Will 18 jir ah ayaa dhintay mid kale ee dhalinyaro ahna cibitaalka ayaa la geeyay kadib labo dhaco oo mindiyn ah oo ka dhacday Melbourne 10 saacadood gudohood.
Adeegyada Degdega ee Booliska iyo Ambalaasta ayaa loogu yeeray xeebka caanka ah ee St Kilda ku dhawaad 7:30 fiidnimo Axadii kadib markii halkaas lagu arkay wiilal dhalinyaro ah oo ku dagaalamaya xeebta.
Booliska ayaa baaraya dhacdadan oo ay goobjoog ka ahaayeen dad badan oo ku sugnaa xeebta waqtigaasi.
Willka 18 jirka ah ee deganaa xaafadda Tarneit ayay hay'adaha adeegyada degdega ay soo gaareen isaga oo aan dhaqaaq lahayn dhaawac mindina qaba meel ku dhow wadada Pier Rd, waxaan loo qaaday cisbitaalka Alfred halkaas oo uu ku geeriyooday.
Goob joogayaal ku sugnaa xeebta ayaa warbaahinta u sheegay inay arkeen dad dagaalamaya kadibna goobta ka cararay. Xeebta ayay dad badani ku sugnaayeen maadaama ay ahady Axadii ugu horaysay waqtiga kulaylayha xagaaga (summer).
Muuqaalo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya dad ku soo xoomay aag boolisku xiray kadib dhacdada iyada oo sidoo kalana la maqlayo sawaxanka ama seeriga gawaarida booliska iyo ambalaasyada.
Nigel L’Estrange oo ka mid ah baarayaasha danbiyada dilalka ah oo ka tirsan booliska Victoria ayaa sheegay in qaar ka mid ah dadweynuhu ay goobjoog ka ahaayeen weerarka ayna markiiba gargaar degdeg ah u fidiyeen wiilka la mindiyeeyay.
“Waxaan aaminsanahay in dhacdadan ay ka dhalatay dagaal dhexmaray ku dhawaad shan ama lix rag African ah, tiro mindiyo ahna la isticmaalay,” ayuu yiri L’Estrange.
Booliska ayaa la hadlay qaar ka mid ah dadkii goobjoogayaalka ahaa laakiin wali ma aysan magacaabin cida ay raadinayaan.
L’Estrange ayaa intaa ku daray inaysan jirin wax cadaynaya in la yiraahdo kooxo burcad ah (gangs) ayaa ku lug leh dhacdadan.
Booliska ayaan ka hadlin nooca mindi ee loo isticmaalay weerarkan laakiin wuxuu xaqiijiyay in la helay hubkii lagu dilay wiilka.
Qaraabada wiilka 18 jirka ah ee dhintay ayaa SBS Somali u xaqiijiyay inuu ahaa wiil Soomaali-Australian ah.
Dhacdadan ayaa imanaysa iyadoo wiil kale oo 25 jir ahaa la dilay bishii October 16 keedii sanadkan. Iyadoo dhalinyaro badan oo Soomaali ah lagu soo oogay dacwooyin la xariira dilka wiilkaas.