Xogahaya gaashaadhiga Maraykanka oo hor yimid Donald Trump

President Donald Trump looks to Secretary of Defense Mark Esper during a ceremony in the Oval Office at the White House in Washington, July, 2019.

President Donald Trump looks to Secretary of Defense Mark Esper during a ceremony in the Oval Office at the White House in Washington, July, 2019. Source: AAP

Xoghayaha gaashaandhiga Maraykanka, Mark Esper, ayaa sheegay inuusan taagerayn in milatariga loo isticmaalo sidii lagu soo afjari lahaa dibadbaxyada dalka ka socda.

Madaxweyne Donald Trump ayaa dhawaan ku hanjabay inuu milatariga u isticmaalayo si loo soo afjaro dibad baxyada ka socda magaalooyin badan oo ka tirsan dalka Maraykanka.

Mr Esper ayaa ka hor yimid hadal Madaxweynaha uu ku sheegay inuu doonayay in la soo rogo sharciga kacdoonka oo ogolaanaya in milatariga loo isticmaalo gudaha dalka.

Sharciga kacdoonka ee Madaxweyne Trump doonayo inuu isticmaalo ayaa dhigaya: In madaxweynuhu ciidanka milatariga u isticmaali karo sidii booliskii haddii ay jiraan masiibo dabiici ah, xaalad caafimaad oo degdeg ah, weerar argagixiso, madaxweynuhuna u arko in maamulayaasha goboladu ayan awood u lahayn inay amaanka dadweynaha sugaan.

Xoghayaha ayaa ku adkaysanaya in booliska ay taageeraan ciidanka National Guard oo caadiyan caawiya markii ay dhacaan masiibooyin dabiici ah ama howlo gudaha dalka ah oo ay awood u waayaan ciidanka booliska.

Isticmaalka National Guard ayaa inta badan yimaada marka ay dalbadaan barasaabayada goboladu.

"Hadalkan uma lihi oo kaliya anigoo ah xoghayaha gaashaandhiga ee sidoo kale waxaan ahaa askari hore, waxaan ka tirsanaa Nationala Guard. In ciidanka qalabka sida loo Isticmaalo sharci fulinta waa inay dhacdo markii dariiq kale la waayo oo ay jirto xaalad degdeg ah oo aad u daran. Xaalad noocaas ahna hadda ma joogno. Mana taageerayo in la isticmaalo sharciga kacdoonka," ayuu yiri Mr Esper.


Share

Published


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand
Xogahaya gaashaadhiga Maraykanka oo hor yimid Donald Trump | SBS Somali