Kow iyo toban kays oo cusub oo COVID-19 ayaa 24 saac ee ugu dambeeyey laga xaqiijiyey Melbourne, kuwaasoo ay madaxada caafimaadka Victoria sheegeen inay dhammaantood kasoo bexeen dib-u-qarraxyada safmareenka ee hadda Melbourne ka socda.
Wadarta guud ee kaysas-ka illaa hadda taagan ee ka dhashay dib-u-qarxyadan ayaa ah 94 keys oo saddex ka mid ahi cisbitaal ku jiraan.
Afar ka mid ah keysas-kan cusub waxaa lala xidhiidhiyey dib-u-qaraxii COVID-ka ee xaafadda West Melbourne, mid ka mid ahina wuxuu kasoo baxay - Arcare Aged Care home – oo ah guri lagu xannaaneeyo dadka da’da weyn oo ku yaalla xaafadda Maidstone ee magaalada Melbourne. Wadarta keysas-ka Arcare Aged Care home ayaa hadda maryasa Sagaal.
Madaxa ugu sarreeye ee caafimaadka Victoria, Brett Sutton, ayaa sheegay inaan lagu degdegi doonin in xannibaadaha COVID ee Melbourne la khafiiyo, isago ku sababeeyey inaanu rabin in xannibaadaha la qaado, oo ay dabadeed Xaaladda fiditaanka coronavirus-tu faraha ka baxdo.
Ra’iisal-wasaare Scott Morrison ayaa isna dhinaciisa ka sheegay inuu rajeynayo in xannibaadaha Melbourne loo qaado sida ugu dhakhsaha badan. Taas oo u muuqata mid ay ku kala aragti duwan yihiin madaxa caafimaadkaa Vicotoria Brett Sutton. Ra’iisal-wasaaruhu wuxuu yidhi:
“Arrintani waa caqabad Victoria ka jirta, laakiin waa mid laga adkaan doono. Waxaana la rajeynayaa in dhowaan Victoria la furo, gaar ahaanna loo furo waalidiinta carruurtoodii iskuullada aadi jirtay guriga ku haya. Carruurta waqti baa ka lumay 18kii bilood ee ugu dambeeyey, waana muhiim inaynu carruurta dib ugu celinno iskuullada sida ugu dhakhso badan. Sidaa awgeed waxaan rajeynayaa in xannibaadaha Victoria loo qaadi doono sida ugu dhakhso badan”
Farmashiilayaasha Australia ayaa sheegey in uu tallaalka COVID-19 hore u dhammaan lahaa haddii farmasiyaal badan loo oggolaan lahaa inay bixiyaa tallaalka. Pharmacy Guild of Australia oo ah urur mideeya farmasiiyalayaal badan, aayaa sheegay, in, haddii aan faramishiilayaasha laga qayb gelin bixinta tallaalada, ay 400 oo maalmood ku darsami doonto muddada tallaalka Australia. Kua dhowaad 50 Farmasi oo gobollo-hoosaadka Queensland ku yaaalla ayaa durba bilaabay tallaalka COVID-19, ka dib markii golaha Qaranku, dowlad-goboleedyada u ogolaaday inay iyagu go’aansadaan ka qayb-gelinta farmisiyaasha ee tallaalada.
Premiyeeradda New South Wales, Gladys Berejicklian, ayaa sheegtay in barnaamijkoodii karantiilka hoteelladu uu hadda ku shaqaynayo muggiisii ugu sareeyey, iyadoo toddobaad kasta ay kasoo gudbaan 3000 oo qof oo Australian ahi. Waxaana wakhtigan hoteellada karantiilka ee NSW ku jira 5000 oo Australian ah bay tidhi.
Ms Berejicklian, waxay kale oo sheegtay in qaabka karantiilka gobolkeedu uu illaa hadda iska xejinayey tirada dadka la karatiilo, laakiin ay taasi is beddeli karto aayaha dambe.
Warbaahinta ABC ayaa shaaca ka qaaday inay dacwaddii Sharaf-dilka ee uu kusoo oogey xeer-ilaaliyihii hore, Chirstian Porter, ay kaga baxaday kharash dhan ku dhowaad $780,000 oo dollar. Maareeyaha guud ee ABC, David Anderson, ayaa sheegay in haddii dacwaddu sii dheeraan lahayd oo ay gaadhi lahayd saddex toddobaad, kharahkha dacwadda kaga baxay ABC gaadhi lahaa 1.5 millian oo dollar.
Waddanka Yemen-na waxaa laga sheegay inay 17 qof oo shicib ahi ku dhinteen gantaal ay soo rideen jabhadda xuutiyiinta ee Iran taageerto. Gantaalkan oo ah nooca loo yaqaan ‘ballistic missile’ ayaa ku habsadey kaalin shidaal oo ku taalla magaalada Marib.
Maareeyaha xafiiska xuquuqda Aadamaha ee Marib, Abd Rabbo Juddei, ayaa ku tilmaamay weerarkaa dhimashad geystey, fal-dembi dagaal.
Waddanka Yaman ayaa illaa 2014kii ku jiray xaalad dagaal, ka dib, markii jabhadda xuutiyiintu ay soo jiidheen inta badan waqooyiga Yemen, da dibna ay qabsadeen caasimadda Sanca, isla-markaas oo ay waddanka ka caydhiyeen kaxukuumaddii caalamka laga aqoonsanaa. Dagaalkaa ayay illaa hadda u dhinteen 130, 000 oo qof iyadoo uu sababay xaalad degdeg ah oo bani’aadanimo, tii ugu xumayd.
Gabadhii ugu yarayd qoyskii Tamilka ahaa ee lagu hayay xeradda tarxiil-sugayaasha Chrismas Island, Tharnicaa, ayaa xaalad caafimaad awgeed loogu soo duuliyey cisbitaal ku yaalla magaalada Perth.
Gabadhan yar ee saddex jirka ah, ayaa ah qofka ugu da’da yar Australia ee ku jira goobaha tarxiil-sugayaasha. Qoyskeeda oo ka kooban walaasheed oo shan jir ah, aabbeheed iyo hooyadeed ayaa illaa 2019kii lagu hayaa xero tarxiil-sugayaal oo ku taalla Chrismas Island, ka dib markii ay maxakamadi is hortaagtey in ha’yadda socdaalku, waa immigration department-ka’e, dib ugu tarxiilaan waddanka Sri Lanka.
SAADAAASHA HAWADA – TALAADA 08.06.2021
Perth Qayb ahaan darruur, 19
Adelaide Roobab yaryar oo soo badanaya, 20
Melbourne Qayb ahaan daruur, 18
Sydney Inta badan qorrax 21
Brisbane Qorrax, 23
SARRIFKA LACAGAHA
Halkii dollar ee Australian ah maanta waxaa lagu sarrifayey 77 sento oo doolarka maraykanka ah.