Weerarkii Hotel Hayaat

Weerakii hotel Hayaat oo noqday kii ugu waqti dheera isagoo oo socday mudo 30 saacadood ah

Security forces patrol near the Hayat Hotel after an attack by Al-Shabaab fighters in Mogadishu.jpg

Security forces patrol near the Hayat Hotel after an attack by Al-Shabaab fighters in Mogadishu on August 20, 2022.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in weerarka lagu qaaday hotel Xayaat ee magaalada muqdisho oo socday mudo 30 saacadood ah la soo afjaray.

Weerarkan ayaa ahaa weerarkii ugu muddada dheeraa.


Taliyaha booliska Soomaaliya Cabdi Xasan Maxmed (Xijaar) ayaa warbaahinta u sheegay inay dad ka badan 100 qof ay ka soo badabaadiyeen hotelka.

Wararka ayaa sheegaya in ugu yaraan 20 qof ay ku dhinteen weerarkan mudada dheer socday.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka.


Cisbitaalada Digfeer iyo Madin ayaa sheegay in dad badan oo dhaawac ah la keenay cisbitaalada iyadoo qaarkood xaaladoodu liidato. Tidada dadka dhaawaca ah ayaa lagu sheegay inay 40 kir u dhaafayaan.

Weerarkan ayaa noqonaya kii u horeeyay ee noociisa ah oo kooxdan ay qaado wixii ka danbeeyay intii la doortay Madaxweynaha cusub Xasan Sheekh Maxamuud bishii May 15.

Al-Shabaab ayaa dagaal muddo dheer dagaal kula jirtay dowladda Federaalka.


Share

Published

By Hassan Jama
Source: SBS

Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand