Xuska maalinta Australia Day

Prime Minister Scott Morrison poses for a photo with new citizens during an Australia Day Citizenship Ceremony and Flag Raising event in Canberra۔

Source: AAP Image/Mick Tsikas

Shacabka dadka dalka loogu yimid ee Australia ayaa xaflad dab shid ah ku qabtay Sydney iyagoo ku xusaya taariiqdooda iyo dhaqankood dheer oo 65 kun oo sano jir ah.

 Xaflada oo la yiraahdo “The Wugul Ora ama 'Hal Koox' ayaa lagu qabtay Barangaroo Reserve.

 Magaca Barangaroo ayaa ahaa haween u dhalatay qabiilka Cammeraygal oo ahayd hogaamiye awood badan leh xiligii gumaysigii Yurubiyaanka.
The Smoking Ceremony with Koomurri is performed during the Australia Day Wugulora Morning Ceremony on the Walumil Lawns at Barangaroo in Sydney, Friday, January 26, 2018. (AAP Image/Ben Rushton) NO ARCHIVING
Australia Day Wugulora Morning Ceremony on the Walumil Lawns, Barangaroo. Source: AAP
Wesley Enoch oo lafiistu ka soo jeeda qabiilka Noonuccal Nuugi ahna nin riwaadaha qora madaxna ka ah xafladan ayaa u sheegay NITV in sheekada haweentan ay tahay mid dhiira galinaysa Australianku inay maalinta Australia Day ka dhigaan mid la wada leeyahay.

"Waxay ahayd haweeney laga baqo. Marka laga fakaro inay is-tiri—gumaystihii Britishku waa yimaadeen laakiin waligood ma joogayaan. Laakiin aysan tagin. Waligeedna xoriyadeedii may helin.”


 

Ugu yaraan labo qof ayaa la xiray kadib dibad baxyo si nabad ah uga dhacay maalinta loo bixiyay Maalintii Duulaanka (invasion Day) oo ka dhacday Sydney.
For the first time on Australia Day, the Sydney Opera House sails were lit up at dawn with Indigenous art as recognition of Australia’s First Nations people.
For the first time on Australia Day, the Sydney Opera House. Source: AAP
Socod ay ku mari lahaayeen bartamaha magaalada ayay qaban qaabiyayaashu ugu danbayntii kansaleen iyagoo ka walaacsan digniino booliska ka imanayay.

 N-I-T-V ayaa soo warinaya in nin iyo haween lagu xiray Hayde Park kadib narkii sida la sheegay ay jabiyeen awaamiirta caafimaadka iyo kuwa amaanka.


 

Suxufiga caanka ah Kerry O'Brien ayaa sheegay in go’aanka uu ku diiday inuu aqbalo Abaalmarinta Australia Day ay tahay mid uu ku dhaliilayo sida loo xulo dadka la siiyo abaalmarinada ee aysan ahayn mid uu uga soo horjeedo cayaartowda caanka ku ah teniiska Margaret Court  shaqsiyan.

Dhaliisha abaalmarinaha maalinta Australia Day ayaa mar kale dib u bilowday kadib go’aan Ms Court lagu siiyay abaalmarinta Order Of Australia inkastoo ay ahayd qof aad uga soo horjeeda oo dhaliishay dadka isku jinsiga ah ee is guursada.

Dadka kale ayaa la siiyaya abaal marinta Companion of the Order of Australia waxaa ka mid ahaa RW hore Malcolm Turnbull; cayaartowgii hore ee kubada cagta Tim Cahill; Iyo wadaadka diinta yuhuuda ee Melbourne rabbi, John Levi.


 

Wadanka oo dhana waxaa lagu qabtay xafladaha dhalashada Australia oo lagu gudoon siinayay muwaadiniin cusub iyadoo dhalashada la siiyay dad ka badan 12 kun oo qof oo ka kala yimid 130 dal oo aduunka oo dhan ah.

 Xaflad lagu qabtay Canberra, ayaa dadka qaatay dhalashada waxaa ka mid ah Ms Nelum Nissanka oo Srilanka ku dhalatay waxay sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay.

“Australia waa dal fiican, waa dal aad nabad u ah. Qof walbaa qofka kale ayuu ixtiraama, dhaqan fiican ayaa ka jira, dhaqamo kala duwan ayaa ka jira, sidaas ayaana ku jec lahay,” ayay tiri.


Share

Published


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand
Xuska maalinta Australia Day | SBS Somali