Wasiirada caafimaadka Victoria Jenny Mikakos ayaa iska casishay jagadii wasiirnimada iyo baarlamaanka kadib baaritaanka lagu wado barnaamujkii karantiilka hoteelka.
Ms Mikakos ayaa sheegtay in marka la fiiriyo hadalkii Premierku ka sheegay dhagaysiga baaritaanka shalay aysan ku sii jiri karin golaha wasiirada.
Waxay sheegtay in la doonayay in sharafteeda wax loo dhimo.
Daniel Andrews ayaa baaritaanka karantiilkii hoteelada u sheegay in masuuliyada barnaamujku ay gabi ahaanba la taalay wasaaradeeda.
Ms Mikakos ayaa sheegtay in inkastoo ay jireen qaar ka mid ah hadalka premierka laakiin iyadu ay ugu danbaynta masuul ka ahayd barnaamujka.
Markuu hor tagay gudiga ayuu Mr Andrews ku biiray liis dheer oo wasiiro iyo saraakiil caafimaad oo sheegi waayay cida gaartay go'aanka lagu shaqaaleeyay shirkad gaar loo leeyahay oo waardiyeyaal looga dhigay hoteelada dadka lagu karantiilay.
Ms Mikakos ayaa raligalin siisay shacabka Victoria.
"Waxaan doonayaa inaan u cadeeyo qofkasta oo reer Victoria ah inaan aad uga xumahay wixii dhacay, aana siiyo raaligalin sax ah dhamaan reer Victoria," ayay tiri Ms Mikakos.
COVID-19 ka dilaacay hoteeladii dadka lagu karantiilayay ayaa lala xariirinayaa 99% kaysaska coronavirus ee Victoria ka dilaacay markii labaad.