Coronavirus-ka ka dilaacay melbourne ayaa 9 qof gaaray maanta oo Talaado ah kadib 4 kays oo cusub oo galabta la ogaaday taas oo tirada guud gaarsiinaysa 9.
Kaysaskan cusub oo COVID-19 ah ayaa laga helay Melbourne kaas oo ka baxsan afartii shalay oo Isniin ahayd la helay.
Dawlada gobolka ayaa soo rogtay xanibaado dheeraad ah oo ay ku jiraan in Mask la xirto markasta oo aad meel gudaha ah ku jirto iyo sidoo kale in la yaraynayo tirada dadka meel bablig ah ku kulmi kara.
Qofka laga helay maanta ayaa ah in 60 meeyo jir ah oo ay maamulayaasha caafimaadku sheegeen in lala xariirinayo qoys xanuunku ku dhacay oo deggan xaafada Whittlesea.
Sii hayaha Premier-ka Victoria James Merlino ayaa sheegay in ninkan uu yahay qof la kulmay qoyskiixanuunka shalay laga helay laakiin wali baaritaanku socdo.
Mr Merlino ayaa ku dhawaaqay sharuuc cusub oo uu sheegay inay dhaqan galayaan caawa oo Talaado ah fiidkii.
"Laga bilaabo 6 caawa, guryaha dadka waxaa isugu imaan kara 5 qof oo kaliya, goobaha dadweynaha waxaa isugu imaan kara ugu badnaan 30 qof, afdaboolka wajiga (mask) waa in la xirtaa markasta oo meel gudaha lagu jiro. Arintan waxaa looga danleeyahay in baarayaasha dabasocda kaysaskan la siiyo waqtiga ay u baahan yihiin inay kusoo afjaraan," ayuu yiri Mr Merlino.
Iskuulada iyo goobaha shaqada ayaa wali furan, shacabka deggan magaalo waynta Melbourne way u safri karaan qaybaha kale ee gobolka.
Waxaa sidoo kale la soo bandhigay 10 goobood oo kale oo ay booqdeen dadka xanuunka laga helay.
Woolworths Epping North, 'Jump!' Swim Schools Bundoora iyo Highpoint Shopping Centre goobaha heerka koowaad.
Futsal Brunswick, Epping North Shopping Centre, House and Party at Epping, Urban Diner Food Court at Pacific Epping Shopping Centre, Shells Coles Express Reservoir and B.T. Connor Reserve waa goobaha heerka labaad, labada heerba cidii booqtay waa inay is ka baaraan xanuunka ayna is-karantiilaan ilaa jawaabta ay ka hela.
Nooca COVID-19 ee laga helay Melbourne oo ah B-1-6-1-7, ayaa la mid ah nooc markii u horaysay Hindiya laga helay.
Sarkaalka ugu sareeya caafimaadka Victoria Brett Sutton ayaa sharaxay sababta taas ay walaac u leedahay.
"Nooca Hindiya waa mid markuu ugu yaraado u faafa sida noocyada aad looga walwalo oo hore loo sheegay. Noocaan laftiisa ayaa 15 jeer is badbadaly, labo ka mid ahna waxaa looga baqayaa inuu aad u faafo. Ma aha inan is dhigano."
Baaritaano la sameeyay ayaa lagu xaqiijiyay in dhamaan shantan kays ay xariir la leeyihiin kayskii Wollert oo ka bilowday nin laga helay COVID-19 kadib markuu ku karantiilnaa hoteel ku yaal Adelaide SA.
Wasiirka Caafimaadka Victoria Martin Foley ayaa ugu baaqada dadka inay raacaan awaamiirka cusub ee la soo rogay.
"Reer Victoria hore ayay u soo mareen tan. Waa awaamiir ku haboon xaalada jirta, waa qorshayaal amaankeena lagu sugayo. Hore ayaan u soo marnay, waana naqaan sida looga baxo markaa waa inaan ka adkaano," ayuu yiri Mr Foley.