Xasan Sh. Maxamuud doorashadiisa oo noqonaysa mid uu taariikh cusub ku dhigay.

Mud Xasan Sh Maxamuud ayaa loo doortay 15/05/2022 madaxweynaha Soomaaliya. Doorashadan ayaa aheyd mid adkeyd, iyadoo laysla gaadhey wareegii sadexaad, isagoo ugu danbayntii kaga guulaystay Madaxweynaha xilka hayey Maxamed A Farmaajo, sidaasna ku noqonaya madaxweynihii Soomaaliya ugu horeeyey oo mar labaad loo doorto xilka madaxtinimada Soomaaliya.

Hasan Sheikh with Farmajo

Source: SBS

Mud Xasan Sheikh Maxamuud ayaa xalay 15/05/2022 loo doortay in uu markii labaad noqdo Madaxweynah JFS, isagoo kusoo baxay wareegii sadexaad, helayna 214 cod , halka Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo, oo la tartamayey wareega sadexaad uu helay 110 cod.

Xasan Sheikh Maxamuud ayaa  doorashadiisii Xalay 15/05/2022 ay noqonaysaa doorasha uu taariikh ku dhigay, isagoo noqonaya madaxweynihii ugu horeeyey Soomaaliya oo mar labaad soo gala qasiriga Madaxtooyada Soomaaliya (Villa Soomaaliya), isagoo sanadii  2012 ay ahayd markii ugu horaysay ee loo doortay Madaxweynaha Soomaliya, halkaas oo uu kaga guulaystay Madaxweyne Sheikh Shariif Sheikh Axmed oo isagu ahaa madaxweynihii markaas xilka hayey, halkaana uu ku dhameystay muda xileedkiisii ilaa 2017.

 Xasan Sh Maxamuud ayaa dhankiisa waxa looga guulaystay doorashadaii 2017, taasoo uu ahaa madaxweynaha xilka haya ee tartamayey, isagoo uu kaga guulaystay madaxweynaha hada uu xilka kala wareegayo Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

 Doorashadan Madaxweynaha Soomaaliya 15/05/2022, oo ay u tartameen in ka badan 34 musharax – kadib markii 39 kii musharax ay dhawr musharax tanaasuleen - ayaa aheyd mid adkeyd, oo laysla gaadhey wareegii sadexaad, halkaas oo uu ugu danbeyn kaga guulaystay madaxweynaha uu hada xilka kala wareegay codad badan oo laba jibaar sigay.

 Madaxweyna Xasan Sheikh Maxamuud ayey guushiisani ka dhignaaneysaa in fursad loo siiyey in uu ka jawaabo odhaadiisii caan baxdey ee 2017 uu doorashada ku galay, aheydna “ Qabyo ninkeedaa dhameystira”, iyadoo ay jiraan caqabada waaweyn oo horyaala taabagalka dawladnimada Soomaaliya, xaqiijintoodana ay madaxweynayaashii Soomaaliya - ee uu ka midka ahaa - ku noqotay laf dhuun gashay oo dhana u socon weydey.

Doorashada Xasan Sheikh Maxamuud ayaa soo afjareysa jahawareer siyaasadeed oo saaxada Soomaaliya ka jiray, soona jiitamayey muda sanad ka badan, nuxurka khilaafkuna uu ahaa doorashada madaxweynaha  iyo habraacyadeeda, iyadoo looga fadhiyo madaxweynaha la doortay jihaynta siyaasada wadanka, iyo taaba galinta isbadal dhaba oo baal cusub u fura wadanka Soomaaliya.


Share

Published

By Mohamed A Madar

Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand
Xasan Sh. Maxamuud doorashadiisa oo noqonaysa mid uu taariikh cusub ku dhigay. | SBS Somali