Warka Talaado - 28 September 2021

Shaki ayaa laga muujiyey sida cisbitaallada NSW isaga caabbin doonaan keysaska la filayo inay kor u kacaan. Victoria-na waxaa maAnta laga diiwaan geliyey 867 keys oo cusub oo COVID-19 ah. Laga bilaabo 1 November-na waxaa la filayaa inay suurtoobi doonto in dadku guryahooda iskaga baadhaan COVID-19

Somali news image

Warka Arbaco -20 April 2022 Source: SBS Somali

New South Wales

Shaki ayaa laga muujiyey awoodda cusbitaallada ee New South Wales.
Gobolka ayaa maanta diiwaangeliyay 863 caabuq oo cusub iyo toddoba dhimasho ah..

Haweeney 90 -meeyo jir aha ayaa ka mid ahayd toddobada qof ee dhintay iyadoo COVD-ka kasoo qaadday cisbitaalka Nepean Hospital iyo haweeney kale  oo 70 -neeyo jir ah, oo cudurka kasoo qaadday isbitaalka Campbelltown Hospital

Wasiirka Caafimaadka Brad Hazzard ayaa sheegay inay jirto halis sii kordheysa oo isbitaal-dhigista ah marka xannibaadda la qaado, laakiin tallaabooyin ay ka mid yihiin shaqaalaha oo la tallaalo ayaa mudnaanta la siinayaa. Hadalkiisiina waxaa ka mid ahaa:

 

"Markaa tallaaladan ayaa wax ka beddelaya qaabaynta qiyaasan, waxayna ila tahay, waxa aan hadda aragnaa inay tahay inaanay cisbtaalladu la ku kulim doonin culayskii badnaa ee aanu filayney. Laakiin taasi weli nooma cadda"

Gole-deegaannada Port Macquarie iyo Muswellbrook ayaa lagusoo rogayaa toddoba maalmood oo xannibaad-guri, laga bilaabo 6-da fiidnimo halista dadweynaha ee COVID-19 oo korodhay awgeed.

Vicotoria

Victoria ayaa software la cusboonaysiiyey ku sababaysay kaladaad ka dhacay soo saaridda najiitadii baadhitaannada COVID-19. Gobolka ayaa maaanta diiwaan geliyey 867 keys oo cusub oo bulshada dhexdeeda la iska qaadsiiyey, iyadii kaysaska qaarna la la' yahay, afar qofna ay dhinteen.

Tiradani waa tirada ugu badan ee keysaska maalinlaha ah tan iyo bilowgii safmareenka, waxaana 140 keys oo dheeri ah lagu daray najiitadii Isniintii shalayto. Najiitadii baadhitaannada ee Axaddii ina dhaaftay ayaa iyana lagu daray sagaal keys oo kale.

Wasiirka Caafimaadka ee Victoria, Martin Foley, ayaa sheegay in natiijooyinka dheeraadka ee daahay, loo diray dadkii lahaa ee la baadhay, laakiin aan loo gudbin waaxda caafimaadka.

Wuxuuna yiri:

"Dhibaatadaas software -ka waxaa saxay qandaraasleyaasha aanu wada shaqayno ee dhiig baadhidda, tanina, nasiib wanaag may saamaynin dadkii baadhiddu khusaysey"

Saraakiisha caafimaadka ee Queensland ayaa sheegaya inay filayaan inay kor u kacaan keysasku dhowrka maalmood ee soo socda kadib markii uu darawal baabuurta xammuulka qaada wadaa uu isagoo COVID-positive ah bulshada ku dhex jirey.

Darawalkan COVID-positve ah ayaa degganaa laba hoteel iyo guri hoy ah oo ku yaal Brisbane, in ka badan sideed maalmood, waana  mid ka mid ah afar keys oo cusub oo bulshada lag dhex helay maanta.

Sarkaalka Caafimaadka, Jeannette Young,  ayaa sheegtay inay ka welwelsan tahay xaaladda laakiin aanay hadda amri doonin xannibaad kale.

Tallaalka dadka waddaka loogu yimid

Wasiirka Caafimaadka Federaalka, Greg Hunt, ayaa dadka waddanka loogu yimid ku dhiirri gelinaya inay si aad u qaataan tallaalada COVID-19.

Dadka waddanka loogu yimid ayaa bulshada kale aad uguga dambeeya xagga tallaalaka waddanka oo dhan.

Mr Hunt, wuxuu sheegay in wasiirka dadka waddanka loogu yimid, Ken Wyatt, uu gobollada iyo AUSMAT (Australian Medical Assitance Teams) la shaqaynayey, ciidammada difaaca qarankuna (ADF) ay ka shaqaynayaa sidii bulshooyinku u kordhin lahaayeen tallaal-qaadashada.

Mr Hunt wuxuu leeyahay caqabadda ugu weyni hadda ma aha tallaal la'aan, ee waa shakiga laga qabo.

Virusta oo la iskaga baadhi doono guriga

In iyadoo guriga la joogo la iska baadho coronavirus ayaa dhici doonta laga bilaabo 1da Nofembar, ka dib soo jeedin ka timid maamulaha caafimaadka.

Therapeutic good Administration [[TGA]] ayaa sheegaysa in baaritaanka degdegga ah ee antigen -ka lagu diyaarin doono toddobaadyo gudahood, iyada oo ay ku xidhan tahay jirrabka ugu dambeeya iyo oggolaanshaha.

Waxaa jiray in ka badan 70 muujinta xiisaha xirmooyinka baaritaanka guriga in lagu ansixiyo Australia, iyada oo 33 ka mid ah loo oggolaaday isticmaalka kormeerka.

New Zealand

Saraakiisha caafimaadka New Zealand ayaa sheegaya inay  dhiirri-gelisey tiradii ugu hooseysa ee keysaska COVID-19 tan iyo markii Auckland ay gashay xiritaanka.

Wadanku wuxuu maanta diiwaangaliyay sideed keysoo cusub oo ah COVID-19 iyadoo Auckland ay gashay toddobaadkii toddobaad ee xannibaadda.

Agaasimaha Guud ee Caafimaadka, Ashley Bloomfield, ayaa sheegay in laba ka mid ah koox -hoosaadyada virus-tu ay yihiin kuwo lala xidhiidhiey qoysas, tan saddexaadna ay ku lug leedahay guri hoy ah oo Auckland ah.

North Korea

Kuuriyada Waqooyi ayaa gantaal looga shakisan yahay in uu yahay nooca ballistic -ga ku riday badda, taasoo ah tii ugu dambeyse taxane ah tijaabooyin hub.

Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegtay in walaxdan la riday oo aan la xaqiijinin, lagasoo tuuray gobolka waqooyin ee Jagan, iyadoo lagu riday biyaha badda.

Danjiraha Qaramada Midoobay u fadhiay Pyongyang, Kim Song, ayaa ku adkeystay in Kuuriyada Waqooyi ay xaq aan la beenin karin u leedahay inay tijaabiso hubkeeda.

Tenis Australia

Cayaar-yahanadda Tenis-ka Ash Barty, ayaa isaga baxay tartankii Indian Wells Masters ee todobaadka soo socda, taas oo shaki dheeraad ah gelisay inay cayaari doonto tanis-ka xilligan.

Barty, ma tartamin tan iyo markii Shelby Rogers ka badisay wareeggii saddexaad ee US Open bilowgii bishan.

Dhanka kale,  Maddison Inglis oo u dhashay Australia ayaa u gudbey wareegga labaad ee Chicago Fall Classic, ka dib markii uu ka adkaaday Kim Clijsters oo hore uga darajada 1aad ugu haystay teniska adduunka, dhowaanna kusoo laabtay cayaaraha. 

Saadaasha Hawada

Berrito oo Arbaca waxaa la saadaalinayaa in hawadu noqodo sida:

Perth                  Dhowr shuux, 23

Adelaide             Shuuxyo, 20

Melbourne          Rain, 18

Sydney               Shuuxyo sii kordhaya, 22

Brisbane             Daruuro, 23

 

Sariifka Lacagaha

Halkii doollar ee Australian ah maanta waxaa lagu sarrifayey 73 senti o doollarka maraykan-ka ah

 

 


Share

Published

Presented by Abdinur Ismail

Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand