Wasiirka Tamarta ee Boqortooyada Sucuudiga boqor Abdilcasiis Bin-Salmaan ayaa arbacadii yidhi “Wax si weyn looga xumaado weeye in aan dayacney 40 sano, waxaana suurta gal noo aheyd dhinaca warshadaha in aan noqono sida Hindiya iyo Shiinah”.
Hadalkan wasiirka ayaa kusoo beegmay iyadoo xidhiidhka ka dhaxeeya Sucuudiga iyo Maraykanka uu mad-madoow soo kala dhex galay kadib markii Sucuudigu ay iskaashiga OPEC + ay ku dhawaaqdey in ay dhimayaan baaxada batroolka ee ay soo sooraan dalalka ku midoobay .
Maraykanka ayaa dhankiisa u dhigay go’aanka Opec + ee ay ku dhimayaan wax soo saarka batroolka in uu yahay mid lagula safanayo wadanka Ruushka.
Balse dhankooda Sucuudigu wey iska fogeeyeeyn eedeymahaas, iyagoo sheegay in go’aankaasi uu yahay kaliya mid dhaqaale uusan ahayena mid siyaasadeysan ama siyaasad xidhidh la leh.
Maraykanka oo galaya bisha soo socota doorashada midterm-ka, ayaa waxa la sheegay in ay ka codsadeen in ay go’aankan dib uga dhigaan xiliga doorashooyinka balse Opec + wey diideen, tan oo ku keeni karta xisbiga Demuqraadiga ee wadanka ka taliya saamayn doorasho.
Talaabadan Opec + ay qaadatay ayaa saameysay xukuumada Maraykanka iyadoo waliba Maraykanku ay Sucuudiga ugu hanjabeen in ay saamayn uga imaani doonto talaabadaa Opec + , taasoo looga shaki qabo in ay iyagu hor kacayaan maadaama oo ay yihiin wadanka isbahaysiga Opec ugu wax soo saarka badan dhanka batroolka.
Share
