Warkii Isniinta 31 May 2021

Gobolka Victoria ayaa 24kii saacadood ee tegey bulshada laga dhex helay 11 keys oo cusub oo COVID-19 ah, taasoo tirada guud ee la xaqiijiyey ka dhigtay 51. Xisbiga mucaaradka ee Labour-kuna waxay dowladda ku dhaliileen inay oggolaatay inay shaqaalaha ka shaqeeya goobaha dadka da'da weyn lagu xannaaneeyo ay ka shaqayn karaan goobo kale, taasoo hore loo joojiyey sanadkii hore, si loo xakameeyo fiditaanka coronavirus-ta.

SBS Somali News

Warka Khamiis - 10 Maarso 2022 Source: SBS

 Xisbiga mucaaradka ee Labourka ayaa walaac ka muujiyey sida dowladdu u oggolaatay in shaqaalaha ka shaqeeya goobaha daryeelka dadka da’da weyni ka shaqayn karaan goobo badan oo kala dowan, taasoo keeni karta halis caafimaad oo daran.

Gobolka Victoria ayaa laga xaqiijiyey 11 keys oo COVID-19 ah oo cusub oo laga helay bulshada dhexdeeda 24kii saacadood ee lasoo dhaafay, taasoo tirada guud ee keysaska lala xidhiidhiyey dib-u-qaraxa ka dhigtay 51.

Walaaca ayaa la muujiyey ka dib markii ay soo baxday in qof labaad oo shaqaale ka ah goob dadka da’da weyn lagu xannaaneeyo laga helay caabuqa COVID-19 isagoo ka shaqaynayey goobo kala duwan.

 Waxaa kale oo isna laga helay caabuqa qof labaad oo ka mid ah dadka da’da weyn ee lagu xannaaneeyo goobtaas.

 Af-hayeenka caafimaadkaa ee labour-ka, Mark Butler, ayaa sheegay in dowladdu mus’uuliyaddeeda qaaddo halista caafimaad ee kasoo baxday dhacdooyinkaas.

 

Af-hyaeenkuu wuxuu yidhi:

“Waxaannu aragnay qof shaqaale ah, sida aan u fahmay, oo ka shaqaynayey goobta xannaanada dadka da’da weyn ee xaafadda Maidstone ku taalla, inuu ka shaqeeyey goob kale oo taa la mid ah, taasoo khatar gelinaysa dadka goobta labaad deggan. Dowladdu waa inay qeexdaa sababta ay ugu malaynayso in halistii yaraatay, oo ay uga noqotay xayiraaddii sannadkii hore lugu soo rogay ee ahayd in shaqaalaha goobahaas oo kale aanay ka shaqayn karin goobo kale” 

 Ganacsada gobolka Victoria iyo ururradooda ayaa ugu baaqay dowladda federaaliga ahi inay siiso kaalmo dhaqaale inta lagu jiro xayiraadda dhaqdhaqaaqa iyo ganacsiga ee Victoria, iyadoo cabsina laga qabo in muddada xayiraadda lasii dheereeyo, tirada keysas-ka caabuqa bulshada oo sii kordhyasa awgeed.

 Iyadoo gobollada qaarkood xuduudaha si ku-meel-gaadh ah ugu xidh-dheen Vicotoria, ayay dhinaceeda Birimiyeeradda gobolka New South Wales, Gladys Berejicklian sheegtay inay xuduuddooda Victoria furnaan doonto.

 Birimiyeeradda ayaa intaa ku dartay inay Xaaladda Victoria tahay mid walaac leh, dadka reer New South Wales-na uga digtey inay u socdaalaan Victoria.

Birimiyeerad Gladys, ayaa dhibka Victoria ku macnaysay mid caqligeeda ka weyn, waayo bay tidhi, dadka reer Victoria dhibkani waa kusoo noqnoqday isagoo noloshoodii carqaladeeyey.

Guud ahaanna Austraalia, in ka badan afar malyan oo qof ayaa illaa hadda qaatay tallaalkoodii koowaad ee COVID-19. Toddobaadkii tegey oo keliya waxaa is tallaalay in ka badan 600, 000 oo qof.

 

Wasiirka caafimaadkaa heer federal, Greg Hunt, ayaa mar uu hadlayey yidhi

“Qof kasta oo tallaalkii koowaad qaatay, waa inuu u soo noqdo tallaalka labaad 12 toddobaad ka dib. Tallaalka hore waa lagama maarmaan, sida ay Professor Murphy iyo Paula Kelly, xaqiijiyeen. Wuxuu bixiyaa difaaca inta badan, waxaannuna rabnaa in qof kasta oo Australian ahi tallaalka u qaato sida ugu dhakhso badan”

Ra’siisal wasaare Scott Morrison, oo socdaal shaqo ku jooga New Zealand ayaa la kulmay dhiggiisa New Zealand, Jacinda Arden. Waxyaalaha ay ka wada hadleenna waxaa ka mid ahaa, in dalladda isu-socodka ee lagu heshiiyey inta safmareenku socdo, lagu fidiyo waddamada iyo jasiiradaha Pacifigga la isku yidhaahdo, markii ay ammaan noqoto.

 

Saadaasha Hawada – Talaado 01 June 21 

Perth                          Qayb ahaan daruur, 19

Adelaide                     Qayb ahaan daruur, 20

Melbourne                Qayb ahaan daruur, 17

Hobart                        Qayb ahaan daruur, 16

Sydney                       Inta badan qorrax, 20

Brisbane                     Inta badan qorrax, 23

Darwin                       Inta badan qorrax, 31

 

 sarrifka lacagaha

 Halkii doollar ee Australian ah maanta waxaa lagu sarrifayey  0.77 doollarka maraykanka ah

 

 

 

 


Share

Published

Presented by Abdinur Ismail

Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand