Will Hodgman ayaa shir jaraa’id ku shaaciyay in uu iska casilay jagadii gudoomiyanimada gobalka Tasmania, iyo hogaamiya nimada Xisbiga Liberalka ee Australia.
Hodgman, ayaa sheegay in sababta uu isu casilayo ay tahay in uu rabo in qoyskiisa uu waqti la qaato, isagoo sheegay in ay reerkiiisa saamaysay mudadii dheereyd ee uu siyaasada ku jiray.
Will Hodgman, ayaa markiisii oogu horaysay sanadii 2002 loo doortay xubin ka tirsan baarlamaan gobalka Tasmania, isagoo loo doortay Hogaamiyaha Xisbiga Liberaalka ee Tasmania 2006.
Doorashooyinkii Tasmania ee 2018 ayaa Mr Hodgman uu noqday Premierkii labaad ee Xisbiga Liberalka ee mar labaad dib loo doorto gobalka Tasmania.
Kuxigaha Gudoomiyaha Xisbiga Liberalka ee Tasmania Jeremy Rockliff, ayaa si ku meelgaadha usii wadi doono hawlaha primierka iscasilay, tan iyo inta ay Xubnaha Xisbiga Liberalka Tasmania ay ka dooranayaan hogaamiye cusub.