Key Points
- Waa inaad muujiso ixtirimaa oo aad wixii qashin ah dib ula laabato, isla markaana aad ka taxaddarto buuqa iyo saameynta aad ku yeelanayso dadka kale ee dalxiisayaasha ah.
- Waxaa jira qalab noocyo badan oo loo isticmaaloo habeen-dhaxa dalxiiska, sida kuwa daruuriga ah ama kuwa raaxada iyo fududaanta kordhiya.
- Noqo mid qadderiya dalxiisayaasha kale. La noqo wixii qashin ah, kana feker saamaynta ay sanqadhaadu ku yeelan karto dalxiisayaasha deriska kula ah.
- Maxaa loo aadaa dalxiiska baadiyaha ee Ausralia?
- Maxaad uu baahantahay inaad ogaato inaadan bixin?
- Qalabka dalxiiska habeen-dhaxaloo qaato
Maxaa loo aado dalxiiska baadiyaha ee Australia?
Laga bilaabo xeebaha illaa dhulka baadiyaha ah ee outback-ga la yiraahdo, , Camping-ku waa hab sahlan oo raqiis ah, oo looga nasto cadaadiska nololeed, laguna raaxaysto quruxda dabiiciga ah ee Australia.
Waxaase, inta aadan macawista u gaabsannin, lagama maarmaan kuu ah, inaad ogaato qalabka iyo sahayda aad u baahan tahay, halka aad u socoto, iyo xaaladaha aad filan kartoba.
Socdaale iyo sawir-qaade Mark Pybus {Pie-bus) ,ayaa ah qof si joogto ah u aada camping. wuxuuna sheegayaa in Camping-ku u yahay mid si sahlan kuu soo jiita.
“Nasiib baynu ku leennahay Australia, waxaana la inngau mannaystay muuqaallo dabiici ah oo aad u qurux badan, inta badanna si sahlan ayaa looga gaari karaa magaalooyinkeenna waaweyn. Camping-kuna waa hab aad u fiican oo lagaga baxsado culaysyada iyo mashquullada nolosha casriga ah.”]] ayuu yir.
Milkiilaha ganacsi la yiraahdo Tentworld, Jon Burrell, ayaa isna sheegay in Camping-ku kaa caawiyo inaad ka xidhiidh-furato buuqa iyo mashquulka magaalada iyo iska-dabo-wareegga maalinlaha ahba.
“Waan jeclahay camping-ka sababtoo ah waxay igu khasabtaa inaan beddelo caadooyinkayga. Sida dadka kaleba, waan la yara qabatimay taleefanka iyo internet-ka iyo raaxada nolosha casriga ah. Marka aan Camping tago, waxay igu qasabtaa inaan tallaabo dib u qaado, waqti badanna aan la qaato carruurta iyo xaaskayga, guud ahaanna ku raaxaysto debed-joogga.”]] ayuu yiri.
Erin Atkinson, oo ka shaqeeysa, bed-qabka kaymaha Queensland, ayaa iyana sheegtay in Camping-ka laga helo, fursado sahlan oo lagu arko duurjoogta, isla markaana uu yahay fasax qiimihiisu raqiis yahay.
“La kulanka duur-googtu waa mid ka mid ah waxyaabaha ka dhiga Campingka Australia mid aad u wacan — ha noqoto shimbiro, xayawaanka dhulka sida kangaroo-da ama xamaaratada, ama noolaha badda oo isna aad u badan. In lagu habeen-dhaxo kaymaha qaran-kuna, waa mid qof kastaa ka faa’iidaysan karo, miisaaniyad ahaanna u habboon”]] ayay tiri

Jon Burrell oo la dal-xiisaya qoyskiisa
Maxaad u baahantahay inaad ogaato inaadan bixin?
Mark Pybus, wuxuu leeyahay diyaar-garowga wanaagsani waa furaha safar guul leh.
“Khaladka ugu weyn ee aad Camping ka geli kartaa, waa inaadan wax cilmi-baaris ah kusii sameyn meesha aad u socoto. Iska hubi in goobtu u baahan tahay sii-carbuunasho, inay goobtu xilligaas mashquul badan tahay haddii aadan jeclayn ciriiriga, iyo cimilada laga filayo — waayo ma aad rabtid in xaalku ku dambeeyo, kud ka guur oo qanjo u guur.”
Haddii aad rabto waqti deggan oo ka fog dad badan, Erin waxay ku talineysaa inaad ka fogaato xilliga fasaxyada iskuullada, isla markaana aad si taxaddar leh u qorshayso safarkaaga.
“Is weydii inaad u baahan tahay baabuur afarta taayir-ba ka socda? Ma la oggol yahay xayawaanka rabaayadda ah? Waa inaad hubisaa saadaasha cimilada, hirarka badda haddii aad xeeb tegeyso, sidoo kalena aad hubisaa inaad haysato rukhsadaha Campingka iyo gaadiidka. Yay kugu dhicin inaad safar dheer soo gasho oo aad timaaddo meeshii oo buuxda.”]] ayay tiri
Dhanka qalabka la qaadanayo, ninkan magaciisu Jon yahay, wuxuu kugula talinayaa inaad safarkaaga ugu horreeya ka dhigato mid fudud oo aad ku tababarato.
