Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE

Xubnaha Golaha Amaanka oo aqlabiyad buuxda ku diiday, go’aankii Maraykanka ee magaalada Qudus.

Xubnaha Golaha Amaanka, oo aqlabiyad buuxda ku diiday, go’aankii Maraykanka ee magaalada Qudus.

UN Security Council meeting
Source: SBS

Xubnaha Golaha Amaanka ayaa dhamaantood – marka laga reebo Maraykanka – ogolaanhso oogu codeeyey qorshe dalka Masar uu usoo gudbiyay Golaha Amaanka, ahaana in goluhu uu buriyo,  ama waxba kama jiraan uu ka  dhigo, go’aankii madaxweynaha Maraykanku uu magaalada Qudus oogu aqoonsaday in ay tahay caasimada Israel.

Balse danjiraha maraykanka u fadhiya Golaha Amaanka Nikki Haley, ayaa iyadu adeegsatay diidada qayaxan, iyadoo weerartay xubnaha Golaha Amaanka, una dhigtay go’aaka ay qaateen in ay sharaf daro oogu gaysteen wadanka Maraykanka, waligoodna ayna arintaas halmaami doonin.

Dhankiisa danjiraha Israel  ee Qaramada Midoobay Danny Danon,  ayaa uga mahad celiyay Maraykanka, sida ay uga go’antahay taageerida Israel.

Basle safiiraka Falastiin u Fadhiya Qaramada Midoobay Riyad Mansour, ayaa isagu ku tilmaamay diidada qayaxan ee  Maraykanku ku hor istaagay go’aankan, in ay tahay wax laga xumaado, isagoo sheegay in ayna diidadaasi waxba sharciyayn Karin.

Wasiirka arimaha dibada ee Falastiin/ Riyad al-Maliki, ayaa sheegay in ay si degdega isugu yeedhi doonaan Golaha Loodhanyahay ee Qaramada Midoobay, arinta magaalada Qudusna ay miiska soo saarayaan.

Waxaa jirta in xubnaha Golaha Amaanku ay ka kooban yihiin 15 xubnood, 5 joogta ah, oo leh diidada qayaxan, kalana ah wadamada: Shiinaha, Faransiiska, Britain, Ruushka iyo Maraykanka. Halka 10 xubnood ee kale lasoo doorto, iyogoo gobalo loo eegayo.

 


2 min read

Published

By Mohamed Madar


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Stream now