Xanibaado mar kale lagu soo rogay Melbourne

Victorian Premier  Daniel Andrews

Victorian Premier Daniel Andrews Source: AAP

Qof shaqaale ah oo ka shaqaynayay karantiilka hoteelada ayaa laga helay COVID-19 gobolka Victoria, taasoo keentay in dawladu soo celiso xanibaadihii adkaa.

Ninkan oo ah 26 jir deggan xaafada Noble Park ayaa la shaqaynayay barnaamujka taageerida dadka karantiilan.

Waxaa xanuunka laga waayay markii la baaray isagoo dhamaynayay shaqadii maalinta isagoo ka shaqaynayay hoteelka Grand Hyatt 29 bishan Febaraayo laakiin wuxuu maalmo kadib dareemay calaamadaha lagu garto xanuunka markuu is baarayna waa laga helay xanuunka.

Xanibaadaha cusub ee la soo rogay waxaa ka mid ah in dadka guryaha booqan kara lagu xadiday 15 qof iyo in afduubka qasab yahay inaad xirato markasta oo aad meel xiran ama gudaha ah gasho halka qorshe lagu doonayay in shaqaalaha xafiisyada 75% ay dib ugu noqdaan la hakiyay.
 
Premier Daniel Andrews ayaa ku boorinaya shacabka reer Victoria inay is dejiyaan isna baaraan.
 
"Waa hal kays. Looma baahna in dadku argagaxaan. Ma ah inay cabsadaan. Haddaan nahay reer Victoria waa naqaan waxaynu samaynayno, waa nala soo tijaabiyay, gobol ahaan waan ku guulaysanay inaan maarayno xanuunku markuu dilaaco."
 
Liiska goobaha ay dhici karto in xanuunku ka dilaacom booqo: https://www.dhhs.vic.gov.au/case-locations-and-outbreaks-covid-19]]

Share

Published


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand
Xanibaado mar kale lagu soo rogay Melbourne | SBS Somali