Xaaladda COVID-19 ee gobolka NSW

More than five million people in Greater Sydney and its surrounds have gone into a 14-day lockdown as health authorities try to regain control of a coronavirus outbreak.

NSW Premier Gladys Berejiklian Source: AAP

Premierada New South Wales Gladys Berejiklian ayaa sheegtay in xanibaadaha Sydney saaran ay shaqaynayaan, inkasta oo gobolka laga helay 18 kays oo cusub oo COVID-19 oo ah kuwo bulshada dhexdeeda la isku qaadsiiyay.
 
Waxay sheegtay inaan la sii saadaalin karin in xanibaadaha la sii kordhindoono iyo inkale marka la gaaro Jimcaha laakiin waxay rajaynaysaa inay go'aanka qaadida xanibaada lagu dhawaaqidoono markii kaysaska barito la shaaciyo.
 
Waxayna ugu baaqday in dadka deggan gobolka inay sii kordhiyaan tirada dadka iska baaraya xanuunka gaar ahaan dhalinyarada.
 
"Xalay NSW waxaa laga diiwaan galiyay 18 kays oo gobolka gudihiisa la isku qaadsiiyay. 11 ka mid ah waxay ahaayeen dad gabi ahaanba karantiilnaa halka 5 ka mid ah qayb ahaan karantiilnaayeen. Nasiibdaro labo ka mid ah iyagoo xanuunka qaba ayay bulshada ku dhex jireen," ayay tiri Ms Berejiklian.
 
Madaxa Caafimaadka Gobolka NSW Kerry Chant ayaa sheegtay in dadka deggan Galbeedka Sydney looga baahan yahay inay feejignaadaan ayna is baaraan. Waxaana la xasuusinayaa in dadka talaalka labaad uu u haray oo waqtigooda la gaaray ay balan dhigtaan si ay u qaataan talaalkooda labaad.
 
 

Share

Published

Updated


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand