Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE

Wild Brawl in Melbourne

Police are still investigating the brutal brawl.
Police are still investigating the brutal brawl. Source: Sunrise

Wiil dhalinyaro ah ayaa la xiray kadibse la siidaayay kadib dagaal gacanta laysula tagay oo ilaa 200 qof lug lahayd oo ka dhacay xaafad Melbourne ku taal. Rabshadaas ayaa waxaa dhaawac kasoo gaaray nin naftiisu qatar ku jirto kadib markii gaari lagu dhuftay.

Wiilka 18 jirkaa ayaa la xiray Axadii kadib markii boolisku baaray guri ku yaal xaafada Cranbourne. Rabshada ayaa ka dhacday hoteelka Gasometer oo ku yaal xaafada Collinwood.

18 jir gaari lagu dhuftay kadib labo gaari layskula qabtay ayaa xaaladiisu liidataa wuxuuna ku sugan yahay cisbitaal isagoo dhawac culus kasoo gaaray lug.

Hogaamiyaha mucaaradka Victoria ayaa sheegay in dawlada Victoria ee uu madaxda ka yahay Daniel Andrews ay dhibaato ka haysato sharciga iyo kala danbaynta.

Rabshadan ayay warbaahinta qaar sheegayaan inay ku lug lahaayeen dhalinyaro Africa kasoo jeeda iyo kuwo kasoo jeeda jasiiradaha Pacifiga iyadoo waayahan danbe dood la xariira danbiyo la sheegay inay galaan dhalintaasi ay socotay.

 


1 min read

Published

Updated



Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Stream now