Yassmin Abdel-Magied contraversy over facebook Post

Anger over Yassmin Abdel-Magied ANZAC Day post on her Facebook

Yassmin Abdel-Magied

Yassmin Abdel-Magied in 'The Truth About Racism'. Source: SBS

Maalintii talaadada ee bisha April ahayd 25  waxaa la xusay askartii Australia uga dhimatay dagaaladii uu dalkan soo galay.

Waa maalin qaali ku ah dalkan Australia iyadoo Australia labadii boqol oo dalkan jiray intii Yurubiyaanku yimaadeen ay kazoo qaybgaleen  dagaalo badan oo qaarado kala duwan ka dhacay.

Xusaska askartii ku nafwaay iyo kuwii ku dhaawacmay ayaa ka dhacayay dalka oo dhan waxayna ahayd maalin muqadis u ah  dhamaan Australianka ayn si qashuuc ku jiro u xusaan.

Waxaa jira kalmado can ku ah xuska askartii dhimatay oo ah Lest we forget oo macneheedu yahay waligeen ma iloobi doono nafti huranimadii aad noosoo samaysyeen.

Haseyeeshee iyadoo xusku socdo ayay gabar Muslimad-Australian ah oo la  yiraahdo Yassmin Abdel-Magied oo barnaamuj ka siidaysa TV ABC waxay barteeda Facebook ku qortay kalmad aad looga carooday.

Halka dadku Lest We forget ay u isticmaalaan xasuusta askartii ku dhimatay dagaaladii Australia.

Yassmin Abdelmajid waxay barteeda Facebook ku qortay Lest We forget oo haddi ay intaa ku dayn lahayd caadiyan ah ma iloobi doono balse waxay ku dartaya Lest We Forget Manus, Naru, Syria iyo Falatiin.

Iyadoo Markaa ula jeeday dhibaatooyin loo gaystay qaxootiga xeryaha Manus iyo Nauru ma iloobidoono iyo waliba dhibaatooyin Suuriya iyo Falatiin.

Qoraalka gabadhan ayaa dab ku shiday warbaahinta bulshada iyo waliba TV iyo Idaacadaha iyo Joornaalada, waxaa kaloo ka hadlay oo canbaareeyay qoraalka Yassmin siyaasiyiin ku sheegay qoraalkeeda wax aan dhahan lahayn  xushmad darana ku ah askartii Australia ka dhimatay.

Qaar badan ayaa ku doodaya inay tahay in ABC ay shaqada ka erido.

Dad badan oo dhaliilay qoraalkan u danbeeyay ee Yassmin ayaa sheegay inay nacas nimo ku kacday laakiin aysan ahayn shaqada laga eryo.

TV ABC ayaa ku raacay

Yassmin ayaa markii lagu kacay tirtirtay qayb ka  mid ah qoraalka iyadoo ku reebtay oo kaliya Lest we forget kana tirtay Manus Nauru, Syria iyo Falatiin.

Waxay sidoo kale ka bixisay raaligalin iyadoo sheegtay inay siyaasadaysay xuska ANZAC.


Share

Published

Updated


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand