SHIRKA GOLAHA WASIIRRADA - VIRUS
Raiisel wasaare Scott Morrison ayaa sheegay in hogaamiyaasha dowlad-goboleedyada iyo territorigu ay heli doonaan xogtii ugu dambeysay ee Omicron marka uu uu Arbacada- Dec 22- qabsoomo kulanka Golaha Wasiirada Qaranku.
Faafidda degdegga ah ee Omricon ayaa dad badani cusbitaalla u geleen iyadoo goobaha baaritaanka COVID-kuna dareemayaan cadaadis, baahida sii kordhaysa awgeed.
Scott Morrison ayaa sheegay in dowladdu ay si dhab ah aqoonsanayso halista Omicron
Wuxuuna yidhi:
"Ma aha wax aan caadi ahayn in aanu si intii hore woxoogaa ka dhakhso badan u shirayno, iyadoo la og yahay meesha Omricon marayso. Markii ugu dambaysey ee aanu shirnay, waxaannu soo saarnay go'aanno, haddana waa fursad wacan inaanu cusboonaysiinno inta ka horraysa Kirismaska"
Markii ugu dambeysay ee aan kulanay, waxaan sameynay go'aamo, waana fursad wanaagsan inaan ku cusbooneysiino arrimahaas oo dhan ka hor Christmas-ka"
VIRUS-TA NEW SOUTH WALES
Birimiyeerka New South Wales, Dominic Perrottet, ayaa kuu talieyey inay dadku xirtaan face mask-ka marka ay joogaan meel dusha ka xidhan (gudaha) oo aanay ku dhaqmi karin kala fogaanta bulshada, isaga oo laakiin ka gaabsaday in uu sharciyeeyo.
Hay'adda caafimaadka New South Wales ayaa dadka reer NSW kusoo rogtey inay meel kasta oo gudaha ah ku xidh-dhaan face mask-ka
Gobolka ayaa maanta laga diiwaan geliyay 2,501 oo keysas cusub ah, iyada oo ay cisbitaalladana coronavirus darteed u jiifaan 261 qof, taasoo laba maalmood gudohood kor u kacday 55 boqolkiiba.
Mr Perrottet ayaa sheegay in ay ku xiran tahay dadka in ay gutaan mas'uuliyaddooda shakhsi.
Hadalkiisiina waxaa ka mid ahaa:
"Waxaannu had iyo jireen dareen-celintayada ku aaddinaynaa xaaladaha na hor yaalla. Waxaannu kugula talinaynaa inaad face mask-ka ku xidhato meelaha aadan ku dhaqmi karin kala fogaanta bulshada. Waxaa la gaadhay waqtigii qofku mas'uuliyaddisa qaadi lahaa"
SHAQO-JOOJIN, TAREENNADA SYDNEY
Wadayaasha tareennada Sydney ayaa shaqo-joojin samayanaya laga bilaabo 8-da ee caawa illaa 4-ta subaxnimo ee berrito.
Hay'adda gaadiidka New South Wales ayaa ka digtay in socodka tareennadu gaabis noqon doono laga bilaabo 6-da galabnimo iyadoo ay suurto gal tahay dadkii raaci jiray bad-xidhmaan
Basas ayaa bedeli doona tareennada inta lagu jiro shaqo joojinta, laakiin rakaabka Sydney ayaa lagu dhiirigelinayaa in aanay safrin.
QUEENSLAND
Queensland ayaa maanta laga halay 59 caabuq oo COVID-19 ah. Sarkaalka sare caafimaadka, Doctor Gerard-na wuxuu sheegay inay caabuqyadan cusub badankoodu yihiin noocan coronavirusta xuub siibatey ee Omricaon
Wuxuuna yiri:
"Waxaa cad inay Omricon kusoo badanayso Quensland. Illaa hadda 43 keys oo Omricon ahaa ayaa laga xaqiijiyey Queensland. Dadkii shalay la baadhayna waxaa laga helay 13 Omricon ah iyo 8 Delta ah"
Birimiyeeradda, Annastascia Palaszczuk, ayaa iyaduna dadweynaha Queensland u sheegtay inay mar kasta oo ay gudaha ku jiraan, suurto galna ay tahay xidh-dhaan face mask.