“Isku day inaad doorato meel aan diyaar-garaw iyo saanad badan kaaga baahnayn — oo keliya aad u baahan tahay teendho, furaash iyo toosh. Sidaas ayaad ku tabo-baran kartaa, cuntadana maqaaxiyahaba u doono, safarka xigana waxaad u gudbi kartaa saanad buuxda iyo cuntada oo aad samaysto”]] ayuu yiri.
Ma xilli-roobaadbaa? Ma kulaylaa? Had iyo jeer u diyaargarow cimilada aan si hubaal ah loo saadaalin karin:
“Waa muhiim inaad ka sii fekerto kulaylaha, oo aad sii qaadato dhar ku habboon, iyo gogol ku habboon qabowga habeenkii. Dad badan oo markoodii ugu horreysay Camping samaynaya ayaa la kulma, qabow aanay filaynin]] ayuu yiri
Noocyo badan oo agabkadalxiiska ah ayaad kala dooran kartaa. Waxaa ka mid ah, teendho, gogol, kursi iyo miis, qalabka cunto-karinta iy cuntada qudheeda. Credit: Donovan de Souza
Qalabka dalxiiska habeen-dhaxa loo qaato?
- Waa fikrad wanaagsan inaad qalabka camping-ka ku tijaabiso guriga, ka hor inta aadan bixin.
Erin waxay ku talineysaa inaad si taxaddar leh u doorato goobta aad teendhada ka taageyso ama dhisayso.
“Ka fikir meesha aad teendhada ka dhisayso: meel siman ma tahay? Biyo-mareen ma tahay lacalla roob da’o? Ma ku dhowdahay jidka baabuurta? Geed hoostii’se ma tahay ay laamuhu kugu soo dhici karaan?”} ayaY tiri
Sidoo kale waa muhiim inaad muujiso edaab iyo ixitiraam inta aad camping-ka ku jirto
“Hoos u dhig sanqadha, gaar ahaan habeenkii iyo aroortii hore. Marka aad teendhada dhisanaysona ka durug dadka kale. Ha is-ballarinne, is-aruuri, mar walbana raac xeerarka u yaalla goobta camping-ka.”]] ayay tiri.
Ha ku daadin ama ha ku tuurin qashin deegaanka, dhaawacna ha geysan dhirta iyo noolaha midna. Dib ula noqo wixii qashin ah.
“Qashin iyo bilic la’aan ha kaga tegin goobtii aad u hoyatey. Qaado wax kasta oo aad keentay, goobtana uga tag sidii aad ugu timid ama ka sii fiican. Kaymaha qaranka waa la ilaaliyaa, ganaax ayaadna mutaysan kartaa haddii aad waxyeelleyso.”]] ayay tiri.
Goobaha camping-ka lagu sameeyaa, waa meelo ay dad badan oo qaarkood carruur wataan iskugu imaan karaan. Haddii aad u baahan tahay inaad daarato matoor, sida uu Jon ku talinayo, waa inaad tix-gelisa dadka kale ee deriskaaga ah.
“Kaymo-dalxiis badan lagama oggola matoorro, laakiin haddii la oggol yahay, waxaa lagu talinayaa in la damiyo 7-da fiidnimo. Muusigga dhawaq dheerna sidoo kale yeel, adigoo tixgelinaya qoysaska carruurtu u hurdaan.”]] ayuu yiri
Mark ayaa isaguna sidaa ku raacsan oo leh: Muujinta edaabta iyo xishmayntu waa mid cid kasta u wanaagsan. Wuxuuna ka digayaa in goobahaas la wadaago, lagu shido dab.
“Australia gudeheeda, dabshididdu khatar-teeday leedahay, gaar ahaan xilliyada aan la oggolayn, waayo halista dab-kaymeedka ayaa aad u sarraysa xilliga kulaylaha.”]] ayuu yiri
Dabka waxaa lagu shidi karaa oo keliya meelaha laga oggolyahay. Waana in si dhammays-tiran loo damiyo inta aan laga tegin.
Haddii aad rabto inaad wax ka ogaato goob gaar ah oo aad camping u aaddo, ka sahami internet-ama ama online-ka kolba saad u taqaan, iska hubi cimilada, booqona bogga rasmiga ee goobtaas aad aadayso, haddii uu jiro.
Qaybtii Australia Explained ee toddobaadkanina intaasay ku dhan tahay.
GABO-GABO
Kusoo biir ama iska diiwaangeli Podcast-ka Australia Explained si aad u hesho talooyin iyo macluumaad kaa caawinaya degganaantaada Australia.
Ma qabtaa su’aalo ama fikrado ma nagu biirin kartaa?
Noogu soo dir iimayl: australiaexplained@sbs.com.au
at is good camping etiquette?




