Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE

A beginner’s guide to owning a pet in Australia - Sida loo lahaado rabbaayad.

Portrait of beagle dog playing with Asian young woman on sofa in living room at cozy home. Pet and cute animal concept.

It is also mandatory for cat and dog keepers to register with their local authority. Source: iStockphoto / klingsup/Getty Images

Xayawaanka rabbaayadda ah ee guryaha lagu hasyto ayaa tayo-geliya, nolosha qoysas badan oo Australian ah, iyadoo saddexdii meeloodba labo-meelood, ay qoysaska Australia guriga ku haystaan xayawaan rabbaadyad ah. Laakiin, dadka aan hore u lahayn, ama u aan haysanin rabbaayad, ee hadda raba inay keensadaan, ayaa laga yaabaa inay ka il-duufaan waajibaadyo uu xawayaanku sharciyan u leeyahay.


Published

By Zoe Thomaidou

Presented by Abdinur Ismail

Source: SBS



Share this with family and friends


Xayawaanka rabbaayadda ah ee guryaha lagu hasyto ayaa tayo-geliya, nolosha qoysas badan oo Australian ah, iyadoo saddexdii meeloodba labo-meelood, ay qoysaska Australia guriga ku haystaan xayawaan rabbaadyad ah. Laakiin, dadka aan hore u lahayn, ama u aan haysanin rabbaayad, ee hadda raba inay keensadaan, ayaa laga yaabaa inay ka il-duufaan waajibaadyo uu xawayaanku sharciyan u leeyahay.


Key Points

  • Microchipping and registration are both legal requirements for dog and cat owners. Make sure you do both as they are separate processes.
  • A pet’s healthcare plan includes regular check-ups, dental care, vaccinations, and treatment of any chronic conditions.
  • Taking up the responsibility of an animal should be an informed decision by all household members involved in their care.

Qaar badan oo ka mid ah dadka rabbaayadda haysta ayaa rumaysan inay tahay mid farxad gelisa naftooda. Waxaase dadkaa saaranmas'uuliyad lala mid dhigi karo, tan cunug la korinayo oo kale.

Saddex sannadood ka hor, haweeneydan la yiraahdo Vindhiya [[ Nivan Hela Gay]] iyo lammaaneheeda James ayaa go'aansaday inay guriga keensadaan Eey. Illaa iyo intii Eeygaas oo ay u bixiyeen Algot, keensadeena, waxay ka heleen farxad iyo wehel maalin kasta ah - sida ay sheegeen.

3dce5df5-3635-4999-9973-6972aebf3d2b.JPG
James and Vindhya oo reer Melbourne ah go'aansaday in guriga keensadaa eey rabbaayad ah. Photo: Supplied

“Xataa maamlmaha aad iska yara daallan tahay, weli waxaa ku saaran waajib ah, in aad Eeyga soo lugaysiiso, taasoo aad ka helayso farxad badan, waayo, waqtigaas naftaada uun kama fekerayside, naf kale ayaa ka fekeraysaa”

Laakiin, in rabbaayad guriga lagu haystaa, waa mas'uuliyad weyn oo aan la dhayalsan karin.

"Rabbaayaddu ma aha wax hadyad dhalasho la isu siiyo"

"Waa wax ay tahay in qoyska oo dhammi kasii fekero, kana wada tashado, doorkii qof kastaa ka qaadan lahaa, waayo waa noole kasoo mid noqonaya qoyska oo u baahan in waqti la siiyo, waajibkiisana laga soo baxao"

Ms Nivunhellage iyo lammaaneheedu waxay wada leeyihiin eey ay ula baxeen Algot.

"Aniga iyo James carruur ma lihin. Lahaanshaha Algot, waxaanu la meel dhignay annagoo cunug haysanna, waay wuxuu u baahan yahay usii diyaar-garoow badan, Tusaae: Dhowrkii sano ee hore ee noloshiisa, Algot, meelaha Eeyda lagu lugaysiiyo ayaannu subaxii iyo galabtiiba kusoo lugaysiin jirney"

Australia Explained: Lahaanshaha Rabbaayad.
Haddii aanu gurigaagu lahayn meelo rabbaayaddu ku cayaarto, hubi, in rabbaayaddaadu aanay gurigu gudihiisa ku caajisin waqti dheer. Credit: Fly View Productions/Getty Images

Pet laws

Tara Ward, waa garyaqaan iskaa wax u qabso uga shaqaysa Animal Defenders Office, oo ah xarun bulsho oo ka shaqaysa arrimaha shariciga xayawaanka..

Waxay sheegtay, in inkasta oo ay dowlad-goboleedyada iyo degmooyinku, ku kala duwan yihiin shuruucda xayawaanka, ay haddana ka siman yihiin qaar ka mid ah shuruudaha sharciyeed ee bisadaha iyo Eyda. Waxaana ka mid ah in xayawaanka lagu duro microchip.

Dhakhtarka xayawaanku wuxuu diiwaan ku qoraa macluumaadka qofka xayawaanka leh, si loo ogaado qofka lala soo xiriirayo lacalla uu xawaanku lumo,” ayay tiri Ms Ward.

Waa khasab in bisadaha iyo eeyda laga diiwaan geliyo dowladda hoose.

Ms Ward, waxay leedahay, dadka qaar waxay si khaldan ugu maleeyaan in diiwaan-gelinta dowladda hoose iyo ku durida chip-ku isku mid yihiin. Laakiinn way kala duwan yihiin.

Australia Explained: Pet Ownership
Microchip, waa aalad yar oo le'eg xabbad bariis ah oo lagu duro aagga qoorta iyo garbaha Eeyga iyo bisadda”, ayay tiri Tara Ward oo ka tirsan Animal Defenders Office. Credit: FatCamera/Getty Images

“Labadu aad bay u kala duwan yihiin. Ku duridda chip-ka ujeeddadiisu waa in la aqoonsada Eeygaaga ama bisaddaada. Diiwaan gelintuna waa in macluumaadka rabbaayaddaada lagu daro diiwaanka rabbbaayadda ee dowladda.."

Fadlan, ku xirnow podcas-ka Australia Explained, si aad uga hesho maluumaad faa'iido leh oo kaa caawinaya degitaankaaga Australia.

Ma noo haysaa wax su'aal ah. Feker-se ma nagu soo biirinaysaa? Fadlan noogusoo diri australiaexplained@sbs.com.au 


Latest podcast episodes

Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Watch now