Waxayna tidhi:
''Waxaannu aad ugu talinayanaa inaad face mask ku xidhato meeshii gudaha ah. Ma sharciyeynayno, laakiin face maskayga waan xidhanayaa mar kasta oo aan gelo ama aan kasoo baxo maqaaxi, marka aynu maqaaxida fadhiisannona waynu iska furi karnaa. Tani waa uun taxadder dheeraad ah illaa inta aynu ka gaadhayno tallaal buuxa oo boqolkiiba 90 ah''
SOUT AUSTRALIA
South Australiyana waxaa maanta laga diiwaan geliey 105 keys oo COVID-19 ah, waxaana coronavirus darteed cisbitaal u jiifa shan qof.
UN ROHINYA
Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan xaaladda xuquuqul insaanka ee Myanmar, ayaa sheegay in beesha caalamku ay xannibto ilaha dhaqaalahu ka soo galo ciidamada Myanmar si looga fal celiyo xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha.
Tom Andrews, ayaa booqasho ku jooga Bangladesh oo hoy u ah 1.1 milyan oo qaxooti Rohingya ah, kuwaas oo ka soo cararay cadaadis iyo rabshado ka dhacay dalka Myanmar Ogosto 2017kii.
Mr Andrews ayaa sheegay in ay tahay in beesha caalamku wax badan ka qabato dhaqaalaha ay siiso ciidamada Myanmar oo lagu eedeeyay dambiyo dagaal.
Mr Andrews wuxuu yidhi:
"Militeriyada waaweeyni waxay saadkooda iyo joogteyntooda ku bixiyaan lacag badan. Waxaanan filayaa inay beesha caalamku wax badan ka qaban karto sidii loo aqoonsan lahaa meesha ay ka imaanayso dhaqaalaha ku qulqulaya qasnadaha dawoladda militeriga ah, si ay gumaadka u sii wadaan"
Baadhitaan ay kafaalo qaadday Qaramada Midoobay sanadkii 2018-kii ayaa lagu soo saaray in dacwad lagu soo oogo taliyayaasha ciidamada Myanmar oo lagu eedeeyey xasuuq, dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah bini’aadantinimada oo ay uu geysteen dadweynaha Rohingya.
DOORASHADA HONG KONG
Musharixiinta taageersan Beijing ayaa guul ka sheegtay doorasho muran badan dhalisay oo ka dhacday Hong Kong taasoo noqotay codbixintii ugu hooseysey ee magaalada ka dhacda.
Waxayna ahayd doorashadii ugu horreysay ee Golaha Sharci-dejinta tan iyo markii Shiinuhu uu wax ka beddelay nidaamka doorashada Hong Kong, is-beddeladaa oo ay ku jireen waxa loogu yeero qaraarka "wadaniyada" kaas oo u oggolaanaya Shiinaha inuu musharrax kasta kuu sameeyo baadhintaan qoto dheer.
Kaliya 20 ka mid ah 90-ka kursi ayay si toos ah ay u doorteen codbixiyayaashu.
Saraakiisha ayaa sheegay in 30.2 boqolkiiba codbixiyayaashu ay ka qayb qaateen doorashada.
SAADAASHA HAWADA - TALAAdO 21/12/2021:
Perth Qorrax, 30
Adelaide Inta badan qorrax, 27
Melbourne Inta badan qorrax, 26
Canberra Qorrax, 29
Sydney Qayb ahaan daruur, 29
Brisbane Qayb ahaan daruur, 32
Darwin shuuxyo iyo duufaan suurto gal ah, 33
SARRIFKA LACAGAHA
Maanta oo Isniin ah doollarka Australia waxaa lagu sarrifayey 71 sent oo dollarka Maraykanka ah.