Shacab badan oo Australian ah ayaa isugu soo baxay inay xusaan maalinta ANZAC Day oo ku aaddan maanta oo Isniin ah bisha Abriil tahay 25.
Waa jiray xusas waabarigii la qabtay oo ka dhacay dalka oo dhan oo lagu xusayay 107 guuradii ka soo wareegtay markii laga degay ANZAC oo ah markii ciidamo isugu jira Australian iyo New Zealand ay ka dageen jasiirad ku taal dalka Turkey dagaalkii koowaad ee aduunka.
Gobolada qaarkood, xuska maanta waa kii ugu horeeyay mudo sadex sano ah COVID-19 dartiis.
Maanta ayaa sidoo kale ah ANZAC Day dii koowaad wixii ka danbeeyay markii ciidanka Australia ay ka soo baxeen Afghanistan.
Andrew Lewis oo ah wadaad ka tirsan ciidanka badda Australia ayaa hagayay xuska waaberigii ka dhacay caasimada dalka ee Canberra, isagoo halkaas duco ka aqriyay.
Wuxuu sheegay in shacabka Australia ay waxyaalo badan ka mahad naqayaan maalintan qaaliga ah.
"Waxaan maanta ka mahad naqaynaa nabada iyo amaanka aan dalkan ku haysano. Waxaa u mahad celinaynaa kuwii dalkeena u soo dagaalamay. Waxaan u mahad celinaynaa qoysaskii caruurtooda, kuwa ay jeclaayeen, hooyooyinkood, aabayaashood inta ay dalkan ka baxaan u soo dagaalamay. Waxaan xasuusanaynaa kuwii xili colaad iyo dagaal si daacadnimo ah ugu dagaalamay dalkeena. Waxaan u ducaynaynaa kuwa dadkii ay jeclaayeen ay geeriyoodeen iyaga oo u dagaalamaya Australia. Kuwii naftooda u huray si aan u helno xoriyada aan maanta haysano."
Xafladaha xuska ayaa waxaa daba socda gaardis ay askartii soo dagaalantay ku marayaan wadooyinka iyo xaflado kale oo xus ah.
Dalka dibadiisana, xusas kuwaa la mid ah ayaa ka dhacaya, France, Turkey, Thailand, Malaysia, iyo Papua New Guinea.