dembiga laga dhigo 14, halka xukuumadda W-A-na ay gudbisay mooshin taa la mid ah Oktoobar.

Shaqooyinka

Bangiga Kaydka ee Australia [RBA] ayaa sheegay in dad badani shaqadoodii uga baxayaa shaqooyin kale oo mushahar badan.

Xubnaha guddigu R-B-A waxay sheegeen in suuqa shaqada oo xoog yeeshay uu la kowsaday dhammaadkii xayiraadaha COVID-19 uu ku dhiirrigelinay shaqaalaha inay kor ugu sii socdaan sallaanka shaqada.

Waxaa kale oo fursadahaa shaqada qayb ka ah, dadkii waddanka usoo socdaalayey oo istaagay intii safmareenku socdey, taasoo ay ka dhalatay shaqaale yaraan iyo shaqaaluhu mushahar badan ku gorgortamaan.

Markab degey - Madacascar

Markab kuwa xammuulka qaada ah oo sidey 130 qof oo rakaab ah ayaa ku degay meel ku dhow xeebta waqooyi bari ee Madagascar halkaas oo ay ku dhinteen 17 qof.
Markabka oo la yidhaahdo 'Francia' ayaa ah mid u diiwaan gashan inuu qaado alaab keliya, ruqsadna aan u haysanin in dad lagu qaado. Waxaa la rumaysan yahay in biyuhu kasoo galee markabka dalool ku yaalley.

Denmark

Wasiirkii hore ee socdaalka Denmark ayaa wajahaysa cod-qaadid ay u badan tahay in laga saaro baarlamaanka, ka dib markii lagu helay inay ku xad gudubtay xuquuqda muhaajiriinta, iyadoo kala kaxaysay lamaanayaasha magangalyo doonka ah.

Inger Stojberg ayaa todobaadkii hore lagu xukumay 60 maalmood oo xadhig ah kadib markii lagu helay inay ku tumatay mas’uuliyadeeda wasiirnimo ka dib markii ay dacwad ku soo oogtay maxkamad aan badanaaba la isticmaalin oo la kor kala socota hab-dhaqanka wasiirrada.

Amarka ay ku kala kaxaysay dhowr lamaanayaal magangalyo doon ah oo haweeneydad da'deedu ka yar tahay 18 sano, iyadoo aan qof walba dhiniciisa loo baadhin, ayaa lagu helay inuu jebiyey heshiiska Yurub ee xuquuda Aadanaha.

Xibiyada badakooda ayaa ka siman in  xildhibaanaddan  48-jirka ah laga saaro baarlamaanka, oo uu ku jiro xisbigeedii hore ee Venstre, oo ay ka baxday bishii Febraayo.

Cayaaraha

Madaxda Victoria ayaa sheegay in aan waxba laga beddelahayn tirada daawadayaasha cayaarta Kirikit-ka ee maalinka Boxing Day-ga MSG ku dhex mari doonta Australi iyo England, taasoo aanay tirada daawadayaashu xaddidnayn. Cabsi ayaa laga qabaa in ay noqoto fursada ay Omricon aad ugu fiddo.

Saadaasha Hawada - Arbaco 22 December 2021

Perth                 Qorrax, 32 degrees

Adelaide            Qayb ahaan daruur, 27

Melbourne         Inta badan daruur, 20

Sydney               Shuuxyo suurto gal ah, 26 degrees

Brisbane             Inta badan qorrax, 32

Darwin               Shuux ama labo iyo duufaan suurto gal ah, 33



 Sarrifka lacagaha

Maanta halkii doollar ee Austrliayaan ah waxaa lagu sarrifayey 71 sent oo dollarka Maraykanka ah


Share

Published

Presented by Abdinur Ismail

Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand