Explainer

Booqashada Sergey Lavrov ee Afrika iyo waxa ay daarantahay

Wasiirka arimaha dibada ee Ruushka ayaa booqasha ku maraya wadama dhowra oo ka tirsan qaarada Afrika. Booqashadan ayaa ujeedkeeda lagu sheegay in Ruushku uu doonayo in xidhiidhadiisa Afrika uu sii xoojiyo.

Homeland Report in Macedonian 25 July 2022

Russia's Foreign Minister Sergei Lavrov Source: AAP, SIPA USA / AAP Image/Russian Foreign Ministry Press Service/TASS/Sipa USA

Wasiirka arimaha dibada ee Ruushka Sergey Lavrov ayaa maalintii Arbacada ahayd (08/02/2023) gaadhay caasimada wadanka Suudaan Khartuum, tanoo ah booqasha rasmiya oo laba maalmooda uu kusoo gaadhay wadanka Suudaan.

Lavrov oo kasoo dagay garoonka diyaaradaha ee Khartuum ayaa waxaa soo dhaweeyey dhigiisa wadanka Suudaan Cali Alsaadiq.

Wasiirka ayaa u yimid in uu kulama kala duwan la yeesho madaxda wadanka Suudaan, oo uu u horeeyo dhigiisa wasiirka arimaha dibada, isagoo sidoo kalena la kulmi doon madaxa Golaha Hogaanka Kumeelgaadhka ah ee Suudaan ka taliya Abdilfataax Alburhaan.

Ruushka ayaa horay usoo bandhigay dmaciisa istiraatiijiyadeed ee ahaa in uu saldhig ciidan ka samaysto wadanka Suudaan, damacan oo biloowday sanadii 2020, balse sida la sheegay waxa uu kusoo beegmay wadanka suudaan oo xaalad siyaasadeed oo cakiran ku jira, iyadoo hogaankii ciidanka ee Albashiir xukunka kala wareegay ay si taxadar leh dhinacyada is diidan (Maraykanka iyo Ruushka) ula macaamilayaan, iyagoo dareensan in xaalada suudaan ayna xamili karin in ay qaadaan talaaba ayna hubin natiijadeeda, iyagoo dareensanaa markaas in heshiis baaxadaa leh oo ay Ruushka la galaan in uu ree galbeedka si gaara Maraykanka ka cadheysiinayo, taas oo ka dhigtay damicii ruushka in uusan wali aqbalaad helin.

Lavrov ayaa daneynaya xoojinta xidhiidhada dalalka qaarada Africa uu Ruushku la leeyahay, isagoo kasoo kicitamay wadanka Mauritania, markii horana kusii horeeyey wadanka Mali.

Ruushka ayaa haatan ku jira furin-dagaal oo culays uu ka dareemayo kadib markii Maraykanka iyo wadama badan oo bahda ree Europe ah ay bilaabeen in ay taageera xoog leh siinayaan wadanka Ukraine oo ay ka mid tahay taageera ciidan.

Sidoo kaleete Lavrov ayaa dabayaaqadii bishii January booqasha ku maray wadama Afrika ah oo Eretria ka mid tahay, halkaas oo Lavrov uu magaalada Asmara kula kulmay madaxweynaha wadanka Eretria Isaias Afwerki.

Dawlada Eretria aya ka mid ahayd wadama shan ah oo diiday go’aankii Qaramada Midoobay ee bishii March 2022 loogu codaynayay eedaynta duulaanka Ruushka ee Ukraine, iyadoo sida la ogyahay Afwerki ay waqti horaba kala furteen xidhiidhada reer galbeedka.

Quwadaha waaweyn ee dunida saameynta ku leh (sida Maraykanka, Shiinaha iyo Ruushka) ayaa ku baratamaya balaadhinta xulafadooda ay ku leeyihiin qaarada Afrika, iyadoo ay muuqanayso siyaasadahaas is diidan ee ay kala wataan ayna ku doonayaan in ay qaarada midiba tan kale kaga miisaan badato, tanoo u adeegaysa danaha gaarka aha ee ay leeyihiin.

 



Share

Published

Updated

By Mohamed A Madar.
Source: SBS

Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand