Xiisada dagaal ee ka alooshan Gacanka Kuuriya

Kuuriyada Waqooyi : Gantaalada weli waan wadayaan tijaabintooda

Kuuriyada Waqooyi oo Sheegtay iney kajawaabi doonto Hadii Mareykanka uu Adeegsado Qaab Militeri

Kuuriyada Waqooyi oo Sheegtay iney kajawaabi doonto Hadii Mareykanka uu Adeegsado Qaab Militeri Source: Foto By AFP

Weli waxaa ka aloosan Xiisad Gacanka Kuuriyada, Tan iyo markii ay soo ifbaxday hanjabaadaha u dhaxeeya Kuuriyada Waqooyi iyo Dalka Mareykanka ayaa waxaa isasootaraya xiisad dagaal oo ay isku qaadikaraan labada dal , Mareykanaka ayaa ku goondiyey hadii kuuriyada Waqooyi ay joojinwayso Tijaabinta Hubka wax gumaada ee Nukliyerka iney Adeegsan doonto Xiilad Militeri halka Kuuriyada waqooyina ay sheegtay inuu bilaabandoono dagaalkii Nukliyerka hadii Amerikanku ay Cagaha dhulka dhigiwaayaan, Hadaba kuuriyada waqooyi ayaa todobaadkan dhoolatus militeri kusoo bandhigtay magaalada Caasimada ah iyadoo uu Hogaamiyaha Dalkaasina uu salaam sharafeed ka qaatay Cutubyo katirsan Militeriga dalkiisa, waxa ay soo bandhigeen hub aad u culus iyo kuwo aan horey loo arag oo nuucooda lagu wareeray , Madaxweyne xigeenka dalka mareykanka oo ku sugnaa Soodinta u dhaxeysa laba kuuriya ayaa sheegay in maraykanka uusan u dulqaadandoonin tijaabada ay wado kuuriyada waqoyi eek u aadan hubka waxgumaada laakiin saraakiil u hadashay wadanka kuuriyada waqooyi ayaa sheegeen iney todobaad walba ama bilwaba ay wadidoonaan tijaabadooda caadiga ah.

Sikastaba  ha ahaatee qubarayaasha ku taqasusa colaada  ayaa sheegaya in ay labadaas dal qarka u saaranyihiin inuu dagaal ka djhex dhaco  inakstoo dadbadani ay aaminsanyihiin dagaalkaas inuu noqonkara kii Seddexaad ee aduunyada  maadaama uu cirifyo badan ku lugleeyahay oo wadama badan ay korka iska ilaalsanayaan oo ay kamidyihiin Ruushka, Shiinaha & iiraan

 


Share

Published

By Ibrahim Mohamed
Source: SBS Somali

Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand