Xannibaaddii Melbourne oo la kordhiyey

Xannibaaddii dhaqdhaqaaqa ee Melbourne ayaa muddo kordhin lagu sameeyey, ka dib markii xakamayntii virusta muddaddoo qorsheeyey loogu xakamayn kari waayey. Laakiin waxaa la khafiifiyey dhowr xannibaadood oo hore u jirey.

An empty Swanston St at night in the Central Business District as lockdown of Melbourne forces people to stay at home due to the continuing spread of COVID-19.

Melbourne şehir merkezinde Swanston Sokağı'nda sessizlik hakim. Source: AP Photo/Asanka Brendon Ratnayake

Xannibaaddii dhaqdhaqaaqa ee Melbourne ayaa lagu kordhiyey hal toddobaad oo kale, taasoo dhammaan doonta 10ka June marka goorsheegtadu tahay 11:59 daqiiqo ee habeennimo. Masu'uuliyiinta Victoria ayaa ka walaacsan noocan coronavirusta ah oo u muuqata mid u kala boodda dad aan xidhiidh qofeed ka dhexeynin, looguna magac daray "Kappa"

 Shan sababood oo keliya ayaa la oggol yahay in guriga looga baxo, kuwaasoo kala ah:

1. Cunto ama waxyaalaha lagama maarmaanka ah oo lasoo gadanayo

2. In qofku aado daryeel ama isaga la daryeelayo

3. In jimicsi loo baxo

4. In shaqo ama waxbarasho la aado

5. Iyo in tallaal loo baxo.

Laakiin dadka reer Melbourne waxay, laga bilaabo 11:59 daqiiqo ee 3da June ka dib, jimicsi u aadi karaan masaafo gurigooda u jirta 10 km.

 Waxyaalaha kale ee la khafiifiyey waxaa ka mid ah, in ardayda iskuullada ee dhigata sannadk 11 aad iyo kan 12 aad ay Schoolka u aadi karaan sidii caadiga ahayd iyo in dib loo oggolaaday shaqooyinka dhismayaasha debeddooda lagu qabto sida caws-goynta.

 Madaxa sare ee caafimaadka Victoria, Professor Brett Sutton, ayaa sheegay in laga maarmi waayey muddo kordhinta xannibaadda dhaqdhaqaa, noocan virusta ee aad u caabuqa badan awgeed.

 Wuxuuna yidhi:

 ["Ugu yaraan hal tobankii kaysba  ee kuwa hadda taagan ah, waxay virusta ka qaadeen goobaha la lagu kulmo ee caadiga ah, oo ahayn guryaha iyo goobaha shaqada, kuwaasoo aynu ognahay ama ka filanno in lagu kala qaado. Waxaan ku sifeeyey midd aad u daran waana inaynu hoos u celino. Waa inay qaadno dariiq aynu aad dib ugu celino si aynu uga adkaanno muddada dheer. "]]

Dhinaca kale, dadka gobollada victoria ayaa gebi ahaanba laga dulqaday xannibaaddii dhaqdhaqaaqa, wixii aan ka ahayn inay ogolaansho helaan marka ay melbourne u socdaalayaan.

Tirada dadka ku kulmi kara dhismayaasha debeddooda ayaa ugu badnaan 10 qof lagu koobay, halka goobaha cuntada iyo cabbitaannada loo oggolyahay inay fadhiisiyaan ugu badnaan 50 qof.

Khafiifiinta kale ee la sameeyey waxaa ka mid ah, goobaha ganacsiga oo dib loo furo, laakiin facemask loo xidhan doono,

Kulammada diimaha iyo aaska ayaa lagu koobay ugu badnaan 50 iyagana, halka aroosyada ay isugu imaan karaan oo keliya ugu badnaan 10 qof.

 

 


Share

Published

Presented by Abdinur Ismail

Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand