Xulka Qaranka Dumarka Australia oo koobka isha ku haya.

Xulka Qaranka Australia ee Dumarka oo usoo gudbay semi-finalka, iyagoo ku hanweyn in ay qaadaan koobka 2023.

The Matildas have talent and tenacity but can they reach the level needed to do well in the World Cup?

What does Robbie Gaspar believe is the top priority for Matildas players in their preparation for the World Cup? Source: Getty / Source: Getty Images/Matt King

Koobka Caalamaka Kubada Cagta ee Dumarka 2023 ayaa gabagabadiisii kusii siqaya, iyadoo 4 xul ay isugu soo hadheen ciyaaraha.

Xulka Qaranka kubada Cagta Australia ee Dumarka oo loo yaqaano magaca (Matildas) ayaa dhankooda markii ugu horeysay usoo baxay Semi-finalka, iyagoo soo bandhigay ciyaar wanaagsan.

Guusha Matildas ay ugusoo baxeen Semi-finalka, ayaa ciyaaraha wanaagsan ee ay lasoo safteen xulku, waxaa kaloo barbar socday taageera aad uweyn oo ay shacabweynaha Australia ay la garab istaageen xulkooda, tan oo aad uga dhistay dhanka mooralka, isla markaasna kor u qaaday dareenka waxa ay taageerayaashu ka filayaan.

Matildas ayey usuura gashay in ay ka guuleystaan Xulka Qaranka France ee dumarka, oo ka mid ahaa xulalka soo bandhigay ciyaaraha wanaagsan, iyadoo ay Matildas usoo baxeen semi finalka Koobka Caalamka Kubada Cagta Dumarka ee Aduunka 2023.

Ciyaartan oo dhacday galabtii Sabtida aheyd ayaa waqtiga ciyaaraha gool la’aan barbaro lagu noqday, iyadoo la isla gaadhay gool kulaad noqday kii ugu dheeraa inta uu socday koobkan.

Gool ku laadkii ayey xulka qaranka durmarka ee Australia (Matildas) ay ku reeyeen 7- 6, halkaas oo ay ugu soo gudbeen semi-finalka koobka, iyagoo la ciyaari doona maalinta Arbacada 16/08 Xulka Qaranka Dumarka ee England.

Ciyaartan dhex martay Australia iyo France ayaa noqotay – sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday Chanel 7 - barnaamijkii loogu fiirsiga badnaa sanadka 2023, iyadoo ay fiirsadeen qiyaastii 6.2 million oo qof oo wadanka daafihiisa ku nool.



Share

Published

Source: SBS

Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand