SKIP TO MAIN CONTENT

Xiriirka kubada cagta Sacuudiga oo raaligalin ka bixiyay kooxdooda oo diiday inay daqiiq u aamusaan dadkii ku dhintay weerarkii UK.

The Saudi Arabian Football Federation has apologized for team not observing minute of silence

The moment during the Fox Sports telecast showing the Socceroos side lining up for the minute's silence, while the Saudi team disperse
The moment during the Fox Sports telecast showing the Socceroos side lining up for the minute's silence, while the Saudi team disperse Source: SBS

2 min read

Published

Updated



Skip to article content

Xiriirka kubada cagta Sacuudiga ayaa raaligalin ka bixiyay kooxdeeda oo diiday inay daqiiqad aamusnaan ah ka qaybgalaan oo lagu xusayay dadkii ku dhintay weerarkii argagixiso ee UK asbuucii lasoo dhaafay.

 

Kooxda Sacuudi Carabiya ayaa cayaar ka mid ah isreebreebka cayaaraha aduunka kula lahayd Australia garoon ku yaala magaalada Adelaide ee gobolka South Australia habeenkii qamiista.

Kooxda Australia ayaa intii daqiiqada aamunsnaatu socotay gacmaha isqabsaday oo aamusay halka cayaartowda Sacuudigu garoonka iska dhexsocdeen.

 

 

Siyaasiyiin ay ka mid yihiin Anthony Albanese iyo  senator Derry Hinch ayaa ka hadlay arintan iyagoo ku tilmaamay hab dhaqanka kooxda Sacuudiga mid ceeb ah.

Xiriirka kubada cagata Sacuudiga ayaa hadda si buuxda uga raaligaliyay carada ka dhalatay falka qaar ka mid ah kooxda. qoraal kasoo baxay ayaa lagu yiri

"Cayaartowda kamaysan ahayn inay ixtiraam xumo u muujiyaan xuska dadkii weerarka ku dhintay ama qoysaskooda iyo saaxiibadood"

"Xiriirka kubada cagtu waa canbaaraynaa dhamaan falalka argagixiso iyo xagjirnimo waxaana tacsi qalbiya u diraynaa qoysaska dadkii ku waxyeeloobay, dawlada iyo shacabka UK" ayaa lagu yiri qoraalka.

Mr Albanese ayaa Chanell NIne u sheegay inay tahay ixtiraam daro ceeb ku ah labadii Australianka ahaa ee ku dhintay weerarka London.

Australia ayaa cayaarta ku guulaysatay 3 gool iyo 2 taasoo macneheedu yahay inay labada dalba leeyihiin 16 dhibcood.

 


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Stream now