Dowladda federaalka ayaa sheegtay in sicir bararka la filayo inuu sare u kaco ku dhawaad 8% dhamaadka sanadka, taas oo cadaadis badan saaraysa dadka Australiyaanka ah ee durba la daalaa dhacaya qiimaha maciishada.
Qasnajiga Xukuumada Australia Jim Chalmers ayaa warbixintiisa rasmiga ah ee dhaqaalaha ee Golaha Wakiilada maanta ka hor tabiyey ku sheegay in sicir-bararka la saadaalinayo inuu gaaro 7.75% bisha Diseembar, taasoo in badan ka duwan saadaashii ay soo saartay dowladdii hore ee aheyd 4.25%.
Wasiirku waxa uu sheegay in sicir bararka la filayo in uu dabacsanaado sanadka soo socda ka hor inta uusan si caadi kusoo noqonin sanadka 2024-ka.
Wasiir Chalmers ayaa yidhi “Australia way ka sarraysaa aduunka intiisa badan, laakiin taasi waxba kama tarayso dhanka bixinta biilasha guryaha. Dad badan oo Australiyaana ayaa ku jira shaqooyinka si ka duwan sidii hore, taasina waa natiijo aad loo soo dhawaynayo, laakiin dad yar oo Australiyaana ayaa dareemaya kalsooni ku saabsan in xaalad kacsan in dhaqaalaheenu ku jiro, sababtoo ah waxay arkayaan saamaynta sicir bararka sare uu ku yeelanayo heerkooda nololeed, ahna jawiga aan shaqaaluhu heli karin mushahar kordhin ku filan oo u dhiganta qiimahaas sicir bararka”.