Australia Explained: Maxaad u baahan tahay inaad ogaato si aad gurigaaga gacantaada ugu dayactirato?

Collaborative Task: Man and Woman Working Together

DIY is growing in Australia. Source: Getty / supersizer

Dadka Australia ayaa qaarkood jecelyihiin inay iyagu si iskood gacantooda ugu dayac-tiraan guryahooda. Waxaase dadka lagula talinayaa inay ogaadaan ama bartaan xeerarka iyo sharciyada, bilaabin dayac-tirka, wax-ku-kordhinta iwm.


Key Points
  • DIY renovations are popular in Australia, but it’s important to understand the risks, rules and safety requirements before starting.
  • Asbestos, lead-based paint and dust are common hazards in older homes, and disturbing them can pose serious health risks.
  • Many types of work, like electrical and plumbing, must legally be done by licensed professionals, and major changes often require permits.
  • Beginners should start small, build their skills gradually, and budget carefully to avoid costly mistakes.
Dadka badan oo reer Australia ah, guryahoodu waa mashruuc soconaya.
Haddii ay tahay rinji cusub ama dib-u-habeyn beerta ah, DIY (Do-It-Yourself) oo micnaheedu yahay “Naftaada samee” ayaa si weyn loo jecel yahay.

Kribashini Hannon [Kree-ba-shee-nee Han-non], oo ah maamule khibrad leh oo dhanka dhismaha iyo horumarka ah, isla markaana ah aasaasaha Build Play Live, ayaa sheegtay in DIY ay si degdeg ah ugu korayso Australia.

“"Waxaa jirta dhaqan ah in dadku si toos ah gacmahooda uga qaybqaataan. Dad badan ayaa iska qabta dib-u-habaynta guryahooda. Maanta, maadaama qiimaha dhismaha iyo kireysiga dhise ay aad u qaali yihiin, dadku waxay sii dooranayaan inay isagu qabtaan hawsha."”

Kahor intaadan bilaabin mashruuc kasta, weyn ama yar, ammaanku waa inuu noqdaa mudnaanta koowaad.

Ka badbaad Asbestos-ka iyo khataraha kale

Taas waxaa ku jirta xirashada qalabka saxda ah, barashada sida qalabka loo adeegsado, iyo ka digtoonaanta walxaha halista ah ee laga yaabo inay gurigaaga ku jiraan.

Australia gudaheeda, guri kasta oo saddexaad waxa laga yaabaa inuu ku jiro asbestos, waa macdan halis ah oo keenta kansar haddii la dabciso ama la neefsado.


Badbaadadu waa mudnaantayada koowaad. Waa shaqaale ka shaqaynaya asbestos oo xiran dharka ka difaaca.
Haddii asbestos la saarayo, waa in loo diraa dadka xiraddaddeeda leh ee u diiwaan gahsan. Source: Getty / PixeloneStocker
Waxaa jira in ka badan 3,000 alaabo dhismeed ah oo laga heli karo asbestos.
Batty wuxuu leeyahay asbestos-ka ma aha mid khatar ah haddii la daayo, laakiin goynta, daloolinta ama jebinta ayaa sababi kara in uu hawada ku faafo.

“"Haddii aad samaynayso shaqo DIY ah oo ay ku jirto goyn, jebin ama daloolin, waxa dhici karta in aad dabciso walaxdaas, taas oo sababi karta in fiilooyinka yaryar ee asbestos-ka ay hawada ku faafaan. Markaa waxaa laga yaabaa inaad si lama filaan ah u neefsato, taasoo khatar ah.",”

John Batty oo ka tirsan Guddiga Wacyigelinta Asbestos ayaa sidaa yiri.

Waxaad isticmaali kartaa liiska hubinta ee ku yaal [asbestosawareness.com.au] si aad u ogaato khataraha jira. Haddii aad ka shakisan tahay, wac khabiir haysta ruqsad si uu u baaro.


bs.com.au 

Share
Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand