Xaflada Sharci qaadashadu waa talaabada oogu danbaysa ee aad Sharciga Australia aad ku qaadanayso. Marka codsigaaga sharci qaadashada la ogolaado, waxaa sharci ahaan lagaaga baahanyahay in aad kasoo qayb gasho xaflada sharci qaadashada, si aad u samayso "Dhaarashada Sharci qaadashada Australia".
Waxa aad u baahantahay in aad ogaato
Xaflada waxaa lagu qaban goobta golahaaga maxaliga ah, sida caadada ah lix bilood kadib marka la ogolaaday codsigaadii. Waxaad helaysaa warqad laguugu marti qaadayo, oo ka socota golahaaga maxaliga ah, ama Wasaarada Arimaha Gudaha.
Hadii aadan kasoo qayb galin xaflada mudo 12 bilood gudahooda marka codsigaaga la ogolaado adigoon haysan sabab caqli gala, codsigaada waxaa dhici karta in dib u eegis lagu sameeyo kadibna la diido.
Sidee la isugu diyaariyaa.
Waxaad ku casuumi kartaa xaflada saaxiibadaa iyo qoyskaaga. Waxaa laga yaabaa in ay koobnaadaan dadka aad marti galin karto, taas oo ay lagama maarmaan tahay in lagu sheego warqada laguugu casuumay. Caruurtaada waxaa laga yaabaa in ayna kula fadhiisani Karin adiga, sidaa daraadeed waa in qof kale uu kula socdaa, si uu u ogaado caruurta. Martidaada kula socoto waxaa loo ogolyahay in ay sawiro qaadaan waqtiga xaflada.
Hadii aad baahi gaara qabto, waxaad ku war galin kartaa waaxda arimaha gudaha in ay ogaato waqtiga balantaada sharci qaadashada, ama waxaad wici kartaa taleefoonka qaybta Xogta ee Sharci Qaadashada ee" 131 880 ".
Soo qaado warqadaadii casuumaada iyo taysaro rasmi ah oo sawir wadata, sida Laysanka darawalnimada ama basaborka.
Ma jiro wax dhara oo rasmi ah oo lagaa rabo in aad soo xidhato maalintaas, balse Wasaarada Arimaha Gudaha waxa ay ku talinaysaa in aad soo xidhato dhar labis caadiya oo qurxoon, aadna timaado goobta munaasabada nus-saac ka hor, si aad waqti oogu hesho in aad is diiwaan galiso.

Prime Minister Malcolm Turnbull poses for a photo with new Australian citizens at an Australia Day Citizenship Ceremony in Canberra, Thursday, Jan. 26, 2017. Source: AAP
Xaflada.
Xaflada Sharci qaadshada, caada ahaan waxa ay qaadataa hal ilaa labo saac. Waxaa jira arimo hor dhaca oo rasmi ah, khudbooyin iyo hadalo la jeediyo ka hor dhaarshada sharci qaadashada.
Sargaalka wax dhaarinaya ayaa ku waydiin doona in aad ku celcelisid dhaarta. Laba nooc ayaa jira dhanka dhaarashada, mid waxaa lagu dhaaran Alaah, mida kalena waxaad dhaaran adiga oon Alaah sheegin. Waxaad ku celcelin doontaa labadaa dhaar mida aad dooratay markii aad codsigaada buuuxinaysay.
In aad dhaarataa, waa qayb ka mida in aad masuuliyad qaaday, waqtiga talaabadaadii oogu danbaysay ee aad muwaadinka ku noqonaysay.
Muhimaduna waxa ay tahay in aad ku dhaaranayso daacadnimada Australia adigoo aqbalaya masuuliyada, iyo sharfta ahaanshaha muwaadin Australiana. Waana sidoo kale baaq ah in qofku uu noqday xubin firfircoon oo bulshada ka mida
Markii aad dhaarta samayso, waxa aad noqotay muwaadin Australian ah. Waxaana la daaraa heesta calanka Australia dhamaadka xaflada.
Waxaa lagu siinayaa shahaadada muwaadinimada, hubso in macluumaadka ku qoran dhamaan ay sax yihiin, kadibna meel wanaagsan ku kaydso, waxaad u baahan doontaa markaad codsanayso baasaborka Australia.

An Australian citizenship recipient holds his certificate during a citizenship ceremony on Australia Day. Source: AAP
Kadib Xaflada.
Waxaa jiri doono waqti sawiro la isla qaato, iyo xoogaa fudud oo cabitaana ama cuno ah oo la isku kululeeyo. Mararka qaar waxaa laga yaabaa in aad hadiyad ka hesho dhinacyada xaflada qabanqaabiyay, sida dhirta Australia ka baxda oo kale.
Waxaa sidoo kale fursada laguu siin in aad magacaaga ku darto liiska codbixiyaasha Australia, si aad u codayso doorashada xigta. Maadaama oo ay doorashada Australia ay laasim tahay, waxaad laba mid samayni kartaa, in aad goobtaas isku diiwaan galiso, iyo in aad qaadato forms, oo aad guriga ku buuxiso.
Waxaa kaloo aad markaas xaq u leedahay in aad codsato baasaborka Australia.
Wixii xoga dheeraada oo arimahan khuseeya waxaad ka heli kartaa halkan.
Xoga Mihiima.

Mark Alcorn of Ireland celebrates receiving his Australian citizenship at a citizenship ceremony on Australia Day in Brisbane Source: AAP
Citizenship Information Line: 131 880 Between 8.30am and 4.30pm Monday to Friday