Xanibaadihii Victoria oo la qaadayo

Victorian Premier Daniel Andrews announces a Victoria lockdown during a press conference in Melbourne on Thursday.

Victorian Premier Daniel Andrews announces a Victoria lockdown during a press conference in Melbourne on Thursday. Source: AAP

Premierka Victoria Daniel Andrews ayaa ku dhawaaqay in xanibaadihii gobolka saarnaa la qaadayo marka la gaaro 11:59 caawa oo Talaado ah.
 
Shantii sababood ee guryaha looga bixi karay ayaa la qaaday, iskuuladuna dib ayaa loogu noqonayaa.
 
Dukaamada iyo maqaayadaha ayaa la furayaa iyagoo raacaya sharuucda kala fogaanta.
 
Waxaa wali mamnuuc ah in dadku guryahooda isku booqdaan.
 
Mr Andrew ayaa sheegay in arintaasi ay adag tahay laakiin ay lagama maarmaan tahay si loo xakameeyo faafka caabuqa.
 
"Waa fahansanahay inay dhib ku tahay in dadku aysan arkin qoyskooda ama saaxiibadood mudo asbuucyo ah. Laakiin waa ognahay in guryaha la isku booqdo ay yihiin meelaha xanuunku ku faafo. Marka maanta warar fiican ayaan dadka u sheegaynaa, laakiin waa la socdaa inuusan ahayn warka ay dadkoo dhan rabeen inay maqlaan laakiin danta ayaa qasabtay inaan xanibaadaha qaarkood wali sii wadno."
 
Victoria ayaa diiwaan galisay 10 kays oo cusub oo COVID-19 maanta, dhamaantoodna waa dad lala xariirinayo kaysas hore loo ogaa oo karantiilnaa intii ay xanuunka qabeen.
 
New South Wales waxay diiwaan galisay 172 kays oo COVID-19 ah oo 60 ka mid ah ay bulshada ku dhex jireen iyagoo xanuunka qaba.
 
Tiradan ayaa ah tii ugu badnayd laga soo bilaabo markii xanuunkan ugu danbeeyay uu ka dilaacay gobolka.
 
Premierada gobolka Gladys Berejiklian ayaa ka gaabsatay waxa dhici doona marka la gaaro dhamaadka bishan July oo ah marka xanibaadaha hadda jira ku egyihiin, iyadoo sheegtay in warar dheeraad ah dhawaaqi doonto barito.
 
"Laakiin tirada kaysaska ma joogaan halkii rabnay si aan u qaadno xanibaadaha? jawaabtu waa maya. Waxaan fiirinaynaa talada caafimaad iyo arimo kale oo ay tahay inaan ka fakarno. Waxaan ka codsanaynaa dadka inay sugaan ilaa aan go'aamada ku dhawaaqayno."
 


Share

Published


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand
Xanibaadihii Victoria oo la qaadayo | SBS Somali