Shacabka Australian w wajahayaan xafladaha dabaaldega sanadka cusub oo ah kuwo hoos loo dhigayo, iyadoo xanibadaaha coronavirus dalka intiisa badan lagu soo rogay.
Rashkii la ridi jiray ayaa meelo badan laga kansalay, iyadoo la xadiday martida guryaha isku booqan kara sidoo kalana dadka loo sheegay inaysan is shumin ama hab isa siin marka ay u dabaaldegayaan dhamaad sanad lagu tilmaamay inuu ahaa mid masiibo ahaa.
Halka waxaan idiin ku soo gudbinaynaa waxyaalaha la ogol yahay iyo kuwa la mamnuucay xanibaadaha awgood.
New South Wales
Ma jiri doono rashkii la ridi jiray 9 fiidnimo ee ka dhici jiray agagaarka Sydney Harbour, laakiin waxaa dhici doona rash waqti gaaban oo ka dhacay Harbout Bridge habeen barkii. Sida ugu fiican ee aad u daawan karto waa inaad TV ka daawato sababtoo ah dadka waa la xirayaa inay galaan dhamaan goobaha bartamaha magaalada ee loo bixiyay 'Green Zone'.
Waxaa kaliya oo gali kara aagaas dadka degan Green Zone-ka iyo dadka balansaday maqaayadaha goobahaas ama shaqaalaha ka shaqeeya.
Waxaa sidoo kale Green Zone ku dhexyaal Yellow Zone.
Galidda Yellow Zone laguma xadidin oo kaliya dadka degan iyo dadka soo booqonaya, laakiin haddii dad badan ku kulmaan booliska ayaa kala diraya sida laga soo xigtay wasaarada caafimaadka NSW.
Haddii aad ku nooshahay Magaalo Waynta Sydney ( oo ay ku jiraan Wollongong, Central Coast iyo Blue Mountains) waxaa laguu ogol yahay oo kaliya inaad 5 qof ku casuunto gurigaaga oo ay ku jiraan caruurta.
Waxaa sidoo kale loo ogol yahay inay dibadda ku kulmaan 30 qof iyado hore tiradaas u ahayd 50.
Dadka degan qayba Woqooyiga fog ee xeebaha Woqooyi ee Sydney wali waxay ku jiraan awaamiir ah inay guryohooda joogaan ilaa ugu yaraan 9 Janaayo, hase yeeshee waxaa loo ogol yahay inay maalinta sanadka cusub ka horaysa ee 31 Janaayo 5 qof gurigooda ku casumaan oo ay caruurtu ku jiraan laakiin waa inay yihiin dad isla deegaankaas ku nool.
Dadka deggan dhanka koofureed ee xeebaha woqooyi waxaa loo ogol yahay inay gurigooda ku qaabilaan 5 qof oo ay caruurtu ku jiraan oo isla aagaas degan laakiin looma ogol marti uga timaada Magaalo waynta Sydney.
Baararka, maqaayadaha iyo meheradaha kale ee Xeebaha Woqooyi ayaa u furan oo kaliya in cuntada ama cabitaada laga qaato ee aan la fariisan karin.
Wixii ka baxsan Sydney kala soco golaha deegaanka ee meesha aad degan tahay si aad u ogaato qorshohooda iyo xanibaadaha ka jira.
Queensland
Rashkii Brisbane ee waynaa waa la kansalay, dhunkashada iyo hab siinta ayaa sidoo kale dadka laga taliyay inay sameeyaan.
“Dhamaanteen waa jecel nahay inaan sanadka cusub aan dadka noogu dhow shumino ama hab siino, waxaan ku talinaynaa inaad taas ku ekayso saaxiibada kugu dhow iyo qoyskaaga," ayay tiri madaxa caafimaadka gobolka,Dr Jeannette.
Dadku waxay guryohooda ku qaabili karaan ilaa 50 qof oo ay ku jiraan dadka guriga degan.
Waxaa sidoo kale la ogol yahay inay dibada ku kulmaan ilaa 100 qof.
Victoria
Laga bilaabo 5 galabnimo maanta oo ah Khamiis, 31 Disember reer Victoria waa inay xirtaan afduub markay meel gudaha u galaan oo ay ka baxaan gurigooda.
Reer Victoria waxaa loo ogol yahay inay gurigooda ku marti qaadaan 15 qof iyadoo laga yareeyay 30 hore loo ogolaa.
Shacabka reer Victoria oo ku sugan Wollongong ama Blue Mountains oo sarfray wixii ka danbeeyay 27 Disember waa inay kansalaan gabi ahaanba safarkooda ama waxay haystaan ilaa 11:59pm caawo inay ku soo laabtaan Victoria.
Dadka u soo safraya waa inay codsadaan ogolaansho ay ku soo laabtaan, ayna is baaraan 24 saacadood gudohood ayna is karantiilaan 14 maalmood.
Victoria waxay gabi ahaanba xiray xadka ay la leedahay NSW 1 Janaayo 11:59pm.
Rashkii sanadlaha ahaa ee Melbourne oo ka dhici jiray Yarra River ayaa la kansalay iyadoo dawlada gobolku ku boorisay shacabka inaysan tagin bartmaha magaalada CBD iyadoo dawladu sheegtay in dadka balansaday maqaayad iyo meherado kale loo ogolaanayo inay tagaan bartamaha magaalada.
Baararka, maqaayadaha iyo meheradaha kale sida kalaabyada lagu tunto ayaa furan laakiin tirada dadka tagi kara ayaa la xadiday.
Western Australia
Waxaa ka dhacaya qaybo ka tirsan rash laga bilaabo 8 fiidnimo-- liiska goobaha rashku ka dhacayo oo buuxa halkan riix.
Gobolkan ma jira xadidaad saaran tirada dadka kulmi kara, laakiin waa la raaco sharciga qofkiiba labo mitir oo isku wareeg ah.
South Australia
Rashkii Adelaide waa la kansalay laakiin waxaa lagu qabayaa golayaasha deegaanada Murray Bridge, Whyalla, Victor Harbour iyo Port Lincoln.
Furyaha waxaa loo ogol yahay inay ku kulmaan ilaa 50 qof, laakiin waa in la raaco sharciga qofkiiba labo mitir oo isku wareeg ah.
Ilaa 200 oo qof ayaa ku kulmi kara meherada lagu qabanayo xafladaha gaarka ah, haddii ay raacaan sharciga hal qof labadii mitir ee isku wareeg ah.
Tasmania
Hobart waxaaa rashka laga ridayaa 9.30pm iyo habaan barkii River Derwent. Sanadkaana rashka ayaa kor loo ridayaa si looga arko meelo fogfog oo aan hore looga arki jirin.
Tasmania waxaa ka jira sharciga labo mitir oo isku wareeg ah laakiin goobaha gudaha ku kulmi kara 250 qof ugu badnaan.
Dibadana waxaa ku kulmi kara, 1,000 qof.

Hobart City fireworks Source: Hobart City Council
ACT
Sanadkii labaad rash lagama ridayo Canberra (sanadkii la soo dhaafay waxaa loo kansalay dabkii kaymaha awgiis).
Taa badalkeeda dadka waxaa lagu boorinayaa inay ku dabaal degaan meherada xaafadohooda oo lagu sharaxay nalal loogu dabaal degayo sanadka cusub.
ACT ma laha xanibaado la xariira tirada dadka guryaha booqon kara.
Dadka dibada isugu imaan karaa ayaa lagu xadiday 500 oo qof laakiin waa la raaco sharciga qofkiiba labo mitir oo isku wareeg ah.
Northern Territory
Ma jiraan xanibaado lagu xadidayo dadka ku kulmi kara dibada ma gudaha NT laakiin waxaa dadka lagula talinayaa inay isu jirsadaan 1.5 mitir haddii aysan dad wada nool.