Xisbiga Nationalka oo hogaan cusub doortay

Minister for Agriculture, Northern Australia David Littleproud

New National leader, David Littleproud. Source: AAP

Hogaamiyaha cusub ee xisbiga Nationalka, David Littleproud, ayaa sheegay inuu si adag uga shaqayndoono sidoo loo hubin lahaa in xisbigu gaaro heer uu guulo ka gaari karo doorashada federalka ee soosocota 2025. 

Xildhibaanada xisbiga ayaa codayn ku kala doortay 3 musharax oo isu soo sharaxay hogaanka xisbiga halka sadex kale ay u tartameen ku xigeenka xisbiga.
 
Mr Littleproud oo ku guulaystay codaynta ayaa sheegay inuu raadinayo sidii dib loogu soo dhisi lahaa taageerada cod bixiyayaasha.
 
"Maanta, waxaa noo bilowday safarkii aan ugu soconay doorashada 2025. Waxaan ku bilaabaynaa safarkaas quwad iyo rayrayn anagoo og inkasta oo aan kuraasteenii xagsanay doorashadan, waxaa jira qataro soo fool leh. Waxaa jira caqabado soo socda. Laakiin diyaar ayaan u nahay inaan wajahno, kamana wado maadaama aan noqdo hogaamiye ee waxaa u diyaar ah xisbiga oo dhan. Maskaxda xisbiga oo  dhan ayaan ku wajahaynaa mustaqbalka oo aan ugu shaqaynayno goboladda yaryar ee dalka. Taas ayaan cod ugu yeelanaynaa halkan Canberra," ayuu yiri Mr Littleproud.
 
Ku xigeenada hogaamiyaha cusub ee la doortay, Perin Davey ayaa iyaduna sheegtay in hogaanku hadda lee yahay go'aan adaygnimo cusub.
 
"Waxaa diirada saarayaa anoo la shaqaynaya David waa inaan isha ku hayno mustaqbalka. Waxaana sii wadaynaa inaan cod xoog leh u noqono gobolada yar yar. Waxaa nahay dad fikrado kala duwan isku biirinaya laakiin hal koox ah. Waxaana runtii ka miday sanahay in magaalooyinka yar yar ay lagama maarmaan u yihiin dhaqaalaha Australia." ayay tiri Ms Perin.
 
 
 

Share

Published


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand
Xisbiga Nationalka oo hogaan cusub doortay | SBS Somali