Xubnaha Golaha Amaanka ayaa dhamaantood – marka laga reebo Maraykanka – ogolaanhso oogu codeeyey qorshe dalka Masar uu usoo gudbiyay Golaha Amaanka, ahaana in goluhu uu buriyo, ama waxba kama jiraan uu ka dhigo, go’aankii madaxweynaha Maraykanku uu magaalada Qudus oogu aqoonsaday in ay tahay caasimada Israel.
Balse danjiraha maraykanka u fadhiya Golaha Amaanka Nikki Haley, ayaa iyadu adeegsatay diidada qayaxan, iyadoo weerartay xubnaha Golaha Amaanka, una dhigtay go’aaka ay qaateen in ay sharaf daro oogu gaysteen wadanka Maraykanka, waligoodna ayna arintaas halmaami doonin.
Dhankiisa danjiraha Israel ee Qaramada Midoobay Danny Danon, ayaa uga mahad celiyay Maraykanka, sida ay uga go’antahay taageerida Israel.
Basle safiiraka Falastiin u Fadhiya Qaramada Midoobay Riyad Mansour, ayaa isagu ku tilmaamay diidada qayaxan ee Maraykanku ku hor istaagay go’aankan, in ay tahay wax laga xumaado, isagoo sheegay in ayna diidadaasi waxba sharciyayn Karin.
Wasiirka arimaha dibada ee Falastiin/ Riyad al-Maliki, ayaa sheegay in ay si degdega isugu yeedhi doonaan Golaha Loodhanyahay ee Qaramada Midoobay, arinta magaalada Qudusna ay miiska soo saarayaan.
Waxaa jirta in xubnaha Golaha Amaanku ay ka kooban yihiin 15 xubnood, 5 joogta ah, oo leh diidada qayaxan, kalana ah wadamada: Shiinaha, Faransiiska, Britain, Ruushka iyo Maraykanka. Halka 10 xubnood ee kale lasoo doorto, iyogoo gobalo loo eegayo.