Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE

Gudoomiyihii gobalka Tasmania oo iscasilay.

Premierka Tasmania ayaa iscasilay, kadib muda dheer oo uu ku jiray siyaasada Tasmania.

Tasmanian Premier Will Hodgman makes an address during the Tasmanian Liberals' State Conference.
Tasmanian Premier Will Hodgman makes an address during the Tasmanian Liberals' State Conference. Source: AAP

Will Hodgman ayaa shir jaraa’id ku shaaciyay in uu  iska casilay jagadii gudoomiyanimada gobalka Tasmania, iyo hogaamiya nimada Xisbiga Liberalka ee Australia.

Hodgman, ayaa sheegay in sababta uu isu casilayo ay tahay in uu rabo in qoyskiisa uu waqti la qaato, isagoo sheegay in ay reerkiiisa saamaysay mudadii dheereyd ee uu siyaasada ku jiray.

Will Hodgman, ayaa markiisii oogu horaysay sanadii 2002 loo doortay xubin  ka tirsan baarlamaan gobalka Tasmania, isagoo loo doortay Hogaamiyaha Xisbiga Liberaalka ee Tasmania 2006.

Doorashooyinkii  Tasmania ee 2018 ayaa Mr Hodgman uu noqday Premierkii labaad ee Xisbiga Liberalka ee mar labaad dib loo doorto gobalka Tasmania.

Kuxigaha Gudoomiyaha Xisbiga Liberalka ee Tasmania  Jeremy Rockliff, ayaa si ku meelgaadha usii wadi doono hawlaha primierka iscasilay, tan iyo inta ay Xubnaha Xisbiga Liberalka Tasmania ay ka dooranayaan hogaamiye cusub.


1 min read

Published

Updated




Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Watch now