Premier Daniel Andrews ayaa Arbacadii 20/09/2023 ku dhawaaqay qorsha lagu duminayo 44 guri oo ah saraha dhaadheer ee Guryaha dadweynaha (towers) taas oo qayb ka ah xal u helida dhibaatada guryeynta, oo ay ku jirto canshuurta guryaha kiraynta muddada-gaaban iyo qorshayaasha lagu dhisayo 800,000 guri cusub tobanka sane ee soo aadan.
Qorshaha duminta 44 saraha dhaadheer ee gobalka Victoria ayaa - sida ay qabaan Xisbiga Greens-ka iyo dhinacyada u ololeeya arimaha bulshada - culaysyo keeni doonta, kuwaas oo ka digay in dhulalka guud laga iibiyo waaxda gaarka loo leeyahay.
Saraha dhaadheer (tawers) waxay calaamad u ahaayeen muuqaalada magaalada Melbourne in ka badan nus-qarni, laakiin Arbacadii Premier Daniel Andrews wuxuu ku dhawaaqay in la dumin doono oo dib loo horumarin doono sodonka sano ee soo socda.
Xukuumada Victoria ayaa ku tilmaantay qorshaheeda - oo wadaag ay ku yihiin dowlada iyo dhinca gaarka loo leeyahay - inuu yahay mashruucii ugu weynaa ee casriyeeyna magaalada ee Australia ka dhaca, kanoo qayb ka ah bayaanka guud ee gurya dhiska ee gobalka Victoria ay wax uga qabaneyso dhibaatada guryaha.
Andrews ayaa maruu sababta go’aankaasi qeexayey yidhi “saraha dhaadheer ee 44 ka ah waa duug, waqtigoodiina wuu dhammaaday, waa ay burburayaan, waa inay tagaan.”
Greens-ka gobalka Victoria ayaa dhaleeceeyay qorshaha ay waddo xukuumadda Andrews oo lagu burburinayo 44 saraha dhaadheer ee dadweyne, iyagoo sheegay in ay la macno tahay "dhammaadka guryaha dadweynaha" ee gobolka Victoria.